Saturday, May 26, 2018
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Soomaaliya: Qaran baadigoobaya qaacidda xukun (Governance Formula)

W/Q Xasan A. Keynaan

Soomaaliya waa qaran baadigoobaya qaaciddad xukun oo ay uga soo kaban karto qaran-jabkii ba’naa iyo jahawareerka siyaasadeed ee ragaadiyay. Habka xukun ee dalka ka jira waxaa saldhig u ah saddex nidaam oo ku kala abtirsada isirro iyo hiddooyin kala duwan aadna u kala fog: 1) qaaciddada Afar iyo Bar (4.5 Formula) ee lagu guddoomiyay Carta, Jabuuti sannadkii 2000, 2) Dastuurka Ku-Meel Gaarka oo lagu soo allifay Nayroobi, Kenya, 2004-tii, laguna ansixiyey Muqdisho, Soomaaliya, bishii Agoosto 2012kii, iyo 3) Shareecada Islaamka. 

1) Afar iyo Bar (A&B) 4.5 waa qaaciddo awood qeybsi. Waxaa saldhig u ah abtirsiimo. Waxaa saamilay ka ah beelo lagu soo koobay afar beel iyo bar.  Afarta beel ee waaweyn (clan family) waxaa loo qoondeeyay qaybo is le’eg. Beesha shanaadna waxaa loo gartay hal beel oo afarta beel ka mid ah intay heshay nuskeed. Qaaciddadan waa mid ku dhisan is-afgard iyo tijaabo ku salaysan is-ku-day iyo arag-hadday-shaqayso. Afkaarteeda iyo axkaamteeda meelna kuma qorna; marjac suganna ma laha. Dhaqan siyaasadeed iyo hiddo awoodqaybsi oo soo jireen ahna kama soo jeeddo.  Sida ay ii sheegeen rag ka qaybgalay Shirkii Carta, sababta ugu wayn ee A&B loo go’aandsaday waxay ahayd ‘xal raadis.’ A&B waa ‘xal ee xaq ma aha’ ayaa hal-ku-dhig u ahaa aabbayaashii curiyay qaaciddadan.

2) Dastuurka Ku-Meel Gaarka (DKMG) asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa nidaamkii laga dhaxlay gumaystayaashii Yurub. Udub dhexaadkiisu waa fikirka federaalka ah ee lagu guddoomiyay Nairobi, Kenya, 2004tii. 
Awoodda wuxuu siinayaa ‘shacabka,’ oo ka kooban muwaadiniin (citizens) xor ah. Wuxuu hoosta ka xarriiqayaa dimuqraadiyad, matalaad dhab ah, iyo caddaalad bulsho; oo uu ku salaynayaa ‘mabaadii’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka.’ DKMG wuu qoranyahay. Wuxuu ku abtirsadaa afkaar iyo hiddooyin dastuuri ah oo asal ahaan Yurub ka soo jeeda. 
Sidii A&B kii Carta, DKMG, gaar ahaan nidaamka federaalka, waxaa loo muujiyay qaaciddo xal u keeni karta siyaasadda murugsan ee dalka; saldhigna u noqon karta awood qaybsi sinnaan iyo caddaalad ku dhisan.

3) Shareecadda Islaamka (SI) Waxaa saldhig u ah Diinta Islaamka. Islaamku waa aasaaska jiritaanka, magaca, taariikhda, dhaqanka, ilbaxnimada, iyo ummadnimada isirka Soomaalida. Shareecaddu waa nidaamka iyo qaacidadda xukun ee bulshada Soomaaliyeed ay ugu aqoon badan tahay, ugu  kalsooni badan tahay, marjacna u ah. Guri walba iyo gole walba oo geyiga Soomaaliyeed ka jira. Waxaa gogol iyo minhaj nololeed u ah Islaamka. Isir iyo Qaran Soomaaliyeed ma jireen mana jiri karo Islaam la’aantii. Laga soo billaabo 1991-dii, Soomaaliya markay ugu rajada badneyd waxay ahayd muddadii koobnayd ee Maxaakiimta Isaamiga ah ay dalka ka talinayeen.

Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah meelo badan ayuu ku xusaya diinta Islaamka. Tusaale ahaan, Qodobka 2(3) wuxuu tilmaamayaa inaan la soo saari karin “sharci aan waafaqsaneyn Mabaadi’da guud ee Shareecadda Islaamka iyo Maqaasiiddeeda.” Qodobka 3(1) wuxuu sheegayaa “Dastuurka Soomaaliya waxaa saldhig u ah Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nabigeenna Muxammed (NNKH), wuxuuna ilaalinayaa maqaasidda (ujeeddooyinka) shareecadda iyo caddaaladda bulshada.” 
Hase yeeshee, DKMG xooggiisu wuxuu ku salaysan yahay aragtiyo iyo mabaadi’ cilmaani ah oo ku abtirsada hiddo dastuuri oo ka soo jeedda qaaradda Yurub; badankkoduna aannay is-waafaqayn diinta iyo Shareecada Islaamka.

Xildhibaan Muudey, Guddoomiye-ku-xigeenka koobaad ee BF

Labadan nidaam ee hore midna ujeeddoyinkii loo cimaamadday laguma gaadhin. A&B (afar iyo bar) xalkii la lahaa way keeni, lama hayo. Waxaabad mooddaa inay wax sii xumaysay. Xaqna markii horeba lagama filayn, loogamana fadhiyin. DKMG waxoogaa horumar ah ayuu keenay. Waxaa lagu dhisay Baarlamaanka Federaalka (BF). Wuxuu saldhig u ahaa yagleelidda dawlad goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS). Laba madaxwayne ayaa lagu soo doortay. Hase yeeshee, DKMG ma noqon mid suuragaliya dib-u-heshiisiin dhab ah iyo dawlad nabad iyo caddaalad lagu helo. Wuxuuba dhaliyay dhibaatooyin cusub iyo is-mariwaa la xiriira siddii loo wadaagi ahaaa wooddaha siyaasadeed iyo kheyaraadka dalka. Intaa waxaa u dheer, DKMG waa qabyo, dhamaystirkiisana waxaa la hadal hayay laguna hawlanaa in ka badan lix sano.

Waxaase ugu daran oo noqotay hooyadii jahawareerka, markii Guddoomiye-ku-xigeenka koobaad ee BF, ahna Guddomiyaha ku-meel-gaarka ah, uu dorraad sheegay in Dastuurkii asalka ahaa ee in ka badan 800 ergo ah ay ansixiyeen 2012kii la la’yahay; midka hadda lagu socdana uu yahay mid an sax ahayn oo af Ingiriis lagu qoray dabeedna Soomaali loo turjumay. Guddoomiyuhu ma uusan sheegin goorta uu lumay Dastuurkii aslaka ahaa ama waqtiga uu ogaaday inuu maqanyahay. Arrinta Guddoomiyuhu uu ka dhawaajiyay waa arrin halis ah, waxaana ka dhalan kara shiddooyin dastuuri ah (constitutional crises). Tusaale, ma dastuur aan sax ahayn ayaa lagu soo doortay Madaxawaynaha 8dii Febraayo 2017?

Nidaamka saddexaad, Shareecada Islaamka (SI), kooxda keliya ee si cad ugu doodda in Shareecada waddanka lagu xukumo waa urur diimmedka hubaysan ee Al-Shabab. Meelaha ay dalka ka taliyaanna Shareecada inay ku maamulaan ayay sheegtaan. Xoggo lagu kalsoonaan karo ayaa jira oo sheegayaa in meelo badan oo ka mid ah koonfurta dalka, gaar ahaan Muqdisho iyo nawaaxigged, ay dad badani nidaamka maamul iyo garsoor ee Xukuumadda Federaalka ka door bidaan kuwa Al-Shabab.

Caddaaladda Al Shabaab (AS) waxaa lagu tilmaamaa “caddaalad arxan darro ah”. Dad badanina waxay aaminsanyihiin in maamulka iyo caddaaladda AS ay yihiin kuwo aad uga fog Shareecada iyo dhaqanka diinta Islaamka. Hase yeeshee, tabar yarida, masuuliyad darrada, iyo musuqmaasuqa ba’aan ee Xukuumadda Federaalka iyo xooggaga shisheeye ee la bahda ah ayaa sababay in dadka qaar miciin bidaan xukunka arxandarrada ah ee AS.

Sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah in la yagleelo qaaciddo xukun oo lagaga gudbo xaaladda cakkiran ee uu dalku ku jiro. Waa muhim la iska illoobo afkaarta iyo habdhaqanka caadiga ah ee dalka iyo dawladda ragaadiyay, lalana yimaaddo dardar iyo dhiirranaan. Aragtiyo cusub iyo is-beddel waa lama huraan si xal wa-ku-ool ah loo helo. Talooyinka soo soccda, waa kuwo qaddarin mudan, lagana yaabo inay soo dhaweeyaan xal la mahadiyo.

1) Sharci degdegga: Iyadoo la raacayo hab dastuuri ah ama tub kale oo daahfuran oo xal lagu raadinayo, Labada Aqal ee barlamaanka Federaalka (BF) oo la tashanaya Baarlamaannada dawlad goboleedyada, ha qabanqaabiyo soo jeedin wax lagaga beddelayo DKMG, gaar ahaan laamaha fulinta iyo garsoorka.

2) Laanta Fulinta (Executive Branch): Jagada Madaxwaynaha waxaa lagu beddeli karaa Gole Federaal (Federal Council) oo matala dawlad goboleedyada iyo Caasimadda. Waxaa magacaabaya mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Golaha Federaalka wuxuu noqonayaa awoodda fulinta ee dalka ugu saraysa. Afartii sanaba mar ayaa la dooranayaa. Xubnaha Golaha Federaalka waxay yeelanayaa awood siman, waxayna wax ku go’aaminayaan talo wadaag. Sannadba mid ayaa guddoomiye loo dooranyaa. Mugga iyo awoodaha dawladda Federaalka waxay noqonayaan kuwo kooban oo xaddidan.

3) Laanta Garsoorka (Judicial Branch): Labada Aqal ee BF ha lagu wareejiyo awoodda magacaabidda guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal. Sida la ogayahay DKMG wuxuu awooddan siinayaa Madaxwaynaha. Shan sano iyo bar kadibna Maxkammadda Dastuuriga lama samayn. Hay’adaha garsoorku intooda kalena caga badan kuma taagna. Maa daama bulshada Soomaaliyeed ay hiddo u leeyihiin kalsooni buuxdana ku qabaan ku dhaqanka Shareecada, waxaa habboon in gundhig looga dhigo garsoorka dalka, gaar ahaan kan madaniga ah.

4) Gole sare oo nabadayn iyo dib-u-heshiisiin ka shaqeeya: Labada Aqal ee BF ha magacaabaan Gole Sare oo ka shaqeeya nabadayn iyo dib-u-heshiisiin dhab ah, toosna u hoos yimaadda BF. Xubnaha golaha waxaa laga soo xulayaa culimada magac ku leh dalka, oday dhaqameedyo iyo duubab ciso iyo sharaf leh, aqoonyahanno khibrad leh kana madax bannaan xaglin siyaasadeed iyo damac hunguri, iyo siyaasiyiin lago bartay u istaagidda danta guud iyo difaaca qaranka. Hawlaha golaha waxaa lagu soo koobayaa xal-u-raadinta mushkiladaha waawayn ee dalka ragaadiyay, sida:

  • Al-Shabaab
  • Khilaafaadka dastuuriga ah ee ka dhexeeya DFS iyo dawlad goboleedyada
  • Arrinta Somaliland
  • Qorshe lagu soo afjaro joogidda iyo hawlgallada xoogagga ajnabiga dalka jooga.

Waa hubaal in aanay hawshan ahayn mid fudud. Waxaa jira xoogag ka hor iman doona, oo u arka in danahooda gaarka ah ay ku waayi karaan. Waxaa jiri kara shaqsiyaad iyo kooxo shaki ka qaba in is-beddelka noocan ah uu noqon karo mid xal keena; sidaa darteedna jecel in sida hadda la yahaya la sii ahaado. Waxaa jira xoogag shisheeya oo mushkiladda Soomaaliya u arka sac irmaan oo ay abid maalaan.

Xoogagga hor iman doona ama shaki ka qaba fikradahan iyo is-beddellada ka iman kara, gaar ahaan Soomaalida, waxaa habboon waajibna ah in la waydiiyo su’aalahan jawaabaha ay ka bixiyaanna la qiimeeyo.

1) Al-Shabaab (AS): Cudud ciidan ma looga adkaan karaa? Dawladda Federaalka, Dawlad Goboleedyada, iyo tobannaanka kun ee ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan xal ciidan ma ku dhammayn karaan massibada AS? Xaqiiqdu waxay tahay: Kadib12 sano, afar madaxwayne, labaatan kun oo ciidamo ajnabi ah, iyo duqayn iyo hawlgallo khaas ah oo ay si joogta ah u fuliso dawladda adduunka ugu quwad wayn, ma suuragalin in massibada Al-Shabaab cudud militari lagu xalliyo.

2) Laanta fulinta ee uu madaxwaynuhu hoggaamiyo: xal waara oo caadila ma u heli kartaa khilaafaadka ka dhexeeya DFS iyo dawlad goboleedyada, isla markaana ma leedahay awooddii iyo agabyadii uu ku hirgalin lahayd? Madaxwaynuhu waa shaqsi keliya. Dal iyo dad kala qaybsan xoogag shisheeyana ay ku loollamayaan xoog iyo cudud uu ku mideeyo kuna daafaco ma laha. Sida muuqatana, kuwi ka horreeyay dariiqii ay mareen ayuu ku taagan yahay.

3) Somaliland: Qaddiyadda Somaliland waxay soo tagnayd 28 sano. Muddadaa waxaa Soomaaliya soo maray 6 madaxwayne iyo 15 ra’isul wasaare. Midkoodna Hargeysa iyo Berbera ma tegin mana tegi karin. Madaxwayne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Khayre iyana ma tegin mana tegi karaan. Waa maxay xikmadda ku jirta in Madaxwayne iyo Raisul Wasaare aan Muqdishu oo ay dhexjoogaan xukumin ay la soo taagnaadaan Berbera oo aany tegi karin ayaan xukunna? Madaxda iyo siyaasiyiinta Muqdisho jooga waxaad mooddaa inay u haystaan dadka iyo qaddiyada  Somaliland inay ka yimaadeen cirjiirka Maaris. Qaarkoodna maba fahamsana taariikhda qaddiyada meesha taalla, iyo halist ka iman kartaa haddii la sahlado. Siyaasiyiinta Somaliland qaarkoodna meel soke ayay wax ka eegaan, umana muuqdo ama way iska indha tirayaan sawirka wayn iyo mugdiga gudaha wayn ee ku hareeraysan.

4) Ciidamada AMISOM: Ciidamada AMISOM iyo xoogagga kale ee shisheeye ee dalka ka hawl gala toban sano ayay dalka joogeen. Maxaa uga soo xasilay Soomaaliya? Maxaa kaga lumiyay? Joogistooda aan waqti xaddidan lahayn ma dan bay u tahay dalka? Mise shiddooyinka jira ayay qayb ka tahay?

Xasan A. Keynaan
Email:keynanhassan@yahoo.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.