Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SOOMAALIYEYNTA FEDERAALKA

W/Q Maxamed Cabdullaahi

Soomaali badan baa u aragta hab-dawladeedka Federaalka Soomaaliya hadda ka jiraa inuu yahay mid horseedi doona kala qaybsanaan iyo kala qoqobnaan. Dhinaca kale marka aad ka eegtid Federaalka Soomaaliya waa xaqiiq jirta, oo Soomaali badan u arkaan xal waari kara, oo ay danaynayaan inuu yahay dariiqa ku haboon in loo maro midnimo Soomaaliyeed iyo dib u hanashada qaranimadeenii iyo karaamadeenii.

Madasha_Muqdishu Ogost
Golaha Madasha Hogaanka Qaranka

Waa muhiim in aan qirano hal arrin oo aan dhamaan wada ognahay laakiin aan ka meermeerno, cududaarana u yeelno. Arrintaas oo ah qabyaalada iyo dagaalkii sokeeye ee qabaliga ahaa ayaa Soomaali kala qaybiyey, kalana qoqobay. Federaalayntu Soomaaliya ma kala qaybin ee waxay banaanka soo dhigtay oo si aan caadku daahnayn u muujisay kala qaybsanaanta iyo kala qoqobnaanta ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo muhiim ah in aan qirano in dib u mideynta Soomaalida kala qaybsan ay tahay arrin waqti dheer qaadan doonta.

Federaalka Soomaaliya waa hindise waqtiga fog, ee aha mid ku meel gaar ah. Ma aha mid wadahadal laga gelayo inuu sii jiro iyo in kale. Waa mid ka wadahadalkiisu ku salaysanaan doono sidii loo dhaqan gelin lahaa, sidii looga shaqaysiin lahaa, sidii loo xoojin lahaa, sidii loo turxaan bixin lahaa, sidii looga dhigi lahaa mid Soomaaliyi leedahay, leh sawrac tilmaan iyo dhaqan Soomaaliyeed. Soomaaliyi habka Federaalka waa qaadatay, oo diiwaanka ayuu u galay, ee sow ma haboona in laga shawro sidii loo “Soomaaliyeyn lahaa Federaalka”.

Qodobka koowaad: Ereyga Federaal

Ma ku haboon tahay in aan marka ugu horaysa ereyga Federaal Soomaaliyeyno. Ma nidhaahnaa “wax isku darsi, mise waa midow, mise waa isutag, mise waa isbahaysi, mise waa iskaashi, mise waa ………”. Waxaa ka codsan lahaa aqoonyahanadda Luuqada Soomaaliga, hal abuurayaasha iyo abwaanaddu inay ka erey bixiyaan weedhan Federaal.

Qodobka labaad: Xuduudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka

Dood xoog leh, xamaasadaysan, oo caadifad qabyaaladaysan baa ka taagan arrinta xuduudaha dowladaha xubnaha ah ama dowlad goboleedyadda. Doodu waa mid laba dhinac la kala taagan yahay, oo aad moodo inaan la isu soo debcayn.

Innaga oo dhan waa inoo muuqataa in dhibaatada Soomaali ay salka ku hayso colaadihii sokeeye ee qabaa’ilka. Caqliga saliim ka ahi wuxuu oranayaa in aan la isku deyin wax horay u shaqayn waayey. Miyeysan ahayn wax loo riyaaqo in inta wax qaybsan karta, wax ka dhaxayn karaan, wax isugu jiraan ee israbta in ay maamul ku midoobaan. Cid aan is rabin waa inaan la isku qasbin, bulsho aan isqaadan karina aan dusha la iska saarin. Haddii qabiil uu rabo inuu gooni ka ahaado qabiil kale waa in loo tixgeliyaa taladiisa.

Fikirkani wuxuu u baahan yahay aragti fog iyo dhiiranaan. Wuxuu u baahan yahay dib u heshiisiin,  isfaham, isxushmayn, istixgelin iyo isaqbalaad qabii’ilka Soomaaliyeed dhex marta. Xuduudo goboleed Talyaani iyo Ingiriis ama kuwo uu Maxamed Siyaad sameeyey midna kama turjumeyso xaqiiqooyinkii jirey xilligaas ama rabitaanka Soomaalidii xilligaas, laguma dabikhi karo xaqiiqooyinka maanta taagan.

Hab dhacaygu wuxuu yahay in xaqiiqooyinka uu dagaalka eheligaahi ka tegey in aan la iska indho saabin.  Xaqiiqooyinkaas waxaa ka mid in xuduudaha dowladaha xubnaha ka ah ay noqdaan sida maanta Soomaali u kala degan tahay.  Waa in lagu dhiiradaa in la sameeyo xuduudo cusub oo ka turjumaya sida dalka iyo dadku maanta yihiin. Labada meelood ee tusaalaha fiican noqon karaa waa gobolada  Mudug iyo Togdheer (degmadda Buuhoodle).

Waxaan aaminsanahay in gobolka Mudug sida uu u kala qaybiyey dagaalka sokeeye inuu muddo dheer laba Mudug u kala ahaanayo. Waxaan aaminsanahay  oo kale in aan la isku maaweelin waqtina aan ummada Soomaaliyeed looga dhumin isku day in la mideeyo deegaan umaddiisii kala tagtay oo aanay isogolayn isna rabin. Haddii xuduudaha rasmiga ah lagu saleeyo sida maanta loo kala degan yahay oo bulsho kastaa deegaankeeda ay maamulkiisa ku ekaato loogana danbeeyo, oo  ay xoojiso nabada iyo deris-wanaaga, haykalka guud ee qarankana la hoostagto waxay meesha ka saari doontaa muranka, is-sheegashada, isqabqabsiga, is-janjuubka iyo isu-xoogsheegashada Soomaali cadowga isaga dhigtay,  waxayna fududayn kartaa midnimo Soomaaliyeed iyo xal waara.

Qodobka sadexaad: Kala xadaynta awoodaha dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ah.

Caqli, cilmi iyo juhdi weyn waa in la geliyaa sidii loo kala xadayn lahaa awoodaha dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka. Waa in la sharaxaa masuuliyadaha, shaqooyinka iyo awoodaha heer walba ku haboon ama xaqa u yeelan karo. Kala xadayntu waa in ay noqotaa mid ku salaysan wada shaqayn heerarka dowladeed, wax wada qabasho,  kala danbayn,  isu hogaansan iyo isla xisaabtan. Shaqooyinka  iyo mas’uuliyadaha waa in loo kala qaadaa kuwo la wada leeyahay oo ka dhexeeya labada heer dowladeed iyo kuwo ay kala leeyihiin labada heer.

Qodobka afraad: Caasimadda Qaranka

Caasimadda qaranka halka ay noqonayso waa in laga wada hadlaa, laguna heshiiyaa. Waa in ay noqotaa magaalo Soomaali oo dhan u dhex ah oo loo sameeyaa xeerar adag oo sugaya xaqa muwaadin kasta oo Soomaali ahi inuu booqan karo, ku beryi karo, bed qab iyo belo la’aana ugu noolaan karo, hanti gashan karo aana laga sheegan karin.  Sidoo kale waa in ay heshaa  xaqii iyo haykalkii caasimadeed.

Qormaddayda waxaan ku soo gunaanadayaa ducada in “Illaahey Casa Wajala inooga dhigo Federaalka mid aan wax ka dheefno”.

Maxamed Cabdillaahi
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.