Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sooyaalkaaga Ilaasho: Qeybtii 3-xaad

W/Q Cabdalla Xaaji Cusmaan

Qaybtanna waa tii saddexaad uguna dambaysay ee taxanaha Sooyaalka aan kaga hadlay sida ummadda Soomaaliyeed u xoortay gefkana uga gashay geesiyadii u soo halgamay xorayntooda iyo sida fudud ee cadawgu u sheegtay taariikhda iyo dhulka Soomaalida labadaba. Qaybtan u dambaysa waxaan ku soo qaadanayaa geesigii Cumar Samatar dagaalladii uu la galay gumaysigii Talyaaniga iyo dhalanrogga ay Xabashidu ku samaysay sooyaalka runta ah ee Cumar Samatar Roobleh.

Cumar Samatar

Cumar Samatar magaciisa waxaan bartay dhawr iyo lixdannadii, qiyaastii toban jir umbaan ahaa berigaa. Waxa uu magaciisu ku qornaa waddo aad u yar oo ku taal magaaladii aan ku dhashay ee Diri-Dhaba, sidan ayuuna ugu qornaa (Dejazmaj Umar Samatar) aad baan ula yaabi jirey ninkan Soomaaliga ah ee waddadan magaciisa la siiyey, waayo? Berigaa annagoo carruura ayaan aad u dareemi jirnay cadaawadda Xabashidu u hayso Soomaalida, dareenkaa waxa nagu abuuray dhacdooyin badan oo dadka waaweyni aad u hadalhayeen waayadaa, gaar ahaan xasuuqii Aysha ee bishii Ogost 1960kii.

Anoo yaaban baan Allaha u naxariistee aabbahay weydiiyey, muxuu yahay ninkan Soomaaliga ah ee magaciisa lagu qoray waddadan? Waa raggii Talyaaniga la dagaallamay oo kooban buu iigu jawaabay madaama aan ahaa kuray yar oo aan fahmi karin dagaalladii Talyaaniga lala galay. Horta magaca Cumar Samatar berigaa aan carruuta ahaa ayaan bartay, laakiin markaan weynaaday waxna aan bartay buuggaag badna aan nasiib u yeeshay inaan akhriyo isla markaana aan dhegeystay suugaan badan oo duuban, baan ogaaday inuu Cumar Samatar ahaa geesi la dagaallamay Talyaanigii koonfurta Soomaaliya gumaysan jirey.

Cumar Samatar[1] waxa uu ku dhashay tuulada Geesaley oo Waqooyi-Galbeed ka xigta magaalada Caluula ee ku taal geeska Bari, waxayna u dhaxaysaa Xaabo iyo Murcanyo. Qarnigii 19aad, dabayaaqadiisii ayuu dhashay sida la sheegay, isla deegaankaa ayuu ku koray waxna ku bartay. Cumar Samatar magaalada Hobyo ayuu u wareegay halkaas oo berigaa ay ka talin jirtay Saldanaddii Yuusuf Keenadiid, Suldaanka ayaa Cumar eddedii u dhaxday. Cumar Samatar oo ahaa barbaar firfircoon oo muuqda aakhirkii la-taliye ayuu u noqday Suldaan Yuusuf Keenadiid. Yuusuf Keenadiid markuu geeryooday taladii Saldanadda wiilkiisii Cali Yuusuf Keenadiid baa la wareegay. Cumar Samatarna waxa uu ka mid noqday ku-xigeennadii suldaanka, isla markaana degmada Ceelbuur ayuu guddoomiye ka noqday. Sannadkii 1919kii, markii uu gumaysigii Ingiriisku duullaanka ballaadhan ku qaaday Daraawiish ee uu jebiyey, xilligaa wixii ka dambeeyey ayuu gumaysigii Talyaaniguna ka soo dhaqaaqay xeebaha oo uu gudaha dalka soo galay. Saldanaddii Hobyo ee Cali Keenadiid iyo tii Boqor Cismaan ee ka talinaysay Bari ayuu Talyaanigu ku amray inay isdhiibaan, kadib markay diideenna xoog ayuu ku soo galay. Waa berigaa waxa uu Cumar Samatar rag iyo hubba intuu urursaday uu ka hor tagey Talyaaniga. 1924kii ayuu Talyaanigu weerar ku soo qaaday qalcad ku taallay Ceelbuur, halkaa dagaalkii ka dhacay ciidankii Talyaaniga ayaa si xun loogu jebiyey, tobannaan ciidankiisi ah iyo talyihii watayba goobtaa baa lagu laayey hub bandanna lagaga furtay.

Gumaysigii Talyaaniga markuu jabkaasi ku dhacay tabaabushe xoog leh oo saddex sano socday buu galay. 1927kii, ayuu weerar kale soo qaaday, ciidankii Cumar Samatar iyo kuwii cadawga oo kumanyaal ah ayuu dagaal ba’ani ku dhex maray ceelka Garloogube. Inkastoo si geesinimo leh u dagaal galeen ciidankii Cumar Samatar aakhirkii waa la jabiyey. Raggii soo gurmaday ee goobtaa ku shahiiday waxa ka mid ahaa Abshir Dhoorre Xasan oo ahaa Abbaanduulihii Daraawiishta. Xilligaa kadib Cumar Samatar waxa uu degay magaalada Harar. 1939kii, markuu Talyaanigu ku duulay ee uu qabsaday Itoobiya, Cumar uu ka baxay Harar, sida la sheegay Yurub buu u qaxay. Jabkii Talyaaniga kadib buu ku soo noqday Harar halkaas oo uu ku geeryooday sannadkii 1946kii.

Haddaba taariikhdaa Cumar Samatar waxa afduub ku qaatay boqorkii Xabashida Haile Selase oo diiwaanka sooyaalkiisa ku darsaday, isagoo sheegtay inuu Cumar ahaa geesi Itoobiyaan ah oo la soo dagaallamay faashiistadii Talyaaniga una soo halgamay sidii uu Koonfurta Soomaaliya ugu soo dari lahaa Itoobiyada weyn. Haile Selase si uu ummadda u habaabiyo ayuu Cumar Samatar ku magacaabay mid ka mid darajooyinkii uu siin jirey kuwa isaga daacadda u ah, taasoo ah Dejazmaj. Ruuxii arkay baa xusuusane madarasadda Quraanka iyo Carabida  lagu barto ee ku taal Masjidka weyn ee (Anwar) ee ku yaal badhtamaha Addis Ababa hortiisa, ayuu ku magacaabay Cumar Samatar.

Halkaa aan ku yar hakado, Masjidkaa weyn ee Anwar baan la yaabay berigii iigu horreysay een arkay, waxa maankaygu qaadan waayey sida Haile Selase ugu oggolaaday muslimiinta Itoobiya inay goobtaa malkada ah ka dhistaan masjidkaa weyn ee caasimadda Itoobiya aad uga dhex muuqda, iyadoo la og yahay 1887kii, markii Xabashidu qabsatay Harar oo ahayd xaruntii Islaamka Geeska Afrika sidii uu Haile Selase aabbihii Ras Mokonen, oo ahaa abbaanduulihii ciidanka Menelik uu gacantiisa ugu dumiyey masjidkii weynaa ee magaalada Harar badhtamaheeda ka dhisnaa boqollaalka sannadood laguna beddelay kanniisada ilaa maanta halkii ka dhisan. Sayid Cabdikariim Sayid Maxamad Cabdille Xasan oo isagu muddo konton sannadood ka badan ku noolaa Addis Ababa ayaan su’aashan weydiiyey, Sayidii sidee Haile Selase muslimiinta ugu oggolaaday inay masjidkan sidaa u weyn uga dhistaan caasimaddan Itoobiya? Waxa uu yidhi Sayidku, berigii uu socday dagaalkii labaad ee Talyaaniguna qabsaday Itoobiya oo dhan ayaa muslimiintu ka faa’iidaysteen oo ay dhisteen masjidkan weyn ee Alwar, Talyaanigii ayaana u oggolaaday. Taasi waxay I xasuusisay masjid kale oo weyn kana dhisan magaalada Diri-Dhaba oo Allaha u naxariistee aabbahay ii sheegay in la dhisay xilligii Talyaaniga.

An ku soo noqdo sooyaalkii Cumar Samatar, sannadkii 1985kii oo ahaa markii ay ugu xoog badnaayeen jabhadihii dagaalka kula jirey dawladdii Maxamad Siyaad Barreh, ayaa wargeyska ku hadla afka xukuumadda Itoobiya ee Ethiopian Herald ee ku soo baxa af Ingiriiska soona baxay 24 Mars 1985, uuna qoray ninka la yidhaa Mellese Tilahun, ayaa soo daabacay qoraal dheer oo sheegaya in Cumar Samatar ahaa geesi Itoobiya u dhashay una soo halgamay midnimada dalka. Haddaba isweydiintu waxay tahay, maxaa dawladihii kala dambeeyey ee Itoobiya u sheegtaan taariikhda geesiyaashii u soo halgamay xoraynta ummadda Soomaaliyeed?Warcelinta meel fog ha ka raadiin, waa markay hubsadeen in dadkii lahaa xoreyn iyagoo weliba jaahiliin ka ah.

Sooyaalka geesiyaasheennu waa sida xoolo baadiya oo cadaw u gacan galay ciddii lahaydna ka seexatay. Haddii aynnu rabno dhaxalkaa lumaya ee dayacan ururintiisa waa in si dhakhso ah loo bilaabo sidii manhajyada loogu dari lahaa ubadkana loo bari lahaa isla markaana dhallinta lagu baraarujiyo barashada taariikhdooda si ay u helaan tixraac taariikheed oo ay ku faanaan, waayo? Ummad aan taariikh lahayn, waa ummad aan jirin. Haddii lagu baraarugi waayo oo aan laga damqan maanta waxa socda, berri waxaad filataaba waa Xabashida oo diiwaankooda taariikhda ku qorata in Cabdillaahi Yuusuf, Cabdiraxmaan-Tuur iyo Siilaayo u soo dagaallameen midnimada Itoobiya.

Cabdalla Xaaji Cismaan
Email: [email protected]
——

Hoos ka akhri:

– Soomaalaay Sooyaalkaaga Ilaasho: Q 1waad

–  Sooyaakaaga Ilaasho: Q 2 baad

 

[1]) Sooyaalka Cumar S. waxaan ka soo xigtay buug aan weli soo bixin oo uu qoray Aw-Jaamac Cumar Ciise. AUN


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.