Sunday, November 19, 2017
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Sooyaalkaaga Ilaasho- Qeybtii 2 baad

W/Q Cabdalla Xaaji Cismaan

Waxaan qeybtii koowaad ee qoraalkaygan taxanaha kooban ku soo qaatay sida bulshada Soomaaliyeed iyo maamullada xilligan jira ay u lumiyeen sooyaalkoodii ay dhaxleen iyo godobta ay ka galeen taariikhda geesigii Imaam Axmed-gurey ee u soo halgamay xoraynta muslimiinta Geeskan Afrika oo Soomaalidu ka mid tahay. Qaybtan labaad waxaan ku soo qaadanayaa xarakadii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Dabayaaqadii qarnigii 19aad, waxa dhulka Soomaalida ku soo duulay oo qaybsaday gumaystayaashii reer Yurub ee kala ahaa Faransiis, Ingiriis, Talyaani iyo boqortooyadii Xabashida oo xilligaa Menelik boqor u ahaa.

Taalladii Sayidka

Duullaankii gumaystayaasha waxa ka dhiidhiyey Sayid Maxamed oo abaabul iyo ciidan urursi bilaabay si uu uga hortago weerarka gaaladu isku soo bahaysatay ee dhulka lagu qaybsanayay. Sayidku wuxu ku guulaystay inuu dhiso xarakadii Daraawiishta, oo isticmaarkii ku qaadday dagaallo isdabajooga oo socday muddo labaatan sannadood ka badan. Sooyaalka Daraawiishta buuggaag badan baa laga qoray, kuwaas oo ku soo baxay amma lagu qoray afafka Ingiriis, Faransiis, Carabi iyo Soomaali. Ciddii rabta inay wax ka ogaato sooyaalkii Daraawiishtu buugtaas bay daalacan karaan.

Laakiin dhibta jirta iyo baylahda weyni waxay ka timid manhajyada waxbarashada ee lagu dhigto dugsiiyada ku yaal dhulka Soomaalida dhammaan midna laguma darin taariikhda Daraawiishta, ka bilaw Jabuuti, Somaliland, Soomaaliya iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya. Xilligii dawladdii kacaanku ka talinaysay Soomaaliya baa xoogaa ardayda loo dhigi jirey. Dhinaca kale waxa dawladdu berigaa badhtamaha Muqdisho goob bannaan ah ka dhistay taallo muuq dheer oo lagu xasuusto Sayidka iyo Daraawiishtii. Nasiib darro 1991kii, markii la riday dawladdii kacaanka, ee ay Muqdisho ka bilawdeen dagaalladii sokeeye ayaa la bililiqaystay taalladii Sayidka, isla qabqablihii furtay tii Iimaam Axmed-gurey ayaa tanna xaraash geeyey, garo oo gaalkii R. koofil ee Daraawiishtu dagaalka ku dishay sannadkii 1913kii, taalladii dawladdiisa Ingiriisku u dhistay weli goobtii bay ka taagan tahay oo lagu xasuustaa iyada oo sharaf leh.

R. koofil

Markii gefkaa weyn laga galay Daraawiishtii iyo hoggaamiyahoodii ayaa sannadkii 2013kii, Taallo lagu sheegay tii Sayidka laga qotomiyey xarunta Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga. In taallada Sayidka laga taago Jigjiga waa loo baahnaa, waayo? Soomaalida Jigjiga laga xukumo waxay ka mid ahaayeen kuwii Daraawiishtu xoraynaysay. Maalintii la dhidbay taalladan Jigjiga haba yaraatee lama soo hadal qaadin sooyaalkii Daraawiishta, intoo la taagay umbaa laga dareeray. Falkaasi wuxu shaki weyn ku abuuray waxgaradka Soomaaliyeed oo u qaatay in dawladda dhexe ee Itoobiya ujeeddo fog ka leedahay arrintan.

Dhinaca kale, Allaha u naxariistee Sayid Cabdikariim Sayid baa ii sheegay mar aan kula kulmay Addis Abba 1983kii, in wargeysyada dawladda Itoobiya mid ka mida oo ka soo baxa Addis Ababa sannadkii 1962kii lagu qoray, in Sayidku ahaa Itoobiyaan la soo dagaallamay gumaystayaashii reer Yurub ee rabay inay boobaan dhulka Itoobiya.

Waxa kale oo jirtay, bishii May 1960kii wafdi uu hoggaminayo Allaha u naxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim Cigaal inay booqdeen Addis Ababa kana codsadeen Haile Selase inuu Somaliland u soo celiyo Hawd iyo Reserve Erea oo Gumaysiga Ingiriisku ku wareejiyey Itoobiya sannadkii 1954kii, Iska daa dhul uu soo celiyo e waxa uu caddaystay hunguriga uu ka qabo inuu ku darsado Soomaalida ka xoroobaysa Talyaaniga iyo Ingiriiska. Kulankaa hadal uu ka jeediyey ayuu ku sheegay xitaa Sayid Maxamad iyo Daraawiish inay ahaayeen Itoobiyaan.

La soco Qaybta 3-xaad.

Cabdalla Xaaji Cismaan
Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr
——

Hoos ka akhri:

Soomaalaay Sooyaalkaaga Ilaasho: Q 1waad


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.