Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Tabaalo! Sheeko

W/Q. Khadar Iimaan Cige

Jeclaw ama necbaw wataa aayadaa bannaanka wadhan, obocdeediina quban tahay madbakhii yaraa oo qiiq iyo dambas noqday. Madaxa dhoqoshka ah ee aad mooddo ceel goof ah iyo indhaha laalmay ee aad is odhanayso sammada ta ugu sarraysa ayay malaa’iig u raadsadeen, si cirka jeex loo soo dumiyo oo aan cidba innooga hadhin ee haaddii Xamar ka agdhaweyd oo dhammi isugu timid, ee sidii dameer darraad baqtiday durba fadhanaysa maydkii. Gantaal yoomaaya oo meel baas laga soo diray ayaa salaad hore dusha kaga habsaday afadii Geeddi ee kimista iska dubanaysay. Inkasta oo Cismaan Geeddi wax jecayl oo sidaa ah u haynnin aayadii Maryan, oo uu u arkaayay in ay ka riixatay hooyadii bartii ay ugu jirtay aabbihii. Hooyadiina sidaa nolosha kaga dhacday, oo dhinac kale u raacday tareenka geeddi socodka nolosha. Waxaa maalinkasta lagu yidhaa: “sidii hooyadiin gabadh wanaagsan oo marwo ah u ahayd uun baa odayga idin dhalay inta uu dhuuntay mid kale hoosta ka mehersaday. Maalintaa loogama horreyn oo waatii iyana looga taagi waayay warqaddaa xun ee xaaraanta ah. Markay gacanta ku dhigtay iyo illaa maalinkaa maanta ah ee aynnu joogo, kolba dabaysha ugu xoogga badan ee soo dhacda ayay hadba dhinac ula dayaamaysaa.”

HooyoSubaxaa aayadii la soo doonay ee sida qasabka ah lagaga mustaafuriyay Adduunka iyada oo cunto u diyaara, bal si ay dharaaro u sii witigwitiglayso ayuu wadnuhu go’ay Cismaan Geeddi oo waxa uu is odhan jiray malaha sidaa ayay naxdin oo dhammi kaaga guurtay oo heeryadii uga qaadatay qalbigaaga, meel dabacda iyo mid damqata toona lagaa soo helo maayo haddii la baadho inta naxariis kugu hadhay, mana hubo sida hadalkaa wax uga jiraan iyo inta uu run noqon karo. Marar badan oo uu isku dayay in uu tijaabiyana wax natiijo ah way uga soo bixi weyday. Malaha maanta ayaa la joogaa goobtii iyo goortii arrintu kala miirmi lahayd dhab iyo dhalanteed tay noqotaba.

“Abbaayo wiilka albaabka innagu xiga galaa habeen oo dhan wuu qarwayaa, waxa uu ku qayliyaa erayo isdhaaf ah oo ma jirto habeen aanu isla kicin,” ayay Istar ku tidhi iyada oo u sheekaynaysa Xaawa oo ay wada ijaarteen qol yar.
“Ilaahiyo kutubka, naa armuu waashaa oo uu innalaayaa. Naa inaadeer guriga ma iskaga baxnaa,” ayay Xaawi ku calaacashay.
“Horta waxaan ku waydiiyay: ma reer xamarbaa?”

“Saas uunbaan is dhahay abbaayo.”
“Haddaa iska daa waxa laga yaabaa dad uu soo laayay in ay habeenkii ku soo gudaan oo ay garaacaan?”
“ Oo kuwii dhintay siday u wax yeellayn karaan miyayna duni kale u safrin, ma waxa aad isku qaldaysaa maytida iyo quruumaha hoose,” ayay tidhi Istar.

“Dhagayso sheekada aan kuu dhammaystiree, anuu ma kasaayo in uu xasuuq gaystay iyo in uu sas iyo anfariir ka qaaday balaayadan habeen oo dhan wareegaysa ee qoryaha ku malluuqan.”

“Labadii bari ee u dambeeyay waxaan maqlaa hadba isaga oo leh: “Isii daaya balaayo Ilaahay idinku ridye bahalayow dugaagga noqday siday u ugaadhsanayeen masaakinta bara kaca ah ee Adduunka dacalladiisa ku firirsan, ee cidina dan iyo muraadka ka lahayn.”

“Maxaa i helay?”

“xaggeen joogaa?”

“maxaa meeshan i keenay?”

“ maxaa la ii xidhayaa ee aan dhimay?”

“yaa i haysta, sawtan warqaddii aqoonsiga qaxoontinimo, haddayna waxba qabanayn maxay igaga dhigayeen ee la ii siiyay faalsadan baas?”

“Haddaanan tan haysannin saw qolka yaree aan dagannay hoosta ka maan soo xidheen, iyo ma xabsi guri ayaad ka door bidaysaa, haa oo saw xabsi ka saxo fiican oo nadiif ah maaha, ta kale maxaa kaa baylahaaya kollayba baagamuunde ayaad ahayde.”

Kun sawir oo kala jaad ah ayaa ku soo hormanaaya maskaxdiisa. Marmarka qaar bahalo iyo xawayaanka kuwa ugu halista badan ayaa caydhsanaya, balaayadaas baa la daba dhigay. Mooyi halkay ka soo raaceen ’e tan iyo yaraantii sidaa uunbuu hurdada uga bogan la’aa oo u salalaayay. Dhawr wadaad oo loo keenayna waxa ay isku waa faqeen badankoodii inuu carruurnimadii jiidhay raas shayddaan isaga oo tu’yar roorsanaaya, saskaasna kama weynaado ee wuu ku waynaaday. Malaha wuu la gaboobayaa oo wuu la god gali si ay isu bahaystaan balaayooyinka kale ee qabriga ku sugaaya ee bakhtiga iyo qudhun kunnoolka ah.

Salalka, daalka, tabcaannimada iyo naxdinta saldhigga ka dhigatay qalbigiisa ee degay ee uu ka qaaday hurdo ku firxadka, waxa uu illaawaa marka uu ku riyoodo gabadh muddo xidhiidh ka dhexeeyay oo quluubtiisa ugaxaantii (uggaxaan) ay saddex sanno ka hor dhigatay kolba raxani ku dillaacdo. Saw kaa maaha dharkii oo dhan ka dhigay ee mudh iyo andariir ka yeelay ee cagaheeda hoostoodii ku libdhay ee aad mooddo midho-xareeraad shanqadh dareemay oo sii quusaaya bi’yo wadaani ku soo dhacayso mid kalena ka sii baxayso. Balaayo ku dhacday wakaa siday ku dhalatay dib ugu celiyay, googaraddii u goglay ee ka xigsiiyay suubaanta, diriciina madaxa ugu maray ee sidii mid u maydhaaya hadba gacmaha dhinac u dulqaadsiinaaya ee dareenkeedii oo dhan walaaqay ee caqligii iyo garashadii ka tahriibiyay si ula kac ah. Hoogto iyana kama ilbaxdo, imisa goor ayay soo ambabartay oo sidii ruux soomiiraabay ay is aragtay iyada oo aad mooddo tulud geel ah oo toban waraabe dhinac kasta ka rudheen oo haaligan, deedna oohin iyo is ciilkaanbi kalyuhu madoobaadeen siday u hiq lahayd. Sawtaa caawana midba meel ka soo qaadday lugaheedii ee haylihii isku masasaqday iyada oo qajilaad iyo murugo aad mooddo tuug lasoo qabtay ee dhuxusha ka madoobaatay.

Halkan ka akhri sheekada: Tabaalo!

Khadar Iimaan Cige
Email:[email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.