Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

TACSI: MARXUUM DANJIRE ABDULLAHI HASSAN MOHAMUD

LOGO

Innaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Mogadishu, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali, Wasiir kuxigeen-ka H.E. Ahmed Ali Mohamed (Kadiye),Xoghayaha joogtada Mr. Ali Mohamed Ali, Agaasimayaasha Waaxyaha,Safiirada,Qunsulada guud ,Diblomaasiyiinta,Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo Dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo maanta oo ah Axad, November 22 , 2015 ku geeriyooday Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 1987,xilligaasi oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Algeria .

Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta , xilkaasi oo uu hayay tan iyo maanta .

Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

Sanadkii 1996 ,dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa kahor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka ,Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii .

Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah, ayaa ku dhashay degmada iimeey sanadkii 1943 .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Kala Xiriir , Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Cairo , Egypt
Tel mobile: +201003541736
Ali Omar Afrah ( Ali-Bashir)

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.