Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Talo soo jeedin ku saabsan wax sixitaan

W/Q Muxammad khaliif Xirsi

Aniga oo soo xiganaya ballanqaadkii Ra’iisul Jamhuuriye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ahaa maamul wanaagga iyo u gurmadka abaaraha ayaan soo jeedinayaa erayo iga ah wax sixitaan oo kaliya.

Ra’yigayga gaaban, ilama habboona in aynnu xilligaan adag aynnu kharaj iyo wakhti ku luminno shirar u eg iidheh ama xayeesiin oo ay qabtaan Wasiirrada iyo madaxda kale ee heer Federaal ama Maamul Goboleed.

Mawduuca aan kor kusoo xusay waxaan tusaale ugu soo qaadanayaa labada kulan ee ay labo Wasiir ku qabteen Muqdisho dhowaan kulammadaasoo aan is leeyahay looma baahnayn aniga oo hoos ku sharraxaya sababta.

Kulanka qabsoomay 16kii Abril, 2017 waxa uu ahaa mid uu Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh ku casumay shaqaalaha Wasaaraddiisa Hotel City Palace ujeeddaduna ahayd in “Shaqaalaha Wasaaradda la is baro”.

Wasiir C/raxmaan Ducaaale Beyle

Kulanka kale oo ka dhacay Muqdishu 17kii Abril, 2017, waxaa qabtay Wasiirka Warfaafinta Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) walow aysan ii muuqan goobta uu ku qabtay kulankan. Mawduuca kulankaanu waxa uu ahaa  “xoojinta xiriirka ka dhexeeya hay’adaha dowladda” waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxtooyada, Wasaaradaha Dowladda iyo Qeybta Warfaafinta ee AMISOM.

Hawshaan culus ee kulammadu waa dhibaato loo baahan yahay in laga gudbo sida aan hoos ku tilmaami doono. Kulammada ay qabteen labada Wasiirna waxaan ku soo gaabin lahaa erayadaan kooban ee aan is leeyahay waa dariiqa ugu fudud isla markaana lagu gaari karey ujeeddada kulammadooda:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta mudane Injineer Yarisow waxaa ku filnaa in uu qaybiyo dokumentiga caanka ah ee lagu magacaabo “Wareegto” ama (Circular) uu ku gaarsiiyo mas’uuliinta uu soo casumay iyagoo ku sugan xafiisyadooda kuwaasoo iyaguna u gudbiya shaqaalohooda halkaana lagu baajiyo dhaqaale badan iyo wakhti ku baxa iyo dad ka maqnaada shaqooyinkoodii.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda mudane Bayle waxaan isagana talo ahaan kulankii uu qabtay ee is baritaanka shaqaalaha ku soo gaabin lahaa oo ila habboon, inuu Xafiiskiisa ugu yeerto Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Waaxyaha halkaana uu ku faro wixii awaamiir ah kaddibna ay mas’uuliyiintaasi oo iyagu ah hawlwadeennada Wasaaraddu ay u gudbiyaan shaqaalaha.

  1. Qof kasta oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaraddu waxa uu hoos yimadaa qayb ama waax ka mid ah Wasaaradda.
  2. Wasaaraddu waxay leedahay sidaan filayo Waax qaabilsan Shaqaalaha.
  1. Qof kasta oo ka mid ah shaqaaluhu waxa uu leeyahay waajib shaqo oo ay kula xisaabtamayso cidda ka sarraysa xisaabtankaasoo sii maraya jaranjaro is dabataxan laga bilaabo agaasime guud, wasiir xigeen ilaa uu ka gaarayo ilaa xafiiska Wasiirka.
  2. Khasab ma aha oo looma baahna in ay is wada yaqaanniin shaqaalaha Dawladdu waxaase muhim ah in xil-gudashada  shaqaalaha ama waajibaadkooda iyo xuquuqdoodaba loo marayo xeerarka nidaamiya maamulka guud iyo midka u gaarka ah hay’ad kasta.
  3. Waa nasiib darro loomana baahnayn maanta casumaad lagu sameeyo Hoteello qaali ah iyadoo ay gaajo iyo harraad u dhimanayaan boqollaal qof oo Soomaaliyeed maalin kasta. Haddiiba ay wasaaradi ama hay’ad kastaa shirinayso shaqaaleheeda waxaa ku habboon in ay ku shiraan dhismaha ama xafiisyada wasaaradda ama hay’adda si loo baajiyo kharajkaa ku baxaya meel laga maarmi karey.

    Wasiirka warfaafinta oo daahfuray barnaamijka xiriirka iyo wada-shaqeynta ee hay’adaha dowlada qeybahooda warfaafinta iyo kuwa caalamka
  4. Waxaan kaloo ku talin lahaa una jeedin lahaa Madaxeyne Farmaajo, Ra’iisaul Wasaare Kheyre, iyo dhammaan mas’uuliyiinta kale ee Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, in ay gabi ahaanba baddalaan qaabka xafladaha martiqaadyada iyo kulammada kana dhigaan sida soo socota: b) in aan kulan lagu qaban meel la kireeyey beddelkeedna lagu qabto dhismaha hay’adda t) in marti-qaad kasta ee la qabanayo laga dhigo mid dhaqaale uruurin (fund-raising) ah. Waa in la iclaamiyo in ay qadadu ama cashadu noqoto “cun iskana bixi” ee aysan noqon “bilaash ku cun” (eat for free). Taasi waxay noqonaysaa tillaabo waddaninnimo iyo isu arxamid ay inaga dhaxlaan jiilka soo socda. Faa’idooyinka qaabkani leeyahay waxaa ka mid ah b) in uu qofku wax cunay isla markaana caawimaad gaystey t) dadka oo isku barta munaasabaddan haddiiba loo baahnaa is barasho j) Dakhliga ka soo baxa dhaqaale uruurintaani waa inuu ku dhacaa sanduuqa lagu kaalmaynayo dadkeenna abaartu halakaysay ka dibna sidaa loo joogteeyo oo aynnu ka dhiganno siyaasad (policy).
  5. Labadaan xafladood ama marti-qaad ee aan tusaalaha u soo qaatay ma aha mid aan ku dhaleecaynayo labada Wasiir hase yeeshee waa mid soo noqnoqota ee aysan kaligood ku ahayn waana dhaqan aan jeclaan lahaa in la hakiyo ama la joojiyo oo la mamnuuco waayo waxaaa ku baxaya kharaj aynnaan awoodin (that we cannot afford) oo u baahan in loo jiheeyo meelo badan oo uga baahi badan sida quudinta masaakiinta nugul sida curyaamiinta, agoomaha, adeegga caafimaadka, abaaraha, amniga oo la kordhiyo mushahaarada ciidanka iwm.
  6. Waxaa kulammadaan 100ka ah sannad kasta inooga baxa qiyaastii: b) 500 oo saacadood ee loo shaqayn lahaa Qaranka; t) Munaasabaddiiba waxaa ka qaybgala dad aan ka yarayn qiyaastii 50 qof oo shaqaale ah tiradaasoo noqonaysa 5000 oo qof boqolka munaasabadood;  j) Saacadaha kulammadaa loo fadhiyo wuxuu kiiba qiyaastii noqonayaa (approximately)
    5 saacadood marka lagu daro qabanqaabadii kulanka; x)  Kharajka ku baxaa waxa uu qiyaastii (approximately) noqon karaa USD1000 munaasabad kasta ee ah =100×1000 = 100,000 (USD boqol kun).
  7. Haddii 500 oo saacadood oo ka baaqatay shaqada waxsoo saarka shaqaala loo baddalo lacag waxaa lagu qiyaasi karaa: ka soo qaad in 5taa boqol ee qof uu qiyaasta meel-dhexaadka ah (medium) qaato USD5 saacaddiiba markaa lagu dhufto USD5x5 saacadood x500 ee saacadood = 100munaasaboodX50qofX500saacadoodX5USD=USD12,500,000 (Laboiyotoban-milyan-iyo shanboqol oo kun).
  8. Marka laysku daro kharajkii iyo waxsoo saarka baaqday waxay isku noqonayaan: 100,000 (USD boqol kun) oo kharajkii ah iyo USD12,500,000 (Laboiyotoban-milyan-iyo shanboqol oo kun) ee kor ku xisaaban waxayna markaa wadartu noqonayso: USD12,600,000 (Laboiyotoban-milyan-iyo lixboqol oo kun). Kharajkaan xad-dhaafka ah waa aynnu baajin karnaa waxaynnuna lacagtaan u weecin karnaa in lagu kharaj-gareeyo meelaha uga baahida badan ee aan kor ku soo tilmaamay.

Talooyinkaani ma aha kuwo aan ku mucaaradayo haddiiba ay dadka qaarkiis sidaa u arkaan ee waa kuwo aan ku baraarujinayo, talana ugu deeqayo Madaxtooyada iyo Xukuumadda cusub ee ay hoggaamiyaan Maxamed Cabdullahi (Farmaajo) iyo Xasan Cali Kheyre.

Aniga waxa ay ila tahay in maanta aynnu culayska ama diiradda saarno (to focus on) labada xaaladood ee mudnaanta leh (the two priority issues) ee kala ah: b) gurmadka abaarta wiiqday dad iyo duunyaba gabi ahaan Soomaaliya iyo t) amniga iyo intii laga gaaro maamul wanaagga.

Waxaa kaloo iga talo ah oo aan gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre usoo jeedinayaa, in ay labadooduba iyo Saraakiisha Sare ee go’aan gaarayaasha ah (decision makers) si joogto ah u adeegsadaan  la taliyeyaal Sharci Yaqaan ah iyo aqoonley kale sida Dhaqaalyahanno iyo Muhandisiin (Engineers) marka ay ambaqaadayaan hawlo ama adeegyo ku tacalluqa xirfadahooda ama looga baahan yahay ka talo-bixin hawlahaas (/legal/professional advices related to these areas or activities they would like to plan or deliver). Sababta aan taladaan dambe u soo jeedinayaa waa mid aan isleeyahay aad ayay muhim u tahay Maamulka Dawliga ah maadaama aynnu ognahay ama aysan khasab ahayn in Madaxwayne, Ra’iisul Wasaare ama Mas’uul kale uu yahay Sharci yaqaan ama Dhaqaal-yahan (Lawyer or Economist) saas darteedna uusa/aysan ka maarmin la talin (advice) (that it is very important and/or crucial for the Government Administration as we know and that is not compulsory that a president, Prime minister or any other officer/authority to be a lawyer or economist and therefore, they need professional advice to act propertly).

Sidaa dartee, waxaa ila habboon in marka ugu horraysa ee suurto-galka ah la dhiso – waa haddii aysan hore u jirine – dallad ama gole Xirfadley ah sida Sharci yaqaanno iyo Dhaqaale yahanno loona dejiyo xeer nidaamiya hawlgalkooda ka dibna noqda hay’adda la talinta Qaranka (National Advisory Board).

Muxammad khaliif Xirsi
Email: [email protected]
London.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.