Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

TAXANAHA TARJUMAADA AF SOOMAALIGA EE BUUGGA GUBAN: CUTUBKA 6aad

Waayaha

Qore: Cabdiladiif Cige
Tarjume: Boodhari Warsame

Tusmo aad ayay uga da’ yarayd Xoogsade waagii ay duqayda tolka ninkeedu soo dooneen. Waxay ku kodhay nolosha miyiga ee dhaqanka Soomaaliyeed ku dhisan, oo xataa xilligan la joogo hawlaheedii guriga ayay sidoodii u qabataa, sidii iyada oo aanuba saygeedii milletarigu afduuban! Waxay iska nacday dhambaalsidaha odaygu u soo diro ee ku saabsan ka war la’aanta xaalka ninkeedii u keena uun. Carruurtii ayay iskoolka u diyaarisaa iyada oo ka feejigan in arrinteeda kala quban ay saamayn ku yeelato ilmaheeda yayar, in kasta oo midkood la moodayay in uu si buuxda uga war heyay waxa ka taagan gurigooda oo beryahan gebi ahaan xaalad aamusnaan murugo weheliso isu rogay. Ilmahaa yari waxay garatay in ay hooyadeed sidii maqane-jooga noqotay oo ay aad uga duwantahay dabeecaddeedii caado ahaan furfurnaanta iyo indhaha faraxsan lahayd.

Tusmo waxaa isugu soo ururray murago kelinnimo iyo aammusnaan, waxayna tawday noloshii miyiga ee dhib walba oo dhaca si caddaan aan hoosaasin lahayn ah looga arrimin jiray. Waxay soo xusuusatay sidii ay hooyadeed dhib iyo dheefba nolosheeda ugu qanacsanayd, sidii ay dhaqanka dumarka Soomaaliyeed uga tarjumi jirtay, iyo farsamadeedii qurxoonayd ee ay xardhidda ku farayaraysan jirtay, taa oo qayb ka ahayd waxyaalo badan oo Soomaali ka soo gudbiyay xilliyo badan oo dhib badan iyo geeddi joogto ah. Waxay xusuusatay sidii ay hooyadeed dhaqankeeda ugu gudbin jirtay; mararka qaarkood buraanbur, marar kalena siyaabo kale oo la isla yaqaan oo ina rag uu ka faani jiray.

Tusmo waxay kale oo xusuusatay bilowga sidii ay xoogsade oori ugu noqotay. In arrini socoto korkaa ayay kala socotay uun, in kasta oo ayan berigaa wali lixiyotoban jirsan markii tolka Xoogsade guurkeeda dooneen. Marka tolka saygeeda ay u dhaxdo, oorida waxaa loo aqoonsadaa inay tolka ninkeeda ka tirsantahay, mar walba se aqoonsiga haybta tolkeed ayay haysanaysaa. Maahmaahda qeexaysa xiriirka guur ee tolka oo qolada ooridu ka dhalatay ay xigtaan waa tan oranaysa, ”seeddigaa ha colloobina, walaashaa isku ma hubtide.” Nolosheedii hore ee korriimada waxay ku idlaysatay isu diyaarinta guur. Waxaa la baray xeer walba oo ku saabsan guurka, maamuuska xidid iyo xigto, gaar ahaan qaybta dumarnimo oo ahayd mid la is la yiqiin oo koobaysa doorar badan oo tolku waayo hore qeexay. Dumarka waxaa loo guursan jiray uun dhalmo. Dhab ahaan, waa iyaga uun kuwa wiilal badan dunida ugu deeqa. Waddada lagu gaaro awoodda ka tirabadashada tolalka kale waa uun wiilal badan oo iyaguna sii bata.

Arooskeedii waxaa loo dhigay sidii caadada Soomaali hayad. Dad badan ayaa isugu soo ururay, heeso iyo cayaaro badan ayaa la qabtay, in badanna hore iyo gadaal ayaa gacmo badani isu dhaafeen. Tusmo maalintaa si wacan ayay u xusuusataa, in kasta oo ay sanado badan iyo dhal laba da’ood ahi ka soo wareegtay. Xoogsade tolki ayaa madasha yimid, iyaga oo qaarkood ay magaalada ka soo safreen, daalka ka muuqday dartina waa ay iska caddayd inay wax badan magaaladii ka sokeeyeen oo lug ku soo jireen intaa. In kasta oo degmada miyiga gaari dheereeya muddo yar lagu gaari karay, cid sidaa yeeshaa waa ay yarayd, oo badanaa qofkii miyiga rabaa waa uu u lugayn jiray. Qofka reer miyiga ahi inuu masaafo dheer lugeeyo waxa ay u la mid ahayd sida qubeyska reer magaalaha. Reer miyga caado ayay u ahayd in masaafooyin dhaadheer ay xawaare ku jaraan, isku dayga socod la moodka ah ee reer magaalaha deggenaanta qabatimayna waxay u haysteen socod liid. Socodyada dheedheer marka la galo, reer magaalaha boorkaa laga tagaa, halka reer miyiga aanay waxba la ahayn in iyaga oo si aan caadi ahayn u dheeraynaya haddana ay si xiise leh isaga sii sheekaystaan. Reer magaalaha oo ay kartay nolosha wada dabacsan ee bandarku ayaa reer miyigu ka maadsadan jireen. Reer magaaluhu waa kan qirta yoolka xifaale ee laga dhashay, kaftanku se markan dhaliyuhuu ku fooraraa!

Marka reer magaalaha laga reebo, waxaa kale oo degmooyinka miyiga deriska ah ka kala yimid dad kale. Dagmadeennii oo dhan si aan hore looga baran ayaa la soo buuxsamay. Sidii caadada Soomaali ahayd, martidu iyada oo aan lala tashan ayaa markii ay yimaadaan loo loogaa. Ha ahaato mid iska socota, mid habeen hoyata oo meel kale ku socota, ama qaraabo reerka degmada ku soo booqata e, wax lagu gumoodbo ayay ahayd in martida laga seexdo ama sidii caadada ahayd aan loo loogin inta aanay habeenka dhinaca dhulka dhigin ee aanay subaxa maalinta xigta sadcaalkooda sii wadan.

Tusmo ayaa xusuusatay, ”hooyaday, ama mid hablaha walaalahay ah ka mid ah, ayaa neefkii ku qashay shillal dushii. Waa miis hilbaha lagu dul qalo oo dabiici ah. Waa uu gaabanyahay oo tabar darro u muuqdaa marka dusha laga eego, hase ahaatee waa uu adkaa oo neefku si la yaab leh ugu dul warnaa, iyada oo addimmadu kala waranyihiin intaa haragga laga bixinayo, uurkujirta laga saarayo oo waaxyo la maarayn karo loo kala jarjarayo.”

”Hooyaday ayaa intaa shaqadu socotay nagu baraarujinaysay in aannu iska tiirinno hawsha oo sidii dumar wanaagsan lagu yiqiin u dhaqanno, iyada oo ku adkaysaynasa oo ku celcelinaysa in ay na saxdo oo intaa na canaanaysaa, sidii aannu xaalad khatar ah ku jirno. Intaa shillalka shaqadu ka socoto ayay ku fooradha, iyada oo la moodo in ay raqda neefka la hadlayso. Waa se iska garanaynnay cidda ay hadalladaa u la dan lahayd. Intaa guubaabada kabtakarintasaarta ahi socotay, shaqayadii ayaannu sidii ay ahayd u haysannay oo qoryihii soo gurnay dabkiina shidnay. Intaa waxaa noo dheeraa hawlihii kale ee reerka, sida in aannu xoolaha ku ogaanno xeryaha oodda qodaxda leh laga ooday ee loogu talagalay inay derbiyo aan laga dhici karin xoolaha uga noqdaan subaaca uu waraabuhu ka mid yahay iyo, mararka qaarkood libaaxa iyo inta la halmaasha.

Waxay kale oo xusuusatay, ”xilli abbaaraha gabbaldhac ah ayay ahayd markii raggii oo salaaddii maqrib ku soo beegmay yimid. Waxaa la siiyay jalmado macdan ah kana duwan kuwa shaaha oo biyo ka buuxeen, si ay ugu weesaystaan salaadda horteed. Waxaase yaab lahayd sida sacab qura oo biyo ahi uu u mayri karo gacan dhan, ilaa suxulka lagu geeyo! Raggii wadajir ayay u tukadeen, salaadda ka dibna dhammaan dhankii Ardaaga ayaa loo dareeray. Darbiyada

ardaaga waxaa lagu qurxiyay oo ka lushay dermooyin si wanaagsan loo falkiyay iyo saamo magdo wacan, dhulkana waxaa lagu goglay nooc gaar ah oo laga sameeyay calallo maryo kala duwan ah oo inta la soohay la isku falkiyay. Roogaggaa quruxdooda ay soosaareen midabbada iskudhafka ah ee maryaha kala duwan oo haddana agabkii miyiga ee geedmadowga laga qoray iyo satiyo lagu sharraxay ayaa si xarrago leh loo goglay. Ardaagu waa gole sharfan oo xafladaha waawayn la fadhiisto, sida gaafka aroosadda iyo kuwa la midka ah. Sidaa awgeed, raggan ka wakiil ahaa tolka ninka guurdoonka ahi waxay u socdeen uun in ay Tusmo aabbaheed ka doonaan.

Dabadeed, Saleebaan oo la iska garanayay inuu ahaa hormuudka ragga soo golafadhiistay, da’diisa waayeelnimo darteed, ayaa Aadan huwiyay ammaan balaaran oo si fiican ugu nuuxnuuxsaday sida uu u koriyay gabdho wanwanaagsan oo ka mid ah kuwii tolki hore ugu dhalay rag badan oo wada sheeggan.

Wuxuu ku bilaabay, ”Maantu waa maalin tolalku ku xusuusan karaan xiriirka dheer ee xididkayaga wanaagsan, haddana waxaan ku sii xoojinaynna guurka aan u golafadhinno ee aan wakiilka uga ka nahay Xoogsade, nin aad noogu wayn oo ragga kale ee tolkayo baro ka dheeraystay weeye e. Xoogsade isaga oo yar ayuu tabcaday xoolo badan oo uu meel aan waxba ahayn ka soo bilaabay. Dhammaantayo waa wada ogsoonnahay in aabbihi aan wax gaar ah lagu aqoon ee uu ragga tolkiis uun dhexda kaga jiray. Nin xoolo badan leh ma ahayn, geesinnimo iyo goobo gadaal oo uu dhigay lagu ma aqoon, murti badanna loo ma ogeyn. Iyada oo ay sidaa tahay, Xoogsade waxa uu gaaray ilaa heer uu noqdo mid ka mid ah danjirayaasha magaalamadaxda noo jooga.”

La soco qaybaha dambe.

[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.