Monday, September 25, 2017
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Taxanaha Tarjumada Af Soomaaliga ee buugga GUBAN: Cutubka 3aad- TOLKA

Qore: Cabdiladiif Cige
Tarjume: Boodhari Warsame

Waxaa jiray xeer aan qornayn laakiin ka mid noqday nolosha caadiga ah aadna saamayn ballaaran ugu leh dadka iyo dhaqankooda reer guuraanimada. Xeerkaasi waa kan dhigaya kala sarreynta iyo abtiirsiinyaha tolka. Abtirsiinyaha tolku waxa uu si qoto dheer u dhex galay xagga diinta, maammulka dawladeed iyo guud ahaan waxa nolosha Soomaaloda la xiriira oo dhan. Sidaa awgeed, wax walba oo qof yahayba, ugu horreyn waa xubin ka tirsan tolwayne. Xiriirka tolnimo ayaa ah wax aad ugu weyn bulshada, arrintaa oo lug ku yeelatay dhammaan dhacdooyinka casriga ah ee ummaddan, sida; dawladnimada casriga ah, saraakiisha hoggaamisa iyo guud ahaan buslshada inteeda kaleba. Falsafad kasta, mid reer Galbeed ama tu kale, waxaa lagu saleeyay xiriirka tolnimo ee dhigaya in aanooyinkii hore tollka u dhex yiil ay sabab u ahaadaan colaadaha cusub ee hadda taagan.

Qore: Cabdiladiif Cige

Iyada oo taa ka duulaysa ayay Tusmo isla markiiba aadday mid ka mid ah ragga waaweyn ee haybadda sare ku dhex leh arrimaha tolka oo meel magaalada daafteeda ah deggenaa. Habka abtirsiinyaha Soomaalida waxa uu ka tirsamaa xagga odayga (aabbe) oo xagga kale uu ka kaabo kan ka socda xagga habarta (hooyo). Hase ahaatee, abtirsiinyaha xagga odayga, hadde waa odayga oo kali ah, ayaa ku amarkutaagleeya maammulidda arrimaha tolka. Sidaa awgeed, in kasta oo Tusmo dhibku iyada si gooni ah u taabtay  markii ninkeeda la xiray, haddana marnaba iyadu ma matali karto tolka Xoogsade.

Gaarigii ayaa waxa uu soo istaagay bangaladii uu deggenaa ninkii ay Xoogsade isku tolka ahaayeen. Waa nin oday ah oo ganacsade ah, sida Xoogsade oo kale, wax badanna deggenaa magaalada Muqdisho. Iridda hore ee gurigu waa ay furnayd.  Gaarigii hore ayuu u soo dhaafay oo halka babuurta la hojiyo lagu weeciyay. Tusmo ayaa si dhakhso leh uga soo degetay oo albaabkii guriga si ulakac aabayeel la’aaneed ah u garaacday. Qof shaqaale ah ayaa iriddii uga hor tegay oo gartay iyadii. Xuf iyo xawaare ayay ku dhaaftay oo afka isaga shubtay halkii ay dumarka reerku hurdeen. Si degdeg ah ayay wixii dhacay ugu sharraxday, iyada oo sugi la’ in ay mar uun odayga reerka la kulanto. Dabadeed, odaygii ayaa qolkii fadhiga soo fariistay isaga oo wajigu hurdo la yara bararsanyahay. Waa nin sida Soomaali lagu yaqaan muuqaalkiisa jirku xayeesi qurxoon yahay. Waxaa muuqaalkiisa sii bilay xinnahadhiinka ah ee u marsanaa garka iyo madaxa hadda u qaawan, laakiin xaalaaba koofiyadda sunnaha Islaamku aanay ka maqnaan.

” Haye Tusmo. Xaafaddii ka warran!”

”Gurigayagii musiibo ayaa ku habsatay. Askar ayaa gurigii timi annaga oo duhurkii hurudna oo Xoogsade iyo Abukar kaxaysatay, sababtana la garan maayo. Markii hore waxay doonayeen Xoogsade, laakiin markii Abukar barandada u soo baxay oo uu arkay wixii dhacayay ayuu is hayn kari waayay. Dabadeed si qayaxan ayuu caradiisii u muujiyay oo askartii xayawaanno ku sheegay. Markaa ayaa laba askari mar qur ah ku degeen, dabadeedna kuwo kale oo badan gaarigii ka soo degeen, si ay u la jujuubaan. Wax aan naxariis lahayn ayay ahaayeen oo banaatiikhdii ayayba noo cabbaysteen, xataa dumarkii iyo carruurtii oo taagtaagan! Arrintaas wax ku kallifaa ma jirin, marka loo eego xooggii ay ku soo galeen iyo iyaga oo aan wax xushmad ah haba yaraatee aan u muujin dadkii guriga joogay. Waxa aan ka naxsanhay waxa Xoogsade iyo Abukar xaalkood ku dambeeyay. Haddaba, waxa aan kaa baryayaa in aad si dhakhso leh wax uga qabatid arrinkaa, adiga oo tixgelinaynaya sida cillan ee loo taxaabay nimanka aan waxba galabsan.”

”Muddo intee le’eg ayaa laga joogaa markii arrintani dhacday?”

”Ugu badnaan saddex saacadood.”

Odaygii waxa uu warkii u qaabbilay sidii gobannimo odayeed lagu yiqiin oo deggenaan iyo dareenqab isku dhafani ay weheliyaan. Laakiin waxa uu aad uga feejignaa in uu haweenka hortooda ku muujiyo werwerka culus ee uu hoos ahaan isagu xaallada ka qabay. Dabadeed inta xabeebtirtay ayuu yiri:

”Tusmo, orod oo gurigii iyo caruurtii ku laabo oo meheradda ganacsi fur. Aniga iga war sug halka Xoogsade ku dambeeyay iyo cidda haysataa tan ay tahay. Si dhakhso leh ayaannu arrinkan uga salgaari doonnaa. War sidee ayay ku maageen waxaa? Ma wax dhintay ayay noo haystaan? Mase rag ayaannaan ahayn? Hadda orod oo gurigii isaga noqo. Arrinkaa annaga noo daa.”

Odaygii xoogaa ayuu sii fadhiyay oo si mururgo aanay ka marnayn u sii yara fikiray ka dib  markii Tusmo tagtay. Bartii ayuu isaga oo kaligii ah sii fadhiyay, isaga oo intaa ku maqan arrin waxa laga filan karaa ay ciddaa ka badanyihiin. Midiba mid ka daran oo midiba mid ka sahlan, laakiin talooyinku dhaammaan waxa ay isugu dhurrteen god madow wax walba ka filo iyo lama-yaqaan. Balaayase waxa dhigay oo wax walba isku fuuqsaday waa isaga oo si qumman uga warqabay Xoogsade iyo qofnimadiisa. Waa nin deggen oo aan is qaadqaadin, jago siyaasadeed aan danayn, dadkana guud ahaan xushmeeya, gaar ahaan hawlwadeennada sarsare ee dawladda. Wuxuu dib u eegay bilowgii nolosha Xoogsade ilaa lagu keeno markii millatarigu qabtay. Waxaa uu  ka dhex heli kari waayay haba yaraatee meelnaba ay labadaasi Xoogsade iyo ciidammadu ahi iska qoomeen. Waxaa ugu dambayn u soo baxday in arrintu ay aad uga wayntahay wax ku siman xinifaha caadiga ah ee dawlad iyo shicibkeed dhex mara. Ugu horraynse, waxaa maankiisa ku taagnaa bal halka wax laga bilaabo!

Odaygii mar uun ayuu fikirkii dheeraa ka baraarugugay. Qolkiisii jiifka ayuu abbaaray, si uu isugu diyaariyo in uu raadsho xubnihii kale ee tolka, si uu uga la tashado arrinta dareenka dedegga ah leh ee soo korortay. Waxa uu go’aansaday in uu ka bilaabo mid ka mid ah tolka kuwa ugu muhiimsan oo isla markaana ahaa sarkaal sare oo millatariga ka tirsan, si uu isaga marka hore ugu wargeliyo ragga lala tegay isla markaana bal u hubsado waxa ay tahay sababtu Xoogsade millatarigu u xiray, haddiiba ay sababi jirto.

Sida reer magaaluhu ka haystay, nolosha reer miyigu waa dhan’ujeed aan waxba laga dheefin iyo oomati caano geel uun aan dhaafsiisnanyn! Waa sida ay iyagu ku soo koobeen. Ama luqmad hilib ah oo sebaan ka sebaan la fisho, marka laga reebo neef bukto ku abaaday oo sidaa lagu qasho ama ceesaan loo loogay socotada dhifta ah ee reeraha soo martida. Reer magaalaha waxaa kibriyay nolosha galtimacruufka ah ee magaalada. Maadaama ay badaanaa negi yihiin, oomatida ay cunaan waxaa ku biiray cunnooyin warshadaysan, aqoolo joogto ah oo maalinta amminno go’an la cuno, biyo aan la waayin iyo alaabooyin dheeraad ah oo ay suuqayada shisheeye ee dibedda ka soo iibsadaan. Fikirknololeedka reer magaalaha si ulakac ah ayay meel hoose kaga yaalliin bananka nolosha qallafsan ee lamadagaan-lamoodka degaanka dabiicigaa u ah labada nafta laga xeroodo; waa geela iyo Soomaal e. Waxa ay taa u yeelayaan waa iyaga oo doonaya bal in ay maskaxdooda ka tiraan summadda aan go’ayn ee ay ku sunteen jiilal sii horreeyay oo qarniyo badan noloshaa qaayibay. Waxase ay kari la’yihiin, si walbaba ha isugu dayeen e, in ay mar uun iska reebaan caadooyinkii reerguuraannimada ee ay ka mid tahay in reero la isaga yimaado xilliyada kuwooda ugu xun. Waa cillad wali haysata oo ay iska goyn la’yihiin, xataa kuwooda ugu reer magaalsan.

Reer maagaluhu waxa uu ku faanaa in ay aad uga fogyihiin waxa ay iskuduub ahaan u  arkaan noloshoodii hore ee cawaannimada oo dhab ahaan ah mid aad uga fog tan ka jirta daaraha cad cad ee Muqdsiho lagaga noolyahay. Nasiibdarro, tagtadaasi waxa ay la tahay in aysan ahayn mid xataa hal fac oo qura ka horreysay, xataa kuwooda waxbarashada reer Galbeedka ka aflaxay. Waalidiintood nolol kale oo aan taa ahayni ma soo marin, iyaga ruuxooduna qayb roon oo noloshooda ka  mid ah waxa ay ku laasteen reer miyinimo ay xilliyada iskuulladu fasaxa yihiin geela ku raaci jireen. Geeddiyaal dhib badan oo dhaadheer ayay u raran jireen cayrsiga daruuraha roobka sida marka ay hooraan dhulka xaalufka la casaaday  nafaqeeya oo doog cagaaran oo caynba cayn ah. ayna kaabaan midabbada geela isugu horwaynta casuusta leh iyo fiilka nirgaha dhawaan dhashay. Miyi ka soo doogga degaankooda cusub ee magaalada darti ayaa waxa ay dareemayaan una dhaqmayaan sidii ay noloshooda iyo tii miyigu aad u kala fogyiiin. Jiritaanka Soomaal waxaa si aan dib uga noqosho lahayn ay ugu falgashay tacbashada aan dhammaadka lahayn iyo dhaqashada geela. Gabayada dareenkoodu dhadhabka dhaafay ee lagu ammaanayo quruxda iyo xallada meesigaa, suugaantaa oo laga dhaxlay nolosha adag ee dhulka qaraxa ah ayaad mooddaa in ay keento in dhulkaa la iska jeclaado. Geed walba oo witir ah ama laas walba oo biyayarood xun ah waxaa lagu muunadeeyay tix gabay ah ama suuraynta suugaan kale oo quruxda ku maldhaysa mid la burqanaya xareed doog barwaaqo ah bixisa iyo hoobaan dhul bacrin dabiici ah ku taal.  Ceel biyayarood aan naf lahayn ah ayay tixda gabaygu ka soo saaraysaa barwaaqo aan kala go’in oo nafaqo  dadka iyo geeluba isku si ugu naaxaan ay qulqulayso.

La soco cutub 4…

Boodahri Warsame
EmailBodhari.warsame@gmail.com

Halkan ka kahriso:

Guban:Taxanaha tarjumada buugga GUBAN- Cutubka  1aad-  Dhaamiso

Guban:Taxanaha tarjumada buugga GUBAN- Cutubka  2 aad-  Xabsi

—————-
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.