Sunday, October 22, 2017
Wardheer News
  • Book Shelf
  • Maqaallo
  • Slideshow

Taxanaha Tarjumada Af Soomaaliga ee buugga GUBAN: Cutub-ka II: Xabsi

Qore: Cabdiladiif Cige
Tarjume: Boodhari Warsame

Yuusuf waxa uu la ashqaraaray magaalada, taa oo ay uga sii dartay sida ba’an ee uu u doonayay in uu mar uun uga gudbo nolosha reer guuraaga ah ee xoolajiridda iyo daajinta aan dhaafin. Carrigan dunida meelaha ugu qallafsan ka mid ah ayay ahayd halkii uu markii ugu horreysay ku maqlay adduunka kale ee ballaaran ee noloshiisa ka baxsan. Taa ayaa kaakicisay rabitaankiisii uu ku doonayay in mar uun uu soo arko dunidaa ka baxsan xayndaabka nolosha kooban ee bananka oommanayaasha ah iyo geeddiga joogtada ah ee biyaha iyo daaqa uun la daba joogo. Waxa uu maqlay in ay jirto duni ka duwan tan oommanaha qaraxaa ah ku meeraysanaysa oo leh magaalooyin ay ka buuxaan dad negi oo aan waligood guurin. Waa dad la yaabka ay leeyihiin aan sannado badan meelna u guurin!

Yuusuf waxaa ka go’nayd in uu ku milmo reer magaalka oo uu markan u ekaaday, laakiin waxa aanu marnaba iska beddelin in badan oo ka mid ah dhaqammadiisii geeljiraha oo wali lafaha kaga jiray. Si uu taa u gaaro, waxa uu ku dayan jiray Cali oo uu waxyaalahaa wax ka wayddiin jiray. Cali Dheere oo taliyihiisa ciidan ah ayuu u haystay nin kasbaday qaddarinta iyo baqdinta reer magaalaha, isaga oo doonayay in uu fahmo sida Cali oo dhawr sano uun ka wayni uu ku kasbaday awooddaa. Yuusuf waxa ay kulmeen saraakiil badan oo millitari ah iyo kuwo kale isugu jira oo garaaddahoodu la simanyihiin kuwa Cali Dheere laakiin iyaga aan waxba laga soo qaadin. Yuusuf waxa kale oo uu xaqiiqsaday in tabihii uu noloshiisii hore ku maarayn jiray oo dhammi aanay kuwa magaalo waxba ka goyn, siiba tabaha maammulka dawladeed la xiriira. Sidaa awgeed ayaa ay u fara badnaayeen lakabyada kala sarreeya (darajooyinka) ee amarqaadashadiisu markii loo diray in uu soo xiro ganacsade Xoogsade la yiraahdo

Subaxdii amarka lagu siiyay in uu hawgalkaa fuliyo ayuu askartiisii kale isugu yeertay oo u dhaqaaqay xaggii guriga Xoogsade oo ahaa nin uu aqoon u lahaa. Waxa uu ka mid ahaa rag fara badan oo dalka dibadda uga baxay si ay nolol ka wanaagsan tii waagaa dalka tiil iyo shaqo uga doontaan, muddo dheer ka dibna waa dambe soo noqday iyaga oo jannaaleyaal ah. Askartii xilli duhur hore ah ayay yimaadeen gurigii Xoogsade oo si xooggan u garaaceen iridda hore, sidii lagu yiqiin kibirka kuwa xoogga wax ku muquuniya badankooda. Dhammaan dadkii qoyska oo dhammi gudaha ayuu ku jiray, halkaa oo laga soo wada magan galay milicda kulul ee dharaareed. Muqdisho ayaa sidaa caadadeedu ahayd in marka abbaaraha kowda duhurkii ilaa ugu yaraan shanta galabnimo la gaaro ay dadka magaalada badankoodu heshiis ku ahaayeen in xoogaa la seexdo, in kasta oo qaar ka sii badsado, siiba kuwa maalintaa aadka u dhergay. Maalmaha marti la soorayaa iyagu waaba ay ka sii daranyihiin.

Xilligaa isaga ah ee la wada dhanyahay ayaa u bilay in Yuusuf uu si qumman u muujiyo labbiskiisii ciidan ee boolaxooftada iyo xoog wax ku muquuninta. Waxaa ka sii darnayd niyadjebinta ay lahayd in mid ka mid ah dadka magaca ku leh buslshada oo la wada yaqaan, sida Xoogsade, caynkaa dawladdu gurigiisii ugu gebagebayso oo ka jujuubto saacad xun. Dadka loo dan lahaa waa buslhada guud ee sida dhakhsaha ah uga war helaysa dhacdadaa foosha xun. Waa qaran ay dad u yihiin warrowyo iyo warfidiyeenno warxumatashiillo aan kala dhicin ah. Sida duufaanta Tsunamiga ayuu warku u fidayaa oo cabsi aan xad lahayn ku ridayaa reer guuraaga aan cabsidaba aqoon ee loo rogay muwaaddiniin dawlad casri ah hoos taga.

Xoogsade garaacii albaabka hore ayuu maqlay oo markii hore si xun uu uga carooday, sida lagu yaqaan dabeecadda duhurseexadka. Malaha waa qof aan anshax lahayn oo gaar ahaan edeb daran, ama malaha waa qof sabirlaawe ah oo dan ka leh aan se ka kala jeclayn in uu gurigiisa gaar ahaaneed ugu soo galo intii uu saacadaha caadiga ah ee shaqada dukaanka iyo meelahaa ku sugi lahaa. Qofkii guriga ka shaqaynayay ayuu u diray oo u faray canaan kulul qofkii garaacayay iridda. Markaa ayuu haddana is beddelay oo intuu ku aammini waayay mar qur ah xuf ku dhaafay, si uu qudhiisu garaaca alabaabka uga jawaabo.

”War waa kuma? Ma waadan wax isku falayn? Waxa aan iga degayni waa waxa qof wayni sidaa ugu dhaqmayo?” Haddii uu iriddii oo uu xoog kaga gariiririyay hal gacan ahna ku furay, waxaa ku soo baxay askari ku labbisan iskujoog kaaki midab bunni ah leh. Waxa uu isla markaaba maqlay, ”waryaa, sow ma tihid ninka maalqabeenka ah ee qurbaha ka soo laabtay? Xoogsade, taliyahayga ayaa na soo amray in aan ku xirno. Waa in aad hadda na raacdaa”, iyo ”hadda fuul gaariga”, iyada oo dhegaha lagaga qaylinayo.

Xoogsade waxaa u muuqday gaari millitari oo taagan gadaasha gurigiisa xaggiisa dambana ay ka buuxaan rag koofiyado ciiro leh oo aan la kala garan ka safan. Hal seken gudihii ayaa xoogsade waxaa isu laba rogay sawirro maskaxdiisa ku loollamaya oo uu ku baadigoobayo bal wax u iftiimiya waxa millitarigu maanta isaga ku maagay. In dhacdadani ka dhacdo gurigiisii iyo xilligaa ay dadka badankiisu ku nasanayaan guryahooda u gaarka ah ayaa isu suurayn wayday.  Maadaama aanay jirin wax dambi ah oo uu galay, waxa uu aad uga sii carooday askartan garaaddaha hoose leh ee ku dhiirratay in ay sidaa xilka leh xilligaa ugu yimidaan. Wax yar dabadeed ayuu inta is tiilay oo adkaystay haybaddiisii ahayd ganacsadaha muhiimka ah ee ka dhashay mid ka mid ah tolalka waawayn si fiican isu taagay oo xabadka kala baxshay, isaga oo marakan qayladoodii uga jawaabayaa, ” war maxaad ku keenteen in aad gurigayga iska soo gashaan saacaddaa iyo eedayntaa aan sal iyo raadka lahayn oo waliba aad inta gurigaygii jiirtaan aad xoog iigu kaxaysaan saldhigga aniga Xoogsade ah ee magaaladaan laga wada yaqaan, sidii aan ahay tuugada suuqa wax ka xadda oo kale?” Markan xaaskiisii, carruurtiisii iyo in kale oo qaraabadiisii joogtay iyo marti isugu jirtay ayaa hurdadii ka soo booday. Waxa ay dhammaantood u soo baxeen bannaanka iyo shaqaaqada xagga fagaagga hore ee guriga ka socotay oo askartii xeryataraarta dawliga ah ku socotay ag safteen.

”Afka wayn day! War si deggen u soo dhaqaaq inta aannaan inta qoorta ku qabanno ooridaada, carruurtaada iyo dhammaan qoyskaaga hortooda kugu jiidin.”

Halkan ka akhri Taxanaha Tarjumada Af Soomaaliga ee buugga GUBAN_Cutub-ka II – XABSI

Tarjume: Boodhari Warsame
Email: bodhari.warame@gmail.com

Halkan ka kahriso:
Guban:Taxanaha tarjumada buugga GUBAN- Cutubka  1aad-  Dhaamiso
—————-
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.