Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Tayaynta Waxbarashada Jaamacadaha Soomaaliyeed

jamhW.Q.  Cabdulqaadir Cabdi Diiriye

Waxaa Soomaaliya ku soo badanaya jaamacado ay furayaan dad iskood isu maamula ilaa iyo haddana ma jirto, intaan ogahay, hay’ad bixisa oggolaashaha furitaanka jaamacadaha. Ma loo baahan yahay hay’ad noocaas ah? Ardaydase ka qalin jebisa jaamacadahaas dhib ma ku noqonaysaa mustaqbalkooda nooca waxbarasho ee ay soo qaateen?

Qoraalkani wuxuu eegayaa tayo-gelinta jaamacadaha wuxuuna, is barbar dhigayaa waxtarka iyo dhibaatooyinka ka iman kara jaamacadaha sida habqanka loo furto, wuxuuna soo jeedinayaa in dawladdu samayso hay’ad Soomaaliyeed oo ka shaqaysa tayada tacliinta sare.

Gogoldhig

DSCN0467Burburkii dawladdii dhexe, ayaa keenay in degaan walba isku dayo inuu iskiis u daboosho baahiyihii laga sugi jirey dawladda. Dugsiyadii hoose, dhexe iyo sare ayaa dib loo bilaabay iyadoo aanu jirin manhaj dhexe oo ay wada raacaan dugsiyadaasu. Maadaama ay adkayd in manjah cusub la dejiyo  waxaa si fudud dugsi walbaa u soo dhoofsaday manhaj waddan kale laga leeyahay iyadoo ay dhacaysay ama ay weliba dhacdo in laba dugsi oo ku yaal  isla hal magaalo ay kala raacaan manaahijta laba waddan oo kala duwan.

Marka laga yimaado manhajka, waxaa kaloo meesha ka maqnaa dhammaan kaalmooyinkii kale ee dawladda dhexe sida maamulidda imtixaanaadka iyo shahaado bixinta. Waxaa la iska fududeeyey in ardayga beddelka ku yimaada magaalo cusub aan laga dalbin inuu la yimaado wax caddaynaya heerkiisa waxbarasho si meesha uu mudan yahay loo geeyo. Taas waxaa adkaynayey dhibka aan kor ku soo sheegnay ee kala duwanaashaha manaahijta iyo iyadoo waddankii ay ka dhasheen maamulo kala duwan oo, haddayba waxbarasho wax ka qaban lahaayeen, aanay dabeecadooda ka mid ahayn in wax la wadaagi karo. Laakiin maamulada dugsiyadu sidii ay maankooda ka arkaan ayey u xallinayeen wixii dhib ah ee ka hor yimaada.

Markii la gaaray in ardaydii qaar ka mid ah dhammaysteen dugsiga sare waxaa soo baxday baahi ah in loo helo meel ay ka sii wataan waxbarashadii laba arrimood dartood: 1) Ardaydii ma wada dhoofi karaan si ay u sii wataan waxbarashada, haddii ay dhoofaana lama hubo in shahaadada dugsiga sare ee ay qaateen laga aqbalayo waddanka ay u dhoofaan 2) Ma jirin shaqo ardaygu isku mashquulin karo hadduuba aqoontiisa dugsiga sare ku shaqo tegi lahaa.

amoudHaddaan xasuustaydu qaldanayn, jaamcadaha Cammuud iyo Muqdisho ayaa ahaa kuwii u horreeyey oo dib loo abaabulay ka dibna waxaa si is daba joog ah u furmayey jaamacado ku baahay dhammaan degaamada Soomaaliyeed.

Tayaynta Waxbarashada Jaamacadeed

Waddamada adduunka waxaa ka jira jaamacado aan la aqoonsanayn. Kala duwanashaaha sharciyada waddamada ayaa keenay in meelo badan aanay ka ahayn sharci jebin in la furo jaamacad oo arday la siiyo shahaadooyin iyadoo jaamacadaasu aanay lahayn wax aqoonsi ah. Dhibku wuxuu imanayaa markii ardaygu doono inuu sii wato waxbarashadiisii oo jaamacad kale u gudbiyo shahaadadiisii oo laga yaabo in jaamacadda cusub ay aqoonsan weydo shahaadada uu waqtiga iyo hantida ku bixiyey. Waxaa kaloo jira waddamo ama shirkado iska hubiya in shahaadooyinka shaqaalahoodu haystaan ay bixiyeen jaamacado la aqqonsan yahay. Haddaba waa maxay aqoonsiga jaamacaduhu?

Aqoonsiga jaamacadaha (accreditation)

Waa shahaado ama ama ‘aqoonsi’ la siiyo jaamacad markii ay ka soo baxdo shuruudo loo dejiyey qiimaynta tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadeed. Aqoonsigaas waxaa bixiya inta badan dawladaha ama hay’ado loo oggolaaday inay bixin karaan aqoonsigaas.

Dawladaha qaar ayaan oggolayn in magaca jaamacad, machad ama dugsi la iskala baxo ilaa la qaato oggolaansho ka yimaada wasaaradaha ku shaqada leh waxbarashada heerarkeeda kala duwan. Waxay kaloo dawladuhu oggolaansho siin karaan hay’ado gaar loo leeyahay inay qaadaan masuuliyadda qiimaynta tayada xarumaha wax barsahada oo jaamacaduhu ugu sarreeyaan, ayna isla markaas xarruntii ka soo baxda shuruudaha siiyaan oggolaasho. Dhawrkii sanoba mar ayaa jaamacadda dib loo qiimeeyaa si loo hubiyo in ay weli ku taagan tahay waddadii tayo-wanaagga, markaas ayaa ama loo cusboonaysiiyaa  aqoonsiga ama la siiyaa digniin inay hagaajiso tayadeeda amaba lagala noqdaa aqoonsiga.

Xaaladda tacliinta sare ee hadda ka jirta Soomaaliya waxaad moodaa in ay u baahan tahay taxaddar waayo wax walba waxaa ka horreeya in dawladnimada iyo nabadda loo saldhigo.

Jaamacada-caalamiga-ah-ee-Somaliya-5Waa run inuu jiro welwel laga qabo in jaamacaduhu noqdaan meelo lagu doonayo uun hanti laga qaato ardayga ama lagu gaadayo mashaariicda ay bixiyaan hay’adaha dawliga ah.  Waxaa kaloo welwel ka jiraa in tayo xumida jaamacadaha qaarkood, haddii ay dawladdu wax ka qaban weydo ay dhacayso in ay qiimo-dhac u soo jiidaan kuwa ku dadaalaya inay tayadooda hagaajiyaan maadaama ay ku wada yaallaan waddan Soomaaliya la yiraahdo, lana filayo in dhammaan jaamacaduhu ay hoos tagaan hal nidaam oo lagu qiimeeyo tayadooda. Markii la arko arday aan waxba aqoon oo wata shahaado jaamacadeed laga soo siiyey Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in loo qaato in sidaas oo kale ay yihiin dhammaan jaamacadaha ka jira Soomaaliya.

Hay’adaha tayo-baarka ee qiimeeya jaamacadaha  waxay daabacaan ama baahiyaan shuruudaha ay uga baahan yihiin jaamacadaha iyo manaahijta ay aqoonsiga siinayaan. Waxyaabaha ay qiimeeyaan hay’adaha tayo-baarku waxaa ka mid ah manhajka qoran ee ardaydu raacayso oo tusaale ahaan haddii jaamacaddu bixiso shahaadada koowaad (Bachelors) oo Ganacsiga ama Maamulka ama Cilmiga Kombiyuutraka ah, waxaa la eegayaa in manhajku waafaqsan yahay hay’adda tayo-baarka xeerkeeda marka laga eego dhammaystirnaanta maadooyinka ardayga la siinayo, saacadaha guud ee ardaygu qaadanayo waxbarshada, heerka aqooneed ee macalimiinta dhigaysa maadooyinka iyo in ay tiradoodu ku filan tahay habsami u socodsiinta manhajka. Waxaa kaloo la eegaa maamulka jaamacadda iyo sida ay siyaasaddoodu u soo dhaweynayso ardayda iyo shaqaalaha, sida hantida ay u maamulaan, in qalabka waxbarashada aasaasiga u ah uu ku filan yahay maaddooyinka la qaato, dhismayaasha jaamacadda iyo inay dabooli karaan baahiyaha ardayda iyo shaqaalaha, haddii ay jiraan fasalo lagu qaato tababar ama shaybaar (laboratory. waxaa iyagana jira xeerar u gaar ah. Hay’adaha aqoonsada ama tayo-baara jaamacadaha waa badan yihiin inta badanna mid walbaa waxay aqoonsi siisaa maadooyin ama barnaamijyo gaar ah.

Soo jeedin

Aqoonsiga laga doonto hay’adaha dawliga ah waxaa ku baxa hanti fara badan, waxaana laga yaabaa in qaarkood ay shuruudo aan laga bixi karin u baahan yihiin. Haddii ay dhacdo in jaamacadaheenna la aqoonsan waayo, waxaa noo furan laba waddo. 1) in aan iskaba deyno jaamcadaha oo ardaydeena  kii dhoofi karana loo diro waddamo kale kii aan dhoofi karina shaqo ama machadyo farsamo loo sameeyo iyo 2) in dawladda Soomaaliyeed abuurto hay’ad dhexe oo samaysa xeer lagu qiimeeyo tacliinta sare iyo xarumaha lagu barto. Hay’adaasu dabcan waxay ku bilaabanaysaa si jilicsan oo shuruudo adag kuma bilaabi karto si degdeg ah kumana fulin karto go’aamadeeda si dhaqso ah. Laakiin waxay si heer-heer ah u dhaqan gelin kartaa xeerarkeeda iyadoo ay jaamacaduhu marba marka ka dambaysa aqbalayaan inay u baahan yihiin inay kor u qaadaan tayadooda si ay u helaan kalsoonida ardayda, shacabka iyo tan dawladdaba.

Dhismaha-East-Somalia-University1Inaan iska xirno jaamacadeheena maadaama aanay aqoonsi haysan ma aha wax noo furan. Waxaa haddaba habboon in dawladdu si dhaqso leh u samayso qaab lagu xakamaynayo debecsanaanta ka jirta furashada jaamacadaha iyo bixinta shahaadooyinka jaamacadeed. Ugu horrayn waa in la sameeyaa xeer lagu maamulo jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa habboon in la dejiyo qaab lagu qiimeeyo tayada waxbarasho iyo maamul ee jaamacadaha.

Jaamacadaha hadda furan iyaga ayaa noqon kara aasaaska ama bilawga tayo u samaynta waxbarsahada. Wayna habboon tahay in maamulada jaamacaduhu samaystaan qorshe ay aqoonsi ugu doonayaan jaamacaddooda. Waxaa kaloo iyaduna wanaagsan in jaamacaduhu isu tagaan oo ay kala shaqeeyaan dawladda sidii loo samayn lahaa hay’ad kormeerta tacliinta sare oo unkiddeeda ay qayb ka noqdaan dhammaan jaamacadaha Soomaaliyeed.

Inta ay dib u sii dhacayso samaynta hay’ad Soomaaliyeed oo oo nidaam aqoonsi u samaysa jaamacadaheenna, waxaa sii fogaanaya hagaajinta iyo qiime u yeelidda waxbarshada ardaydeenna.

W.Q.  Cabdulqaadir Cabdi Diiriye
Email: [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.