Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Teera: Shakhsi noloshayda raad ku reebay

W/Q. Dr. Cabdifitaax Nuur (Ashkir)

Galabnimadii khamiista kuna beegnayd taariikhdu 6-6-2018 goor aan ka soo baxay shirkii golaha xukuumadda Puntland, ayaa Agaasimaha Telefishinka Puntland Jamaal Carab Yuusuf ila soo hadlay iina  sheegay geerida Maxamed Aadan Xirsi (Teera).

Dr. Ashkir (bidix) iyo Teera ( AHU)

Horey ayaan ula socday in muddo ah in uu  Teera  (AHU)  ku xanuunsanaa carriga Ingiriiska. Agaasimaha Telefishinka ayaa markaasi  iga dalbaday in aan Telefishinka imaado oo aan tacsi u diro dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walbooy joogto iyo bahda warbaahinta anigoo ku hadlaya magaca Waaaaradda Warfaafinta Puntland, waanan ka aqbalay. Waxay iiga dhignayd geerida Teera udub-dhexaad warbaahineed oo galbaday, anigaase u baahnaa cid i samirsiisa maalintaas murugadu harraysay; waayo “Teera” wuxuu ii  ahaa waalid iyo jiheeye xagga mihnadda saxaafadeed,aan sir wadaag nahay,gacal iyo xigaal nahay, saaxiib iyo rafiiq ku ahayn

Ugu horrayn, ma jiro Teera qof yaqaannay oo aan maalintaa indhihiisu ilma ka hoorin. Wuxuu ahaa aadane naxariis badan, run sheeg ah, jecel inta tabaalaysan, oo ay u simanyihiin sokeeye iyo shisheeye. Markay arrintu gar-naqsi gaadho, ruuxi ka hawl galay uun baa garan kara eedda joogtada ah ee ay warbaahintu leedahay, waxaana ka bixi kara-aragtidayda-shakhsi sidii Marxuum Teera ah, adkaysi iyo dul-qaad leh.

Qoraalkaygan waxaan u kala qaadayaa laba qaybood oo kala ah:-

1) Waa kuma Maxamed Aadan Xirsi (Teera)

Wuxuu ahaa Saxafi Soomaaliyeed oo ku guda jiray in ka badan 40 sano xirfadda war-fidiyeenka, 1973 ilaa dowladdii Siyaad Barre dhacday wuxuu ahaa wariye, barnaamij soo saareen, ilaa uu noqday 1979 Agaasimaha Raadiyo Muqdisho ee afka dowladda ku hadli jirtay. Sannadkii 1985 wuxuu kale ee uu soo maray Agaasimihii wakaaladda wararka “SONNA “. Waxaan hoos ku soo koobay taariikhdii Teera ( AHU):

  • Teera dhawr iyo siddeetankii wuxuu ka baxay kulliyadda Saxaafadda ee Jamacadda Umadda Soomaaliyeed.
  • Qaran-jabkii ka dib wuxuu ka hawl galay xarumo badan oo warfaafineed sida:- BBC-da, IRIN  iyo idaacado kale, waxa kale oo ka shaqeeyay Idaacad la oran jiray “Iqara” oo xarunteedu ahayd Nairobi.
  • 2007 wuxuu la shaqo bilaabay Telefishinka Universal; isagoo daadihiye ka ahaa barnaamijkii uu curuskiisa lahaa ee la magac baxay ” Fool-ka-Fool”. isla markaana ka mid ahaa warfidiyeenada Telefishinkaas.
  • Wuxuu muddo ka shaqeeyay xafiiska saxaafadda ee hay’adda “Care International” waana xilligii uu wax ka aasaasay ururka “MAP ” isaga iyo Asli Axmed Maxamuud.
  • 2013 waxaa loo magacaabay agaasimaha Xarunta Telefishinka PLTV ee qaaradda Europe.

2- Waa maxay raadka uu shakhsiyan igu reebay?

Kuma soo koobi karo qormadan gaaban ee dul-marka ah raadkii uu igu reebay “Teera” waxaanse isku dayi in aan wax ka xuso casharadan ka bartay intaan wada shaqaynay anigoo ahaa Agaasimaha guud ee telefishinka Puntland:

1. Waxaan ka bartay in mihnadda saxafinimo ay tahay: mas’uuliyad ka hor inta ayan noqon shaqo, anigoo og xaaladdiisa caafimaad buu haddana wuxuu isku dayi jiray in uu gacantiisa ku tifaftiro war kasta oo laga diro xarunta dhexe ee TV-ga Puntland.

2.Waxaan ka bartay in tifaftirku uu yahay udub-dhexaadka hay’adaha warbaahinta, fasax kasta uu dalka yimaado wuxuu ii keeni jiray “Flash” ay ku duubanyihiin dhammaan wixii uu qabtay ee khaladaad ahaa dhinac walba, xag anshax,,luqad, qaab-dhismeedka warka.

3. Waxaan ka bartay in mihnadda Saxafinimo ay tahay mid muddan in la ixtiraamo, isagoo lagu oran jiray-siduu ii sheegay- markii uu agaasimaha idaacadda ahaa “Mahbar: buu misana u shaqayn jiray sida ay dowladiisu ku amarto.

4. Waxaan ka bartay in saaxiibka dhabta ahi uu yahay hanti ma guuraan ah. Teer iyo markii kulan isugukaaya dambaysay marxuumka oo ahayd 9-3-2018 Nairobi, wuxuu iiga sheekeenayay saaxiibadiis qaar ka mid ah, oo uu ka mid yahay Jaamac Cabdi Buurte (Agaasime ku-xigeenka Xarunta London) . Waa saaxiibkiis ay isku kulliyad ahaayeen, isla soo shaqeeyeen, dibadana u wada kicitimeen, waa ninkii dhinac ka ahaa barnaamijkii caanka ahaa ee  “Quursigu qiil ma leeyahay” oo ka bixi jiray BBC-da horraantii sagaashanaadkii qarnigii tagay!

Ugu dambayntii waan ka shaqayn doonaa daba-galidda buuggii uu iga codsaday in aan si dhow uga warqabo, buuggiisa wuxuu ka qoray waayo-aragnimadiisii xagga saxaafadda. Waxaa hadda gacanta ku haya shirkadda kasmo ee daabacaadda buugta,maamulana  ka yahay Khaalid Macow guddoomiyaha guddiga warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee barlamanka federalka Soomaaliyeed.

Gunnaanadkii dhambaalkayga aan xasuusiyo aqristaha kalmad uu ka jeediyay Marxuum Teera maalintaan xilka agaasimaha guud kala wareegayay marxuum Axmed Kismaayo,Teera wuxuu ku khudbeeyay sidatan” afartan sano ayaan saxaafadda ku jiraa, xoolo iyo hantina ma lihi; waanse ka magac dheerahay dhammaan madaxda Soomaaliyeed”. Waa kalmad run ah, wariyaha fiicani hantidiisu waa sumcadda iyo raadka fiican ee uu ka tago.

Ilaahay jannadii Firdowsa ha geeyo Marxuum Maxamed Aadan Xirsi Teera, annagana sabur iyo iimaan hanagasiiyo.

Dr. Cabdifitaax Nuur (Ashkir)
Wasiiru Dowlaha Warfaafinta,Isgaarsiinta,hiddaha iyo Dhaqanka Puntland.
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.