Tuesday, January 23, 2018
Wardheer News
  • Featured
  • Maqaallo
  • Slideshow

Toosinta iyo Casriyaynta Haybta Shakhsiga Soomaaliyeed

W/Q Cabdalla Cumar Mansuur

Mucda Qoraalka 

Si loola jaanqaado dunida maanta horumartay waxaa loo baahan yahay in qofka Soomaaliyeedi uu lahaado waxyaabo lagu aqoonsado, oo afafka shisheeye lagu yiraahdo “ID”, annaguna qoraalkan aan u adeegsannay ereyga “hayb”, iyadoo la raacayo hab midaysan, oo casriyaysan, lana ilaalinayo nidaamka diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeedba. Haddaba waxaan halkan ku qaadaadhigaynaa haybta qofka Soomaaliyeed oo u baahan in la turxaanbixiyo waxyaabaha lagu aqoonsado, sida: magaciisa gaarka ah, ‘magaca qoys’-kiisa, taariikhda dhalashadiisa iyo deegaanka uu ku dhashay. Maqaalkani waxa uu horey ugu soo baxay Somali Studies: A Peer-Reviewed Academic Journal for Somali Studies, Volume 2, pp. 125-140, Somali Studies, 2017. 

I. Midaynta Hab dhigaalka Magaca Gaarka ah

Bare Sare Cabdalla Cumar Mansuur

Waa in la xasiliyaa jahawareerka innaga haysta xagga hab dhigaalka magacyada gaarka ah, oo siyaabo kala duwan loo qoro.

1) Magacyo asalraac ah: Marka la adeegsanayo farta Soomaaliga, magacyada asal ahaan ka soo jeeda af Carbeedka, saddex siyood ayay af Soomaaliga uga mid noqdeen, iyagoo loo qorayo sida loogu dhawaaqo:

a) Kuwo sida asalkoodu ahaa loogu dhawaaqo, sida: Haaruun, Hinda, Khadiija, Cali, Yuusuf, Xasan

b) Kuwo wax yar isbeddel codeed ku dhacay, sida: Axmed (af Carbeedka: Axmad), Xuseen (Xuseyn), Aadan (Aadam), Maxamed (Muxammad).

c) Kuwo isbeddel weyn ku dhacay, oo siyaabo kala duwan loogu dhawaaqo gobollada Soomaaliyeed, sida magaca Carbeed “Abuu Bakar” oo noqday: Abokor, Abuukar, Abiikar, Eybakar, Bakar, Iikar. Magaca “Cabdullaahi” isna wuxuu noqday: Cabdulle, Cabdille, Cabdalle, Cabdalla, Cabdullaahi, Cabdillaahi.

Haddaba, nidaamkan aan kor ku soo xusnay, oo waafaqsan codaynta af Soomaaliga, oo horeyna u dhaqangalay, ilama habboona in la beddelo, laguna qoro hab Carbeedka asalka ah, sida dadka qaarkood ay bilaabeen in magacyadooda ay u qoraan, sida: magaca Xuseen  oo ay u qoraan Xuseyn; Maxamed oo ay u qoraan Muxammad; Aadan-na Aadam iwm. Haddii aan raacno aragtidan asalraaca ah, maxaan ka yeelnaa magacyada, sida magacyada asalkooda ka soo jeeda “Abuu Bakar” (Abokor, Abuukar, Abiikar, Eybakar, Bakar, Iikar)? Giddigooda ma “Abuubakar” baan u qornaa? U malayn maayo in ay sax tahay.

2) Magacyo jacbur ah: Sidoo kale, waxaa soo badanaya dad magacyadooda ku qora far jacburan, farta af Soomaaliga iyo midda Ingiriisiga oo isku laran, sida: Khaliif Abdullahi; Mohamed Xaashi; Abdinaciim Arrintanna in laga fiirsado ayaa loo baahan yahay.

3) Magacyo qoraalkoodu aanu iswaafaqsanayn: Waxaa jira magac qof Soomaaliyeed, oo afar hab loo qoro, sida hogatus ahaan, aan halkan ugu muujinayno qof magaciisu yahay Nuur Xuseen Cabdirashiid iyo siyaabaha kala duwan ee loo qoro, oo ku xiran hadba dalka uu joogo

  1. Nuur Xuseen Cabdirashiid (far Soomaali)
  2. Nur Hussen Abdirascid ( f. Talyaani)
  3. Noor Hussein Abdirashid (f. Ingiriisi)
  4. Nour Houssein Abdirachid (f. Faransiis) 

Arrintani waxay qofka u keeni kartaa dhib weyn, gaar ahaan, xagga waraaqihiisa aqoonsi oo leh magacyo is khilaafsan, sidaasna lagu aqoonsan kari waayo. Qurbajoogta ayaana aad u garan karta dhibaatadan iyo ciddii dibadda xiriir la leh.

Sidoo kale, ardayda wax ku barata gudaha dalka Soomaaliyeed, badiba waxaa dhacda in shahaadada dugsiga sare magaca qofku ku qoran yahay far Soomaali iyo far Carabi, shahaadada heerka jaamacadeedna isla sidaas loo qoro. Laakiin marka uu baasaboor doonto, badiba waxaa magaciisa lagu qoraa far Ingiriisi.

Marka uu dalka dibaddiisa u doonto waxbarasho heerka labaad ee jaamacadda ah, waa lagu soo celiyaa dukumentigiisa, waxaana loo sheegaa inuu qoraalka magacyadiisa isa soo waafajiyo.2

Bal haddana aan milicsanno adduunweynaha kale iyo dhigaalka magacyada. Waxaan ogsoonnahay in farta Latin-ka ay adeegsadaan reer Galbeedka badankooda iyo kuwo kaleba, sida: Indonesia, Vietnam,

Turkida iwm, iyagoo afafkoodu ay ku kala geddisan yihiin xagga ku dhawaaqidda xuruufaha qaarkood, haddana qola waliba waxay magaceeda ku qortaa habka fardhigaalkeeda u gaarka ah oo keliya.

Qaar ka mid ah afafkaas adeegsada farta Latin-ka, oo leh xuruufo ay ku kala duwan yihiin xagga dhawaaqa, ayaan hogatus ahaan halkan ku soo bandhigaynaa:

  • Polish-ka xarafka c dhawaaqiisu waa z; ch =
  • Ingiriisiga: c = s/k; ch = j.
  • Talyaaniga: c = j/k; ch = k.
  • Turkish-ka: ç = ch (chair).
  • Jarmalka: ch = kh (Munich).
  • Faransiika: ch =
  • Indonesia: sy =

Halkan ka sii akhri maqaalka: Toosinta iyo Casriyaynta haybta

Cabdalla Cumar Mansuur
Email amansur44@gmail.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2018 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.