Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TROMSO: Waqooyi Meeshii Iigu Fogayd

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen

Siciid-Jaamac
Siciid Jaamac

Noloshayda konton sano ayaan xeeb-joog ahaa.   Badda Cas, Gacanka Cadmeed,  iyo Badweyntaa Hindiya ayaan ka dhaxeeyay. Magaalooyinka Cadan, Muqdisho, Berbera iyo Jibuuti ayaa i qaybsaday. Xagaayo inta lagu yaqaan ka dheer, ayaa magaalooyinkaas igu soo maray. Qorrax kulayl iyo cusbo jawiga dhaamisa ayaa isu kay barkaday. Waan soolmay oo dhidid iyo dheecaan qiyaastii barmiillo buuxin kara ayaa iga baxay. “ Cawo iyo ayaan badanaa qof baraf dhex joogaa,” ayaan nafta ugu sheekeeyn jiray.

London ayaan soo galay dabayaaqada qarnigii 20aad ee la soo dhaafay. Daawasho iyo dalxiis uma aan iman ee qax iyo qaxarkiis ayaa i keenay. Xaaska iyo carruurtii ayaa iigu yimid oo iyana carruur ku sii dhalay. Xaafado aan kala fogayn ayaannu ku nool nahay. Weli baraf aan beri raadin jiray kuma aan hayo degmada Tower Hamlets, Bariga London, ee aan deggannahay. Ajnabiga degmada ku nool waxaa ugu badan reer Bangladesh. Soomaalida ayaa soo labaysa tira ahaan. Waana laga yaabaa inay taasi ugu wacan tahay sababaha degmadani ugu baraf yar tahay dalka Biritayn!

MARTIQAADKII SHIRWEYNIHII 70aad EE PEN

Pen_international.svgSannadkii 2004 ayaa ururka qoraaga ee loo yaqaan ‘ International P.E.N’, kooxdayada Somali P.E.N u soo diray martiqaad laga qaybgelayo Shirweynihii ururkaas ee lagu qabanayay magaalada TROMSO, ee dalka Norway. Aniga ayaa la igu qoray inaan shirkaas tago. Waa fursad aan si weyn u dhawrayay. Dalka Norway oo ay markii iigu horraysay tahay, marsada Tromso oo ku taal Badweynta Arctic ee adduunka ugu qabow iyo naadiyadii qoraaga caalamka oo isugu imanaya goobtaas. Waa duco la iga ajiibay.

Marsada Tromso ee waqooyi bari kaga taal dalka Norway waa tan ugu dhow dalka Ruushka soohdintiisa xagga badda. Gaashaanbuurta NATO ee Norway ay ka tirsan tahay ayay saldhig ciidanka badda u tahay. Sidaas awgeed, marsadu si weyn bay u dhisan tahay.

RADISSON BLU Hotel, kuwa ugu raaxada iyo adeegga fiican ee xeebta saaran ayaa na la dejiyay, markab dagaalna ku ag xiran yahay. Waa na loo daawasho geeyay intii shirku noo socday. Bishu Sebtambar ayay ahayd oo dhulku uma qaboobayn sidaan u filayay. Xilligii barafka iyo gudcurku dhulka ku habsan jireen, labaatan sacadood oo isku-sii-deys ah, lama gaarin.

Muddada shirka u qoondaysan in Tromso la joogayo, saddex arrimood keliya ayaa iigu muuqday in wax badan aanan dhaafin karayn: Shirka noo socda inaan ereygii ururkayaga ka dhiibto, go’aammada ka soo baxayana cod ku yeesho. Waa tan ugu horraysa. Waxaa soo raaca, in magaaladu siday u taal iyo astaamaha ay caanka ku tahay wax ka soo tebiyo. Tan saddexaadna waa hadday Soomaali inuun joogto magaaladan, Badweynta Arktigga ku taal, bal ka war doono xaaladda ay ku sugan yihiin.

Shirweyne kasta hey’ad cusub ayaa la doortaa , ay ugu xil culus yihiin Guddoomiyaha iyo Xoghayaha ururku. Sidoo kale, shirweyne walba arrin ka mid ah kuwa ururkaas caalamiga ahi u asaasmay, ee xeerkiisa ku qeexan, ayaa laga doodaa oo go’aan laga gaaraa. Sannadkan xuquuqda qoraaga iyo suxufiyiinta sharcidarrada u xiran ee xuquuqdooda lagu xadgudbay, ayaa ahaa mawduuca ugu ahamiyadda roon. Dalal badan ayaa la tilmaamay oo arrimahaasi ka jiraan. Suxufiyiinta Falastiin ee xabsiyada Israaiil ka buuxa ayaa gaar ahaan loo soo qaaday. Qoraal canbaarayn iyo weyddiimo isugu jira ayaa dalkaa madaxdiisa loo diray, ay weheliso in kuwa xiran mar walba xaaladdooda lala socdo oo wixii kaalma ah, qareenno u doodaa ka mid yihiin, loogu deeqo. Wefdiga Falastiin ka socday, Fatima Maghani ay hoggaaminaysay, kan ugu tirada badan ayuu ahaa, marka laga reebo kan dalka loo martida yahay.

TROMSO SIDAY U TAAL

Tromsø4
Tromso

Marsada Tromso hodonnimada ka muuqata, dalka Norway intiisa kale ayay la wadaagtaa. Waa magaallo aad u cammiran. Dhulkeedu waa buuraley, qaarkood badda ku dhex yaalliin. Qaniimada fadhida – batroolka iyo barwaaqada kale – iyo aqoonta dadku qabo ayaa sahal ka dhigtay in buurahaas – jasiiradaha – kala durugsan buundooyin ayaa isku xira, marna baabuurta silligga raaca badda korkeedaa kulmiya, marar kalena dhuumo buuraha dhexdeeda la isaga dalooliyo. Jasiiradahaa dadka badankiisu buuraha salkooda ayay beero, guryo, waddooyin iyo magaalooyin yaryar oo lagu ashqaraarayo ka samaystaan. Muddadii aanu joognay ayaa na la ku soo wareejiyay, iyadoo mar nalagu qaadayo basas, marna tireeno, mar kalena baabuurta siligga raaca ee buuraha la isaga gudbo. Qabow iyo gudcur kasta oo dalkaa ku habsada, dadkiisu way ka sii tabaabushaysteen. Waa run oo hodonnimada ayaa ugu wacan; waxse u weheliya oo ka sabab weyn, maamul-wanaagga aayaha ummaddaa lagu hoggaaminayo. Maamul-wanaaggaas oo taladiisa iyo meel-marintiisu shicbiga gacanta ugu jirto. Dadku marsadan seben hore ayay soo degeen. Maanta tiradooda 70 kun ayaa lagu qiyaasaa. Dhawr qawmiyadood oo dantu qaran keliya ku midaysay ayay ka kooban yihiin, marka laga reebo kuwo dhowaan ku soo biiray oo Soomaalidu ka mid tahay.

SOOMAALIDA TROMSO KU NOOL

Siddeetamaddii qarnigii la soo dhaafay, intii ka dambaysay ayaa Soomaalidu u soo qaxday dalalka Yurub. Norway waxa uu ka mid yahay kuwii ay xilligaas soo galeen. Kumannaan tiro gaaraysa ayaa Soomaalida dalkaas deggan lagu qiyaasaa. Safarkayga ka hor, in aan Tromso sideeda kale u xiiseeyo mooyee, marna igu ma ay soo dhicin, Soomaali ayaa dunida dabadeeda nolol ka dayi doonta, gaar ahaan anoo si fiican u ogaa meeshu siday u qabow badan tahay iyo halka ay dhaxanta iyo Soomaalidu kala joogaan!

Intii shirku noo socday, maalin aniga oo xilli barqo ah la sheekaysanaya ergey Falastiin ah, ayaa huteelkaanu degganayn uu noogu yimi will isaguna falstiini ah oo magaalada ku nool, maqlayna Shirweynaha Qoraaga Adduunku (International P.E .N) isugu yimid Tromso. Salaan iyo isbarasho ka dib ayaan weyddiyay wax Soomaali ahi inay carradan ku nool yihiin. Qosol ayuu ka kacay: “ Iyaga ayaa noogu badan,” ayuu yiri, isagoo uga jeeda intooda magaalada ajnabiga ku ah.

alnor-mosque-in-tromso-norway
Masjidka Alnor ee Tromso

“ Xaggee ka heli karaa? Ma ii tilmaami kartaa, si aan anigu u doonto?” ayaan ka codsaday. ‘Ma foga oo haddaad waqti haysatid, anigaa mar dhow ku geyn kara dukaan uu Soomaali leeyahay.‘ Khadar laysu soo diray iga dheh ! Waraysi iyo la kulan Soomaalidii ka dib, xogtii ii baxday:

Soomaalida Tromso ku nool tiradoodu waa saddex boqol. Saddex ayay u kala baxaan. Qayb meesha u timid inay ka xoogsato oo shaqaale ah. Kuwaasi mushahar fiican ayay qaataan oo magaalooyinka kale ka sita. Waana tan barafkan keentay.   Qaybta kale waa ganacsato dukaammo yaryar leh oo iyana si fiican u deggan. Qaybta saddexaad waa arday dugsiyada iyo Jaamacadda Tromso wax ka barata. In badan ayaa xaasaskoodu la joogaan. Qaybtii inkaarta qabtay, ee loo yiqiin ma-shaqaysatadu meeshan oo kale kama soo dhowaadaan! Soomaalidu, sida u caadada ah, meel carrigii ka fog, ayna ku tira yaryihiin, wax iska jecel isuguna hiilin og. Soomaalida Tromso deggani way isku duuban yihiin. Meel lagu wada kulmo, laysku arko, laguna arrinsado, waxa u ah MASAAJIDKA muslimka magaalda oo Soomaalidu ay Imaam iyo masu’ulba ka yihiin. Markaan shirkaas ka soo laabtay ayaa wariyaha Aadan Nuux Dhuule igu waraystay idaacadda BBC laanta Af-Soomaaliga.

Dunida aynu korkeeda ku nool nahay, Tromso waa goobta ugu waqooyisan aan soo booqday. Afartan sano ka horna (1977) waxaan qarka u saaray Badweynta Anta-ragtiga ee dalka Koonfur Afrika. Dhowr sanoo ka horreeyay (1971), marsada Valporiaso ee dalka Chile ee badweynta Basifigga ayaan marti ku ahaa. Intaba maqaallo aan kaga warbixinayo socdaalladaa waxa i geeyay iyo wixii aan kala kulmay, ayaa degelkan Wardheernews lagu soo daabacay.

W.Q. Siciid Jaamac Xuseen
Email: [email protected]
—————–
Siciid waa qoraa deggen magaalada London, UK, oo si joogto ah wax ugu soo qora degelka WardheerNews, waana guddoomiye xigeenkii hore ee Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.