Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TUSAALEYAAL KA MID AH HAL’CURINTA BOON XIRSI! (Q- 1aad)

W|Q Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”

HORDHAC

Xuseen Xirsi Caddib, Boon Xirsi bay dadku u garan ogyihiine, waa Hal’abuurrada Fanka iyo Suugaanta Soomaalida kuwa ugu magac weyn. Horraantii toddobaatannaadkii buu Caweysyadii Fanka iyo Suugaanta kamid noqday. Boon Xirsi waxa uu beryahaa ka soo muuqday Masraxyo dhawr ah oo aynnu ka xusi karro: Dumistii aqalkayga iyo arooskii Inankayga, Nin qasbaaya Jacayl ma loo quudhi karaa?, Bidaari sibiq bay kugu gashaa iyo kuwo kale.Waraysiyo uu bixiyey sannadihii tagey ayuu Boon sidaas ku sheegay.

boon-xirsi
Boon Xirsi

Inta ugu badan qoraalkani waxa uu khuseeyaa Sheeko Jacayl ah oo nolosha Boon Xirsi raadaysey iyo waraaqo daboolan oo uu Hargeysa ka diray, kuna hagaajiyey Xeebtaas Jabbuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti. Laba tixood oo aynnu halkan ku hayno baa tilmaamaya baac fogaanta jacaylkii Boon Xirsi lugta saaray.

Halkan iminka xaafadda Siinaay ee magaalada Hargeysa oo waagaas la odhan jirey Geedka Faarax Nuur, ayay deggenayd gashaantida Boon Xirsi qalibigiisa xadday! Deetana Inantu waxa ay u wareegtay dhankaas iyo Jabbuuti.

Laba farriimood oo uu Boon mid hawada mariyey, mid kalena uu Bisad ay saaxiibbo ahaayeen u dhiibay ayuu gashaantidaas Jabbuuti kaga dabagaynayaa!

Labada tixood ee uu sheekadaas dhexmariyey ayeynnu ka baran doonnaa hibooyinka badan ee Boon Xirsi mid ka mida oo ah qotodheerida curintiisa tixeed.

Buxuurnimada kale ee Boon Xirsina  waxa kamid ah tan Soomaalidu u taqaan ee “Jilidda”. Dhinaca kale Xuseen Xirsi waa hal’abuur curiyey heeso dhawr ah oo dadku aad u jecel yihiin. Heesaha miyuusigga iyo codadka macaan leh waxa kamida tan ay wada qaadaan Maxamed A. Kuluc (IHU) iyo Aamina Cabdillaahi ee Kuluc odhanayo: Qofba waayihiisaa Illeen meel ku waaboo Waynu kala fogaanee Miyaan kuu warrammay weli ? Aamina Cabdillaahina ugu warcelinayso dhextaal ahaan sidan:

Mayee ii wad sheekada! micr_audio

Biyuudda kale ee dhadhansiga iyo laxawga lihina waxa ay odhanayaan:
Sow markaan ku waayeen
Wacan ku arki waayaba
Sidii waa aroor hore
Walac tidhi Cadceeddii
Warmihiyo gantaalaha
Wac ku siisay Dunidii
Wajigaaga nuur kale
Ii soo widhwidhi jirey.

Qoraalkani ma soo bandhigayo hal’abuurkii Boon Xirsi oo dhan, ee waa tusaaleyaal iftiiminaya in kamida Boon Xirsi heesihiisii iyo qisadaas uu labada tixood ku tebiyey.

Aynnu halalkale ka sheegno heesihiisa kale ee dadku aadka u xiiseeyo oo aynnu ka sheegi karro Heeska “Ilwaad”. Ilwaad waxa qaada Hoobalka Maxamed Faarax, Boon Xirsina waxu tibaaxay inay kamid ahayd farrimihii uu Jabbuuti u diray. Baydadkan cishqiga leh ayaa heeskaasna tusaale u ah:

“Sowtaan ani iyo adi
Axdi dhiganay meelee
Alle ina ogaa!” .

Hooballada Aamina Cabdillaahi iyo Sahra Axmed ayaa iyanna luuqeeyey heeso kale oo Boon Xirsi ereyadooda dhisaalay.”Heesta kaa Sheekeeye..” iyo Agoontaas ninkii qadshow (sida ay u kala horreyaan) ayaynu ka soo qaadan karnaa.Xuseen Xirsi Caddib “Boon Xirsi” iyo Meecaad Miigane Obsiiye waxa ay fikraddeeda lahaayeen Masraxii “Ninba Timo Xamaroo Hargeysa, Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mida lagu soo bandhigay.

SIDII BAAN YEELI LAA!

Hal kale oo innaga tusaale ah aynnu ka sheegno masraxii Qosolka ee Boon Xirsi laga bartay. Jiliddu waa jaad fanka kamid ah. Isla markalena waa nooc uun ah isgaadhsiinta farriimaha lagu gaadhsiinyo dadka oo dhan;dabaqado,lab iyo dheddig,Cirrow iyo carruur, xirfadlayaal kala duwan iyo guud ahaan mujtamaca.Si ugu yaraan loo yareeyo caajiska,daalka waa in jidhku dabcaa oo maskaxdu faaraxdaa amma riyaaqdaa. Boon Xirsi waxu kamid ahaa dadka hawshaas kaalmaha  doorka ah ka qaadaan jirey.

Boon Xirsi, inta uu kaa qosliyey, inta uu kaa farxiyey iyo inta ugu yar oo ah adigoon qosli karin inaad dhoollacaddaysey baa badan. Jilaanimadiisu waa daacad aan kabbo isyeelyeel ahi ku jirin.

Marar badan waxa aynu maqalnay Boon Xirsi oo magaciisa sidan usoo gaabinaya: Hiinow, Haanow Mr Haalsir Sport, Hard of the Kulayl, Nin Daran, Air Maarshaal King, Mudane Gold Walter,Xaaji Maxamed, Nin Alla,Diin Gargaar,Ma-Danayste, Shicib Udoode,Khatar Cadiim,Boon Xirsi Bowdyo-Gaab!

Sida aynnu kor ku sheegnayba farriin dad loo diro waxa ugu faafi og tan Fanka iyo Suugaanta la dhexmariyo ee Boon Xirsi,Awkoombe, Basbaas, Huryo, Oday Cabdulle, Meecaad Miiggane, Dacar,Cabdi Haybe, Aw Tukaale iyo kummannaanka kale tebiyeen. Boon Xirsi oo Doob ah ayaa shabbad qurux iyo dheg leh haasaawe ku daansaansanaya. Gashaantimuhu si kasta oo ay guurdoon u yihiin ma xiiseeyaan ninka shukaansiga uga bilaaba waan ku guursanayaa! Waa sida aynnu ka arki karro inantan uu Boon Xirsi qalbigeeda iyo dareenkeeda oo dhan jihaynayo. Waxu u dambeysiinayaa inuu guursan rabo, waxu se u horreysiinayaa sida uu iyada u baxnaanin doono ee uu xilkeeda u gudan rabo. Haddii la doonana sheekadu waxa ay u dhacaysaa maahmaahdii Soomaalida ee ahayd: Dumarka been kusoo xero gali,runna ku dhaq!

kolka u horreysaba waxu ka marayaa dhanka dumarku u xeeban ogyihiin ee adduunka iyo dhaqashada. Inantii oo taagan buu u sawirayaa guri waxwaliba yaallaan!  Waxa uu soo gadayaa inta dumar ku xarragoodo ee dahabku u mudan yahay. Inantuna in badan waxa ay muujinaysaa sida ay arrintiisa ugu niyadsan tahay ee ay u danaynayso isaga!

Farshaxan, fan iyo quruxda sheekadu waxa ay ku jirtaa kolka uu Boon Xirsi  innaga iyo Inantiiba inna dhexgaynayo isaga oo sariirta kula galgalanaya afadiisa! Si aan muuqanayn oo aan haddana qarsoonayn buu hawshaas weyn u usoo tebinayaa!

Waa halkaas meesha laga baran karo jilidda (Aktarnimada) Boon Xirsi! Aynnu xoogaa sheekadaasi sida ay u dhacayso tusaale ka soo qaadanno:
Boon Xirsi: Haddaynaan isas eeginoo su`aashaa iga yeesho si baan yeeli lahaa!
Inanta : Sideed yeeli lahayd?
Boon : Horta Sawjad baan kaa dhigan laa!
Inanta: Haye.
Boon: Sar baan kuu dhisi laa
Inanta: Haye.
Boon: Saabab baan kuu dhigi laa!
Inanta: Haye.
Boon: Indhahaa saldhigoodiyo, samayskoodu macaanyiin.saxarku yaanu ku duuline, Muraayad tii u sarreysaan korkaaga saari lahaa,kolkaad suuqa marayso,aad kelidaa sanka taagtide
Inanta: Haye.

Boon: Xariirtii susumaysiyo, dharka kii u sarreeyeyna, korkaagaan saari lahaa (Dhiin). Saacad baan kuu gadi laa laydhaahdo Sitiisan(Citizen). Bal sideennii Maliina…Hal baddii my language Bil Maliina.. Dahab aad sarsar mooddo.. oo  giddii sanqanaayana singal weyn bixinaayana suxulladaan kuu galin laa!
Inanta: Jalam!
Boon: Jalam…. Silisweyn oo ballaadhan oo sawirkeennu ku yaallo innagoo ah sidaana(Inta uu dhanka Inanta isku janjeedhiyo)!Qoortaan kuu sudhi laayoo haamaddaad saari layd(Dhakh)!
Inanta:
Haye(Dhoollacaddayn iyo mabsuudid)!
Boon: Kabihii Sannisaad Suun kusoo xidhan layd! Takaasidaa sunsumaysaan, sinjigii u dambeeyey, sinjigii ka dambeeyey…Noocan haatan socda ayaan kusoo saar laa.. Markaasaynnu soo hoyan layn! Saf dhan.. oo ku sugaayoo soo dhaweyntuun qaabbilsan baa kusalaami laa!K ursigaad salka saartana sawirbaa xigi laa (Dhalam)..sancadii u dambeysiyo Miyuusig baa xigi laa. Liilalow..liilalow! Kolkay gaadho sagaalkana waynnu soo kici layn sacabbaa xigi laa..Milxiiskaa socon laa…Milxiisaddaa soconlayd..Waynnu soo hoyan layn!

Boon: Rabshadda ugu weyni halkaas bay ka bilaabmaysaa!
Inanta: Oo maxay ahayd?
Boon Xirsi: Horta Nin dagaal ku socda…siniin yaa Muuminiin, sidiisaan ka dhiganee, suti baan gali laa! Seef baan soo lisan laa!Suweyskaan taaban laa! Sariirtaan imanlaa..sanqadh baa bixi layd! Salaax baa xigi laa..Istiim baa socon laa! Sidii baynnu yeeli lahayn! Inanta:Sidee?
Boon: Waa si cajiib ahee…!
Boon: Kolkay tahay saqbadhka, ilayn waan soomalhaadsanahaye, haddaad caano I siisona,markaasaan soo noqon laa! Sariirtaan iman laa..sanqadh baa bixi layd..Salaax baa xigi laa! Sidi baynnu yeeli lahayn!Markaasaan soo kici laa Soddoggii iyo Soddohdii baan soo salaami laa..Saaxiibbaday iyo saaxiibbadood baan soo salaami laa… Markaasaan soo noqon laa!….Sidii baan yeeli laa…… halkii bay ka bilaabmaysaa uun…..!
Inanta:
Haye..

La soco Qaybta labaad ee u dambaysa iyo farriimo jacayl oo Hargeysa ka ambabaxay, kuna aaddanaa dhankaas iyo Xeebta Jabbuuti.Haddii Eebbe yidhaahdo.

Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email:[email protected]


F.G – Suxufiga Xuseen Cabdillaahi Deeqsi, ayaa  muuqaal  ka reebay Boon Xirsi mar uu Hargeysa ku warsaday. Muuqaalkaas iyo Masraxiyado kale oo Yuutuubka kujira, ayuu qoraalkani tixraac ahaan cuskanayaa. Waxa hubin u baahan karta heesaha Maraxaa “Ninba Timo Xamar”ku jira. Waa labada heesood ee “Kaa sheekeeye iyo Iiwad sheekada” oo labada heesoodba ay codadkooda ku wada qaadeen Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi. Laba sababbood baan anigu u cuskaday inuu Boon Curiyey heesahan, waa ta hore ee Boon baynu afkiisa ka haynaa, ta kalena labada heesood mid baa dad badani isku raacsan yihiin in Boon curiyey. Ilaahay baa wax og ee ciddii xogtan mid ka geddisan haysaa waa ay gole keeni kartaa.Maadaamma Meecaad Miiggane aannu noolaynna qoraalkani waxu khuseeyaa Boon Xirsi waraysigiisa oo ay ku jirto inay  isaga iyo Meecaad wada lahaayeen fikradda Masraxa Ninba Timo Xamar


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.