Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

TUSAALEYAAL KAMID AH HAL-CURINTA BOON XIRSI (Q.2aad)

W.Q. Cabdixakiin Marayare

Ilaahay ha unaxariistee waxa dhawr toddobaad uun inaga sii maqan shakhsiyad aynnu jeclayn,Boon Xirsi. Xawdkii Nebiga ka cab oo u farax sidii aad dhaaxa nooga farxisey aynnu nidhaahno.

Abwaan Boon Xirsi

Waxa jira Jacayl  nolosha Boon Xirsi raadeeyey iyo waraaqo daboolan oo uu Hargeysa ka diray, kuna hagaajiyey Xeebtaas Jabbuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti. Laba tixood oo aynnu halkan ku hayno baa tilmaamaya baac fogaanta jacaylkii Boon Xirsi lugta saaray. Halkan iminka xaafadda Siinaay ee magaalada Hargeysa oo waagaas la odhan jirey Geedka Faarax Nuur ayay degganayd gashaantida Boon Xirsi qalbigiisa xadday! Deetana, inantu waxa ay u wareegtay dhankaas iyo Jabbuuti.

Laba farriimood oo uu Boon mid hawada mariyey,mid kalena uu Bisad ay saaxiibbo ahaayeen faray ayuu gashaantidaas Jabbuuti kaga dabagaynayaa! Jacaylkaasi waxu iskaga dabqaaday Hargeysa iyo Jabbuuti. Sida ay ku tusmaysan yihiin heesaha iyo tixaha aynnu haynaa, haydaarta iyo lurku waxu ku badnaa dhanka Boon Xirsi! Cishqigaasi waxu ku dambeeyey guuldarro. Heesaha miyuusigga leh ee aynnu qaarkood aragnay kolka laga yimaaddo waxa jira laba Maanso oo aynnu qoraalkan kusoo xidhidoono.

Ina Baar Tima-Casuuli iyo Boon Xirsi!

Horta inta aynaan tixdan, “Ina Baar tima-casuusli” wax ka odhan, aynnu in yar ka sheegno fanka ka hor iyo Boon Xirsi. Noloshiisii fanka iyo suugaanta ka horreysey Boon Xirsi waxu ahaa Hudheelle goobaha cuntada ee Hargeysa ka hawlgala. Waa xilliyadaas kolkii uu xidhiidh jacayl la sameeyey Inanta magacan aynnu u bixinayno ee Hargeysa ka guuraysa una wareegaysa dhankaas iyo Jabbuuti. Waa uun isla markii ugu horreysey ee Boon Xirsi ogaadey hibadiisa halabuurka tixeed.

Boon Xirsi Caddib inuu shaqada Hudheelka aad yar ka tago una wareego shaqadan fanka ee uu ku dambeeyey si yar kuma aanay iman, ee markii ugu horreysey waxu ereyo ammaan ah u tiriyey  Kacaankii Oktoobar oo beryahaas carcartiisa qabey, guud ahaan qofkasta oo Soomaaliyeedna u rixinayey. Bal aynnu in kooban kasoo qaadano ereyo maanseed oo Boon Xirsi u noqday shaqo qoris. Waxu yidhi:

“Marku taliye fiicani
Towrinimo kacaaniyo
Maskax toosan kugu wado
Tabaabushaha hoggaankiyo
Halku tuhiyo awrkiyo
Tusmadaad ka garataa,
Haddaan taasi noo dhalan
Abaartii la tabar gabay
Kamaanaan tisqaadeen!

Haddaba maansada aan ugu wanqalay “Ina Baar Tima-casuusli” ayuu Jabbuuti u dirayaa Boon Xirsi isagoo Bisaddiisa faraya! Qofayntu waa heshiis aan qorrayn oo maansayahanka Soomaalida iyo dadkiisa dhexyaalla oo laysla ogol yahay in waxwalba farriin tixeed lagu la hadli karo! Boon waxu la hadlayaa oo farriintiisa dhexmarsanayaa Bisad Hudheelka la joogi jirtay, waa sidii Guuguulihii Ismaaciil Mire amma Shimbirkii Hadraawi amma Dameerkii Cabdi-Qays amma Fiintii Cabdi Xuseen! Waa afmaldaha oo figta ugu korreysa  ka fanta inta magaca Suugaani kulmiyo.

Waxu yidhi:

Bisadyahay rabbaysani
Ee barabara iyo
Baalu ay casuusyiin
Waataan beryaha qaar
Bogga iyo qanjaha iyo
Beerka ku siin jirey
Eed barwaaqo naaxdee
Ruuxa baylka kugu shuba
Budka aan la kori jirey
Waxase Boon ku leeyay
Ma biddaa abaaloo
Waxan aan u baahnahay
Ba`e ma ila qabataa?

Adigaan Bileys iyo
Jaandaaran* ba`an iyo
Birta lagu hordhigahayn
Camal baalal haadeed
Bureeqadii Rasuulkiyo(CSW)
Sidii Boqor usii soco
Bas Xunbuliga* sii raac
Ina Baar Timacasuusli
Boqol waad ku garataa
U beexaami sheekada
Ninkan uu barriinsaday
Uu baniga laabtiyo
Biixiyaha u kicitimay
Jacaylkuna ku badanyahay
Ee Bulida uu dhigay
Waxad tidhaa amma baro
Amma ha  Baran
Wuu kuu buseelee!

Adiguna u baanoo
Bisad xeebta joogtoo
Ku barbaartay maadayn?
Biloo lagu su`aalaa
Burmuyeelka dabadeed
Baabiyaagii* noo dhiib!
Balaasmiinig maad arag
Boodhkooda maad gelin
Illayn waad bakhtiyeysaa!

*Jaandaaran – Ciidamada Ammaanka ee Jabbuuti oo Faransiisku sameeyey
*Xunbuli – waa Xaafad Magaalada Jabbuuti ka mid ah. Bas Xumbuliguna mooyi in xilliyadan loo yaqaanney baabuurta Hargeysa ka ambabaxda ee Jabbuuti aadda.
*Baabiyaa – waa erey Faransiis ah oo la micne ah aqoonsi| Sharci.

Mar kale ayuu haddana tixdan dhankaas iyo Jabbuuti u ambabixinayaa Majaajileeyihii Boon Xirsi naxariistiisa Eebbe ha ugu deeqee.
Waxu yidhi:

Labadii tallaababa
Taluun baa ka dhalatee
Ismaan tabin intii hore
kolkii aad tagtuun baa
Laygu tuuray caashaqan
Tahan ila fogaadee
Aan kuu toogo sheegtee
Haddaad tudhi lahaydood
Inuun taakulada guud
Tabantaabin layd gacal
Taasoo laysku leeyahay.

Anna tan aan qabo
Kuwa tebiya caashaqa
Taariikhahaan faray
Murtidaan ku tiiqsaday
Naxwahaan ku taagsaday
Xubnahaaga tiradii
Tahantahan ukala dhigay,
Idhi taasi waa nuur
Tanna laan togaaleed
Waa toban jir ababoo
Tooxda loo ballaarshoo
Dhexdu taako qabad tee
Hana moodin tu iga weyn!

Tooganeey habloo idil
Adaa igu tallaalane
Waxa aniga igu taxan
Igu sii takoorani
Timihii ubaxa lagu dabay
Tunka labada garab iyo
Ka tafaaya dhabarkee
Marka laydhu taabatana
Tog sidii qulqulayee
Teelteelka xaydh-xaydh
Tuuraha samaystee
Taabanaaya boqontee
Taxaabaaya ciidda.
Talow balow
Maxaan toosay awgaa
Toddaabtan iyo kow
Inaan tiraba lagu garan!

Waxan tabay
markay tahay toddobadiyo
Illaa tobanka saac
Xaafaddii aan tagi jirey
Tuurtuurkii sheekada
Ku taxnaa Kalgacalka
Ruuxba tii uu odhan jirey
Markaan taago gacantee
Is idhaa taabo…
Kuu tilmaamayee
Taariikhoo aan kaa go`in
Inaar taa innaga dhaaf
Tuuroo iyada lali!
Haddaad se moodi tuuryadu
Nabar igu tafaayiyo
inuu yahay tu aniga igu maqan
Tiille ma idhaahdeen
Iminkaan u taagnahay
Sidii kii sakaarada Tuurayee la seegay
Ee yidhi ta kale celi ilayn tani ku dhaaftaye!

Tolaw balow tu kaloo ogaysiis:
Tegis male Jabbuutiye
Taar baa ku meersane
kuwa faraha tiriyiyo
hay taagin fiishtoo
Tunka cadowga ha ii qaban
Hayna sii tukhaantukhin
Waxa se hadal ku tuban yahay
Sidii baan u taagnahay
Tubtii Faarax Nuur iyo
Qudhacii tilmaannaa
Tiiradiisa dhaamka ah
Raadkii tababbarkaaga
Kaad ku taabaqaaddee
Soo tebi waraaqaha
Toddobaadba waxa jira
Warku haysa soo taro
Sanduuqayga tiraduna
Waa T.M.Y

Illaa Tu da Hargeysa
Foroom tegis Jacaylkee

Taadana ku soo sheeg!

Tixraac – Suxufiga Xuseen Cabdillaahi Deeqsi baa  muuqaal  ka reebay Boon Xirsi mar uu Hargeysa ku warsaday.Muuqaalkaas iyo Masraxiyado kale oo Yuutuubka kujira ayuu qoraalkani tixraac ahaan cuskanayaa.

W,Q. Cabdixakiin M. Maxamuud “Marayare”
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.