Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

TV-gii Cabdi Ilay oo Faafiyay waxyaabo Aan Hore Looga Baran

W/Q. WardheerNews

ESTV waxa uu ahaa, meel uu maamulkii Cabdi ilay ku marinhabaabiyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka Soomaalida.

Horumar, ceelal biyo ka burqanayaan, waxbarasho iyo caafimaad meelwalba la gaadhsiiyay, ammaanta Cabdi ilay iyo maamulkiisa iyo dabcan dhaanto aan kala go’ lahayn, waxay ahaayeen waxyaabihii uu caanka ku ahaa ESTV ee hadh iyo habeen laga daawan jiray.

Waxa uu ahaa TV ku caanbaxay borobagaandhada iyo ammaanta, buunbuuninta iyo weyneynta Aabo Cabdi Ilay.

Haddaba iyadoo arrimahaas iyo kuwo kale oo la mid ah dadku hore uga barteen ayaa waxaa markii u horreysay  laga daawaday ESTV, dad ka cabanaya dhibaatooyin uu u geystay maamulkii Ina Ilay, kuwa la xidhay, la jidh dilay iyo kuwo kale oo hantidoodii ku waayay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada jigjiga.

Arrinta yaabka lihi waxay ahayd madaxweyne ku xigeenka deegaanka Xamdi Aadan oo ka mid ahaa gacanyarayaashii Cabdi Ilay, ee ka mas’uulka ahaa dhibaatooyinkii naxariis darrada ahaa ee maamulku ku hayay shacabka oo goobta ku sugna.

Waxay arrimaha goobta laga sheegayay ku ahaayeen wajigabax Xamdi Aadan, waxaanu qiray in dhibaato badani jirtay, isagoo ku andacooday in ay dhammaantood wada cabbudhisanayeen, inkastoo uu isagu ka mid ahaa kuwii wax cabbudhinayay!.

Cabashooyinkan oo laga soo jeediyay shir lagu sheegay in ay aqoonyahanka deeaagaanku ku yeesheen magaalada jigjiga, ayaa waxay xasuusinayaan shacabka in deegaanka Soomaalidu u baahanyahay isbeddel ka qotodheer sida ay hadda wax yihiin. Sidoo kale islamarkaana ay caddaalad helaan dhibbanayaashii uu gabboodfalka u geystay nidaamkii uu horjoogaha ka ahaa Cabdi Ilay oo hadhaagiisii weli ka arrimiyo magaalada Jigjiga.

WardheerNews

Maqaalo kale oo la xidhiidha mawduuca:

Cabdi Ilay iyo Abiy Axmed W/Q WardheerNews
Xisbiga haya talada Deegaanka Soomaalida oo doortay guddoomiye cusub W/Q WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.