Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Umul dooxa keeniya

W/Q Xasan M Huruse

somali-police-stadium-1106_ab1c9b25cfc75c5a97389fc2d307d4daWaxan kasoo gudbay xuduudka Kenya muddo laga joogo 22 sano. Goor galab ah ayaannu aniga iyo Shan dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo aan ka mid ahay ugu nimi nin da’a wayn oo reer miyi ah meel aan ka dheerayn duleedka magaalada Gaarisa.  Haddaannu is waraysannay oo aanu cabaar la fadhinay, ayaa Odaygii murugo Iyo niyad xumo wayni saaqday oo wajigiisa ka muuqatay.

Inkasta oo uu karti iyo raganimadii  nin Soomaaliya oo waqtigaa nool caadadiisa ahayd is diidsiinayey in indhihiisa oohini ka muuqato, haddana waa hayn kari waayay oo kolba cimaamadiisa ayuu markuu inyar joogaba Intuu hoogaansado oo hoos eego wajiga marinayey. Waxan ka maarmi waayey Inaan waydiiyo waxa calooshiisa gubaya  anigoo maskaxdayda ay ku jirto su’aalo badan.

Ma kuwii idinka horreeyey oo jidka maray baa wax yeelay?
Ma Reer hebel kaad sheegateen yaa godob hore ka qaba?
Mise martida dul joogta Iyo saboolnimadiisa ayuu ka qiiraysan yahay  oo xil wayn ku noqotay ?

Intaas midna ma waydiin ee waan sugay jawaab tiisa.
Dhulka ayuu xardhay, in muddo ah ayuu gandoodey, hinfaadh Iyo hibasho dabadeed, ayuu Intuu cimaamadiisii dooyaystay indha feeyigo leh Iyo waji cadho ka muuqato Kor u qaaday,  ayuu wuxu yir, “Adeer nin wayn ayaan ahay deexdan aynnu fadhino Iyo degaankan aynu joogno inkasto col Iyo  abaariba soo martay waqtiyo hore, weli kama fogaan waxii duni ka dhacayna waxna da’roon baan ka sheeko qaatay, Waxna anaaba soo joogey. Dadka Soomaaliyeed oo Keenya ku nool waxa jirtay iyagoo ciidan lagu hareereeyey dhaawac Iyo geeri badani dhacday, milic kaliileed la tubay hantidooda Iyo dumarkoodana la xalaashaday. Waxa xilligaa laga joogaa hadda in ku dhow 10 gu’u .”

Indhuhu nala raacay oo na jawaab dhawray Inaan xilliga uu sheegay is la saxnay, guux Iyo faq hoose ka dib waxaannu isku raacnay waa sideetameeyadii waa dhacdadii WANGALA!  Waxyar ayuu aamusay oo haddana hadalkiisii sii watay.  Gebagebadaasi Iyo darxumadaasi waxay socotay waqti todobaad ah ama ku dhow. Dabadeed waxa idaacadda Raadiyo Muqdisho ka hadlay madax Wayne Siyaad Barre

Wuxuu yiri Madaxwaynihii Siyaad, ” dadka Soomaaliyeed oo gacanta naxariista darani ku tacadiyayso dhibaatada waynna lagu hayo, waa waxaanaan eegan doonin.  Dhacdadani waxay caddaysay inay dadkaasi yihiin dad aanay keenya u aqoon qayb bulshadeeda ka mida, hadday sokeeye Iyo dadkoodii u haystaan sidan ulama dhaqmeen. Waajibka Soomaalinimo, ayaa na faraya inaan dawladda soomaaliyeed Waxan sii eegan, go’aan cadna ka qaadato. Haddana waxan leeyahay dawladda Keenyana u sheegayaa, ciidanka Soomaalidu waxay amar ku qabaan inay  heeggan galaan talaabada la gudboob qaadaan, markay amar dambe ka helaan madaxdooda.  Hadii  aanay Keeniya go’aan degdega ka qaadan si dhaqsa ah foolxumada isir sooca ah oo lagu hayo dadka soomaaliyeed, ha ogaadan inaanaan muusanawga ka soo yeedhaya dadkaa aan walaalaha nahay inaanaan dhegaha ka furaysan doonin.”

“Intaa markuu madax waynuhu sheegay galab nimadii waxa na dul maray laba miig oo ah kuwii ciidanka cirka ee Soomaliya.  Maalintii maalintaa xigtayna 10 kii subaxnimo qof xera lagu hayey majirin. Maanta waxaa qulqulaya oo isdaba haya oo raaba raabe ii dhaafaya madaxdii, dhalinyaradii, Iyo bulshadii casiis ka ahayd oo Soomaaliyeed oo gobannimo Iyo sharaf ka soo fara xashay. Waxaan daawanayaa qabkii Iyo isku kalsoonidii qofka Iyo qowmiyadaha Soomaaliyeed, oo Magan, midiidin, Iyo marti aan loo roonayn dunida korkeeda ku noqday. Welee anigu tegey oo waqtigaygii shar Iyo khayr waxaan kala kulmayba soo qaataye naftii iga dambaysaa hawli u taa”, l ayuu ku gebagebeeyay odoroskiisii waayahan cusub, caloolyowgii Iyo cabashadiisii waayeel.

Intaa ka dib wuxuu u dhaqaaqay xagii qoyskiisa si uu ugu hawl galo waxii marti kaga beegnaa hayni waa halkeedee.

Taasi waa xusuus ku soo beegantay maalintii adeer Axmed kasii tiiranyaysnaa, waa goobtii uu Allaya arxamuu khaliif Sh Maxamuud ka yiri, “Gaydhaha ku soo fool le buu galow ka ooyaa”.

Taa haddaan intaa kaga gudbo. Qormadani waa is waydiin maxaa maantana nagala gudboon waxan dhacaya. Marar badan ayay caada u tahay wax ma taransadaha, qayrkii ka hadhaha, Iyo qaybaha bulshada ka mida oo ka gaabiya halganka nolosha loogu jiro, in ay erey liita caadaystaan oo kaga wahsadaan dedaalka, xilka nimadii Iyo xal raadistii u banaanayd, si uu uga baxo culays Iyo cidhiidhka nololeed oo haysta.

Erayga caajiska, wahsadah, iskuma kalsoonaha u caadada ahi wuxu yahay waqtigaa iga hiishay!
Marmar badan ereygani run maaha. Waana arin aan loo baran in nin jilba xidhan guul soconaysaa afka uga soo gasho. Soomaaliduna maah maaho caana ayaa arintaa ka leedahay, oo ay ka mid yihiin, xagla laaban xoolo kuma yimaaddaan, ninkii seexdaa sacii dibi dhalaa, guusha midheheedu geed gaaban kama baxaan Iyo qaar kale oo lamida.

Waxaan caad ku jirin isirka Soomaaliyeed inaanu ka samatabaxayn saxalka Iyo sebenka adag oo ku habsadey  ilaa ay soo noqoto isu damqashadii, isu soo hilowgii, hankii Iyo ficiladii tilmaanta u ahaanjirtay dhiifoonaanta Iyo dhiirida soomaaliga. Iyadoo ay taasi muran ma doonto tahay, ayaa haddana xaalaadka qaarkood oo  ah dhiigbaxa Iyo dhimir doorsanka kataagan maanta Keenya aanay  sugi karin Soomaaliyi ha midiwdo, Iyo Soomaaliyi siyaasad ku sheegeeda cudur kii dawo laawe ku noqday haka heshiiso.

kenya1Waa arrin aan hooyada waxashka Iyo dadqaladu jiidanayaan maanta Iyo saacadda aan ku jiro hiilo u ahayn. in dhaliilaha Iyo kala daadsanaanteenna laga dheregsan yahay waajibka taagan lagaga mashquulo waxay duwaysaa yoolkeenna waajib gudasho.

Adduun waynaha, dad la moodka reer Afrika ee daawanaya waxa ka dhacaya  Nairobi Iyo bulsha waynta isirka Soomaaliyeed oo dunida cidhifyadeeda ku nool uma bannaana in dhibbanaha bahalku jiidanayo lagu eedeeyo maxaad u midoobi waydaydeen xilligan ay dalqada bahalka ku jiraan.

Taasi aniga waxay ila tahay hadal gar ah laakiin aan goobtiisii Iyo goortiisii toonna joogin.

Waxan ku dhiirigelinaya dhalin Iyo waayeel shacabka Soomaaliyeed inay u fiirsadaan masuuliyadda hafriinta ah oo ay sheegtaan ragga  gobolwalba hoganaya oo aan muusanawga dhacaya dhego hooda gelayn, ama reer hebeltoodu ka indhatirtay fool xumo walba oo indho arkaan ama dhega maqlaan.

Waxan mar labaad ku baaqayaa inaynnu u hiilinno hooyada Iyo ubadka Soomaaliyeed oo gacanta naxariista darani ciqaabayso, jidhdilayso, dhaca Iyo kufsiguna joogtada u noqday.
Waxan ku baaqayaa inta Washington DC Soo gaadhikarta in la abaabulo qaylo dhaan dunida dhegteeda gaadha damiirkeedana danaqda.

Waxaan ku baaqayaa mar haddii aan cidda darxumaysaa soomaali isir Iyo goboltoonna u kala aqoon, inay is ka dhigaan muddo 10 beriya  calan beeleedyada ay hulaaban yihiin oo aanay ku asturayn. oo ay dugaagga hilib kooda boobaya si wadajir ah u eegaan.

Aan ku soo ururiyo qormo dhiileeddan, hoga tusaalihii Iyo guubaabadii Xaji Adan Afqalooc
Maalmihii doondoonkii gobanimadii Soomaaliyeed oo aan la calafsan oo curdinnamadii ku siqiirtay:

Abtirsiinyo Reer hebela Iyo
Oday ku faan tuura
Indhahaa isku aragtaan
Cadaawaha iskaga eega
Ha ordinae  xaajada sidii
Aydinta u raaca
Ha ekaaninee talo nikii
Oran kara u dhiibta
Itifaaq ayaa lagu helaa
Lib Iyo iimaane
Ilkuhu wada jirkooday hilbaha
Adag ku gooyaane
Hadday iniba keli taagan tahay
Adhax ma feenteene.

W/Q Xasan M Huruse
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.