Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Ururka suxufiyiinta ee NUSOJ oo soo dhoweeyay go’aanka Garyaqaanka Guud

Muqdishu – Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhoweeyay go’aanka Garyaqaanka Guud ee dalka Dr. Cismaan Cilmi Guuleed kaas oo uu uga hadlayay go’aankii ay maxkamadda sare ee dalka soo saartay ee dhanka ahaa ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU), kuna sheegay xukunkaas mid aan sharciga waafaqsan, kana digay in aan lagu kedsoomin, isagoona ka qaatay Dib u eegis oo uu sharciga u ogol yahay, isagoo u mari doono sifaha sharciga u ogolyahay.

NUSOJGaryaqaanka Guud ee dalka oo dacwadaas ku metelayay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Shaqada iyo Shaqaalaha sheegay in Mowduuca dacwadaasi uu ahaa “FARAGELIN”, sheegayna inay ahayd in xukunku uu ku baxo dhinacyadii dacwaddu ka dhexeysay, balse nasiib darro ku tilmaamay in “xukunkii ku soo baxay labo qeybood oo aan meesha joogin in loo garnaqay. Uuna garaneyn sababta Xafiiska Garyaqaanka Guud loogu yeeray.

“Ururka Saxaafadda waa xirfadley madaxbanaan, haddii la dacweeyana qareen bay qabsanayaan, Xafiiska Garyaqaanka Guudna qareen uma ah.” Ayuu yiri Dr. Cismaan Cilmi Guuleed oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa, isagoo intaa ku daray in dulucda dacwada iyo xukunka aanay is waafaqsaneyn; kuna sababeeyay

1. In marka hore labo kooxood oo aan meesha joogin loo garnaqay, xafiiska garyaqaanka guudna waxa loogu yeeray ma garanayo
2. Qof walba oo muwaadin ah marka la dacweeyo wuxuu xaq u leeyahay in uu is difaaco, kooxdii dacwau ku soo baxday sida xukunka sheegayo wax baa laga xukumay meesha ma joogin, laguma martiqaadin.
3. Haddii dacwadu ku bilaabatay, dacwo maamul ay ka dhexeyso qeyb ka mid ah ururka saxaafada iyo wasaaraqdaha dowladda waxay ahayd in ay ku dhamaato wasaaradaha dowladda. Haddii dacwada dhexdeeda wax kale ka soo baxaan waxay ahayd in in qaabka dacwadda u dhisan tahay in uu isbedelo ayay ahayd, taasna ma dhicin. Sidaasi darteedna ku tilmaamay dacwaddani inaysan waafaqsaneyn sharciga.

Garyaqaanka Guud ee dowladda Dr. Cismaan Cilmi Guuleed ayaa intaa ku daray in dacwaddani ka qaadan doono dib u eegis sida sharciga ogol yahay. Isagoo intaa raaciyay in uu ka codsan doono maxkamadda sare in saddex Garsoore oo cusub lagu qoro, lagana bedelo kuwii dacwada horey u galay sida uu qabo sharciga, maadama aysan sharciga waafaqsaneyn. Si qoraal ahna ay ku weydiisan doonaan maxkamadda Sare ee dalka.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayay la yaab ku noqotay markii ay maqleen in xukunka maxkamada sare oo ururada NUSOJ iyo FESTU aanu qeyb hore uga ahayn, balse xukunka iyaga iyo masuuliyiintooda ku dhacay, taasoo, taasoo Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim ku sheegay go’aan xaqdarro ah oo isaga iyo Ururada uu metelaba xuquuqdoodii dastuuriga ahayd meel uga dhacay.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu u mahadceliyey dhamaan bahda saxaafadda ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee muujiyey midnimada iyo garab istaagga hoggaanka Ururka, waxa uu sidoo kale u mahadceliyey dowlidihii iyo hay’adihii ka dhiidhiyay xukunkaas xaqdarrada, kuna garab istaagay suxufiyiinta Soomaaliyeed sidii ay u heli lahaayen inay helaan xuquuqdooda sharciga ah.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa kula dardaarmay dhamaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta dalka iyo dibadaba inay wadaan dadaalkooda ay kula garab taagnaayeen masuuliyiinta Ururka NUSOJ, Illaa ururka oo metela Suxufiyiinta Soomaaliyeed guud ah uu helayo caddaalad.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.