Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Religion
  • Slideshow

Waa Salafi!

W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad

Waxay ahayd billowgii sannadkii1991kii. Nin qalad sameeyey ayuu la yaabay. Nin kale ayaa ku yiri: qaladku waa ka dhacaye waa nin salafi ah . Intuu si qummaati ah u eegay ayuu yiri:  waar ma ninka beenta sheegayaa Salafi ah?!.

Alle ha u naxariisto ninkii hadalkaan yiri , xilli hore ayuu dhintay.

Dhaqan iyo moodo ayay beryahaan dambe noqotay in lala boxo magacyo waaweyn oo aad u qurxoon, islamarkaasna wixii la doono la walaaqdo iyadoo magacyadii fiicnaa la huwan yahay.

Waa mujaahid naftiisa u hibeeyey Ilaahay oo inuu diinta koryeelo aawadeed uga tagay noloshiisii iyo raaxadiisii, haddana har iyo habeen wuxuu ku mashquulsanyahay sidii uu muslimiinta been-abuur uga samayn lahaa ama isugu diri lahaa ama u cabsi galin lahaa ama u shirqooli lahaa ama u qarxin lahaa ama xoolaha uga baadi lahaa ama u qixin lahaa.

Waa nin islaami ah ama xaraki ah oo u taagan sidii nolosha bulshada loo islaamayn lahaa ama diinta islaamka loogu wada dhaqmi lahaa, loo faafin lahaa, sidii duulaan miskaxdeedka gaalada looga hortagi lahaa iwm, haddana ceebaha bulshadeena haysta la walaaqda, sida qabyaaladda, xoolo boobka , ku dhaqanyarida diinta ee qof ahaaneed iwm.

Waa suufi adduunyada ka haajiray oo cibaado iyo aakhiro  u go’ay , haddana hadba meeshii shilinku jiro ayuu  kaa jiraa

Waa salafi kitaabka iyo sunnada ku dhagan oo dariiqii salafka ku taagan, lana diriraya shirkiga iyo bidcada, isla markaasna hab dhaqankii salafka cilmi ahaan iyo camal ahaanba u qaatay, haddana shaqada ugu caansan ee uu hayo ay tahay durista culimada iyo ducaada aan ururkiisa ahayn, dicaayad, isku dir, been-abuur, kala jabinta safka ducaada, u qareemidda daalimiinta iyo ka hiilinta dulmanayaasha iwm.

Ilaahay wuxuu yiri : ” ليس بأمانيكم ولا أماني أهل الكتاب ” Abaalmarintu kuma dhisna waxyaabaha aad tamaninaysaan idinku iyo waxyaabaha ehlu-kitaabku tamaninayaan midna ee qofkii xumaan sameeya waa lugu abaalmarin … qofkii mu’min ah ee camal wanaagsan sameeyay oo rag ah ama dumar ahna jannada ayuu galayaa ..

Waa hubaal in dadka diinta xambaarsan ee ku baaqaya aysan wada xumayn, dadkuna ay wada gafayaan oo aan qofna macsuum ahayn laakiin mushkiladdu waa in khaladka diinta la cuskiyo oo sax loo badalo ama uu noqdo dhaqan camali ah oo tayaarka ama ururku caadaystay oo aan la isaga naseexaynayn .

Tan kale waxaa xanuun leh in khaladkaagii aad Ilaah iyo rasuul ku nabtid ama aad diinta u tiirisid ama salafkii ku sumadid ama waa jihaad tiraahid; waayo waxay la macne tahay Ilaahay iyo rasuulkaa i amray inaan been-abuur kaa sameeyo ama muslimiinta kala firdhiyo ama dhiigooda xalaashado.

Gabagabadii aynu dib isugu noqono qof qof iyo koox kooxba; si aynu uga dhabayno diinta aynu ku baaqayno, waxa inaga qaldana isaga saxno.

W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.