Friday, June 23, 2017
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

WAR AAN LA HUBSAN, WAA LAGU WAREERAA

W/Q Cabdalla Xaaji Cusmaan

Bishii May ee sannadkii 2000 waxa Jabuuti laga aasaasay shirkad aan iyada oo kale horey Jabuuti looga furin, waa mid hawsha ay qabanayso ku cusub tahay dhaqanka reer Jabuuti iyo Soomaali oo dhanba. Waxa iska leh nin horey askarta uga tirsanaan jirey oo la yidhaa Geeldoon Cumar oo loo yaqaan Saarre. Mar la waraystay ayuu sheegay in shirkaddiisu tahay mid qaabilsan aaska Funeral home) sida waddamada horow maray oo kale, isagoo sii faahfaahinayana waxa uu yidhi, qofka geeryooda ayaan qaadaynaa, waan maydhaynaa oon kanfaynaa, xabaasha annaga ayaa qodayna oo maydkana xabaalayna. Qaraabadiisa iyo asxaabtii uu lahaa salaadda jinaasada iyo aaska ayey ka soo qayb galayaan. Ruux kasta oo dhinta cisbitaalka weyn baan ka soo caddaynaynaa sababtii uu u geeryooday, marka la xabaalayana dawladdaa diiwaan gelin doonta, kharajka ku baxana qaraabadiisaan ka qaadaynaa. Maalintii la daahfuray shirkaddan madax xukuumadda ka socota iyo ganacsato caana baa ka soo qayb gashay iyagoo goobtaa ka caddeeyey in shirkaddan ay taageero buuxda siin doonaan si ay hawshu ugu fududaato, weliba dawladdu hawsha shirkaddani qaban doonto aad bay u guubaabisay.

Hoyga aaska

Warka ku saabsan shirkaddan cusub ee aaska qaabilsan markii warbaahinta dalka laga maqlay amma laga daawaday habeennimadii, ayaa isla maalintii xigtayba waxa magaalada Jabuuti la isla dhex xulay, in shirkaddan cusubi tahay mid rabta inay ka ganacsato xubnaha dadka geeryooda, sida kelyaha, beerka iyo kuwa la midka ah, weliba shirkadda waxa lagu xidhiidhiyey inuu ka dambeeyo mid ka mida ganacsatada caanka ah ee reer Jabuuti. Goobaha dadweynuhu ku kulmaan, sida makhaayadaha, mafrashyada lagu qayilo iyo gaadiidka dadweynuhu raacaan oo dhan baa warkan la isla dhex xulay.

Maalin labaaddii war kale ayaa soo biiray oo odhanaya, cisbitaalka weyn ee Jabuuti ayaa laga dhex sameeyey qol qarsoodi ah oo  maydka lagu qasho. Maalmahaa waxaad moodaysay in warkan ay dabaylo wadaan sida degdegga ah ee uu ugu faafayo magaalada. Maalintii xigtay dhallinyaro cadhaysan ayaa weerar ku qaadday xafiiskii shirkadda cusub ee aaska loo sameeyey. Waxay digada ka dhigeen gaadhi adeegga degdegga qaabilsan ee loo yaqaan (Ambulance) oo shirkaddu lahayd, xafiiskiina dhagxaan bay kala daaleen. Dadweyne kale oo aguugaya una badan dumar aadna u cadhaysan ayaa u tagay ninkii shirkaddan xafiiska ka ijaaray, waxay ugu gooddiyeen inay burburin doonaan hadduu gurigiisa ka saari waayo shirkaddan dad qalatada ah. Maalintii xigtayba shirkaddii waa laga saaray xafiiskii oo qalabkeedii oo dhan dibaddaa loo dhigay. Mulkiilihii shirkadda Geeldoon Cumar dhuumasho ayuu miciin mooday markuu naftiisa u yaabay.

Inkastoo shirkaddii curyaantay oo ay hawada ka baxday haddana isma taagin wararkii sheegayey in dadka la qasho oo xubnaha la gala baxo. Maalin walba waxa magaalada soo gala warar cusub oo sheegaya in dad gawaadhi lagu qaatay oo la waayey. Dadka la qaatay ee la qashay hablo ayey u badan yihiin baa u dambayntii la isla dhex xulay, ilaa ay gabdhihii diideen inay soo baxaan markuu gabbalku dhaco, cabsi daraaddeed.

Iyadoo arrimuhu halkaa marayaan ayaa waxa soo kordhay dhacdo aad iyo aad u yaab badan, oo maxay tahay? Goor subaxa ayaa laba nin oo baabuur wata soo galeen xabaalaha ku yaal kiiloomitirka 12aad ee caasimadda. Labadii nin gaadhigii bay ka soo degeen waxayna bilaabeen inay xabaal qodaan. Waardiyihii xabaalaha baa ka yaabay labadan ruux ee keligood xabaasha qodaya, waayo? Xabaal marka la qodayo dad badan baa iska nasiya oo aaska ka soo qayb qaata. Waardiyihii dhawr nin oo kale ayuu u qaylo dirtay si ay ula arkaan arrintan uu ka yaabban yahay. Wuxuu raggii ku yidhi, labadan nin ee kaligood xabaasha qodaya baan ka shakiyey ee bal ila eega. Labdii nin durba hawshay u socdeen way ka faraxasheen qalabkiina baabuurkii bay ku gurteen, waxayna isku diyaariyeen inay socdaan.

Waardiyihii iyo raggii la socday baa ku soo yaacay oo gaadhigii is hortaagay. Mid baa labadii nin ku qaylyey, Waaryaada ka soo dega gaadhiga; labadii nin way soo degeen iyagoo ka yaabban wajiyada raggan u gooddinaya! Durba si dhakhso ah baa hareeraha looga joogsaday iyadoo lagu qaylyayo, Waar waligayo maannaan arag laba qof oo xabaal qodda e, dhakhso sheega maxaad xabaalayseen? Labdii nin oo cabsi xooglihi ka muuqato ayuu midi u jawaabay raggii, waxaan xabaallay lug q…….Intaasi markay afkiisa ka soo baxday ayuu waardiyihii qaylo ku dhiftay, waar waa raggii la sheegayey ee qabta aan dawladda uu dhiibnee. Labadii nin oo garba duuban baa dibadda loola baxay. Saldhigga booliska ee raggan lagu wadaa xabaalaha aad buu uga fog yahay.

Arrinta cajiibka ku noqotay raggii la wandaafinayey waxay ahayd, intii la sii waday ciddii la kulanta oo dhan waxa lagu yidhaa, waa kuwii dadka qalanayey oo aan ku qabannay iyagoo xabaalaya hilbo dad. Boqollaal qof oo ah dadkii degganaa xaafadda Kiilooga 12aad iyo qaar kale oo waddada kula kulmay baa soo daba aguugay tan iyo intii lagu hubsanayey saldhigga 4aad ee booliska Balbala. Waardiyihii baa u warramay sarkaalkii madaxa ka ahaa saldhigga, wuxu yidhi isagoo aad mooddo inuu soo qabtay shabeel, labadan nin oo keliya baa saaka yimid xabaalaha, waxay xabaaleen xubno dad, weliba waxaan ka yaabnayn oo ay afka ku ballaadhiyeen inay lugo dad aasayeen; waa kuwane bal waraysta, cajiib! Waa kuwii dadka qalanayey ee beryahanba magaaladu warkooda haysay ee ummadda ha laga qabto. Dabadeed arrintii booliska ayaa si deggan ula wareegay.

Maalmihii hore iyadoo cidba la qaban ayaa ku-tidhi-ku-teentu si dhib yar u maaxaysay magaalada, maxaad u malayn maanta oo dad la qabtay? Daqiiqado yar kadib, waxa saldhiggii booliska ku soo xoomay kumanyaal reer Balbala ah oo raba inay arkaan dad qalatada la qabtay. Saacad dabadeed warku gees walba oo magaalada ah uu gaadhay. Waxa la iskugu bishaaraynayaa in la  qabtay kuwii xubnaha dadka ka ganacsanayey beryahan dambe oo dhan.

Labadii nin booliskaa waraystay oo su’aalo weydiiyey, wixii aad xabaalayseen muxuu ahaa? Mid baa booliskii u jawaabay oo yidhi, islaan hooyaday ah oo xanuunka macaanka qabta ayaa lug nabar ka gaadhay, markay bogsan weyday buu dhakhtarku lugtii ka gooyay, waa lugtaa waxaan xabaallay. Waxa uu intaa raaciyey cisbitaalka, qolka ay ku jirto iyo sariirta ay jiifto. Laba sarkaal oo booliska ka tirsan baa cisbitaalka weyn ee islaantu ku jirto loo diray. Labadii sarkaal waxay soo xaqiijiyeen warkii ay sheegeen labada nin ee la soo xidhay. Dabadeed boolisku, war loogu tala galay warbaahinta oo runta ka sheegaya wixii dhacay ayey u gudbiyeen radiyoga iyo TV Jabuuti ee (R.T.D.) Saddexdii galabnimo ayaa si rasmiya warkii boolisku soo saareen looga sii daayey raadiyooga Jabuuti. Saacaddaa warku ka socday raadiyooga qaar baa weli ku sii socday saldhigga booliska si ay u soo arkaan dad qalatada la qabtay.

Maalintaas warka rasmiga ah la sii daayey baa ugu dambaysay oo ay dhammaadeen warar la isla dhex qaado oo been abuura. Dhacdadan qoraalkeeda waxa xilligan ii geeyey inaan qalinka u qaato waa in lagu cibaaro qaato, waayo? Beryahan oo dhan waxa jiray warar kuwaas oo kale ah oo dhawaanahan jaahwareer ku riday shacabka Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Burco. U dambayn aan ku soo xidho qoraalkan maahmaahdii ahayd “ La Yidhi iyo Laye, La Waa Bay Dhashaa’’.

Cabdalla Xaaji Cusmaan
Email: cabdalla_xaaj@yahoo.fr


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved