Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

War Murtiyeed: Kulanka Wadatashiga Madaxda Qaran iyo Madaxda Dowlado Goboleedyada

War Murtiyeed

Muqdishu- Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlado Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xashi Cabdi.

Kulanka Wadatashiga

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray abaaraha ka taagan dalka, dib u habaynta hannaanka guud ee heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga Qaranka, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah iyo dhammaan ururrada aragagixisada caalamiga ah. Waxaa kale oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlado Goboleedyada.

1. Madaxda ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan.

2. Madaxdu waxa ay bogaadiyeen dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba iyo beesha caalamkuba.

3. Madaxdu waxa ay garwaaqsatay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, waxaana la isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday.

4. Madaxdu waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlado Goboleedyada.

5. Madaxdu, iyaga oo tixgalinaya xasilloonida dalka iyo mabda’a dib-u-heshiisiinta, waxa ay dhiirrigelinayaan wadahadalka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Ahlu-sunna-Waljamaaca.

6. Madaxdu waxa ay isku raaceen siyaasadda amniga qaranka iyo hannaanka loo marayo hirgelintiisa, taasoo ay garwadeen ka noqonayaan Golaha Amniga Qaranka.

7. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

8. Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlado-goboleedyada.

9. Madaxdu waxa ay isla garteen in si degdeg ah loo sameeyo qorshe hawgal ciidan oo midaysan, kaasoo lagu furayo waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dalka iyo xaqiijinta gaarsiinta gaargaarka dadka abaaraha la tabaalaysan.

10. Madaxdu waxa ay isla garteen in si dhakhso ah loo bilaabo, loona dardargeliyo qorshaha hannaanka geeddi-socodka doorashada 2020ka.

11. Madaxdu waxa ay isku raaceen in kor loo qaado koboca dhaqaalaha, dakhliga, Shaqa abuurka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo ganacsiga iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

12. Madaxdu waxaa kale oo ay isku raaceen in muhiimad gaar ah la siiyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyada oo loo adeegsanayo habab casri ah oo lagu cirib tirayo.

13. Madaxdu waxa ay soo dhaweeyeen qorshaha horumarinta qaran (NDP) iyo mudnaantiisa, waxayse isku raaceen in la sameeyo tiro koobka dhabta ah. Waxaa kale oo la isla gartay heshiisyada iskaashiga cusub (New Partnership Agreement).

14. Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso.

15. Ugu dambayn, waxa ay madaxdu uga mahadcelinaysaa beesha caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay umadda Soomaaliyeed.

Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan la xiriir

Xafiiska Agaasimaha Warfaafinta ee
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.