Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

War – Murtiyeed: Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)

Doorashada 2016

madasha1
Shirkii Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka

Muqdishu, Agoosto 7, 2016-  Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 02 – 08 Agoosto 2016ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Kulankani wuxuu daba socday kulankii madasha ee lagu qabtay magaalada Baydhabo 22-25 June, kaasoo lagu gaaray go’aamo khuseeya doorashada 2016ka.

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka.

  1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka bilaabanta maalinta xilka loo dhaariyey, maankana ku haya in duruufaha jira awgeed ayan suuragal ahayn in doorasho la qabto inta ka harsan muddada xilheynta ee laamaha dawladda ee hadda jira (Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha). Madashu waxa ay tixgeliyeen in ay lagama-maarmaan tahay in muddada gaaban ee kala guurka ah looga gudbo si huwan nabaadiino iyo xasillooni, aysan dhicin firaaq hay’adeed ku yimaada jiritaanka laamaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka. Madashu waxay guddoomisay in laga billaabo taariikhda ay ku dhammaaneyso muddada xil-heynta laamaha dawladda, ay xilka u sii hayn doonaan ilaa iyo inta natiijada cusub ee doorashada ee laamaha dastuuriga ah lagu dhawaaqo, sida ku cad jadwelka ay soo saareen (GFHDD).

  1. Dhammeystirka Dib-u-Eegista Dastuurka

Madashu waxaa ay si wadjir ah u bogaadinayaan Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka federaalka, Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista dastuurka iyo Wasaaradda dastuurka shaqada wanaagsan ee ka soo qabteen dib u eegista dastuurka , waxa ay soo jeedineysaa in ay lagama-maarmaan tahay in howlaha dib-u-eegista dastuurka ee qabyada ah uu dhameystiro Baarlamaanka 10naad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhawaan la dooran doono, isla markaana uu tixgelin iyo mudnaanta koowaadba siiyo Qaraarka iyo lifaaqyada uu Baarlamaanka 9aad ku ansaxiyey kalfadhigiisa 8aad ee 2016.

Halkan ka akhri dokumentiga oo dhanWar – Murtiyeed: Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.