Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Warar

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY DALADDA GUUD EE KHAATUMO DIASPORA ORGANISATION (KDO)

Ku: Bulshada reer Khaatumo
Ku: Bulshada reer Somaliland
Og: Maamulka Puntland
Og: Dawladda Federaalka Soomaaliya

Taariikhda: 25 Juun 2017

Kadib markii Jaalliyada guud ee Khaatumo Diaspora Organization (KDO) wadatashi la yeelatay maamulka Khaatumo State maanta oo ay bishu tahay
24 Juun 2017 waxay go’aan ku gaadheen inay si buuxda u taageeraan heshiiskii hordhaca ahaa ee maamulka Khaatumo State iyo Somaliland ku kala saxeexdeen magaalada Hargeysa 17 Juun 2017. Heshiiskani wuxuu ka turjumayaa baahida loo qabo in nabad iyo xasilooni waarta laga dhaliyo gobolada waqooyiga Soomaaliya ee la isku odhan jirey (British Somaliland Protectorate) bulshada goboladaas ku dhaqana ee ood wadaagta ah loogu horseedo horumar iyo wax wada qabsi.

Haddaba Dhammaan Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay halkan idiinku soo gudbinayaan war saxaafadeedkan:

1. Maadaama Federalka Soomaaliya uu ku kooban yahay Koonfurta Soomaaliya oo keliya, Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay hoosta ka xariiqayaan in maamulka Khaatumo uu yahay maamul ka mid ah maamulada ka jira Waqooyiga Somaliya uuna diyaar u yahay inuu qaab Federal ah wax kula qeybsado maamulka Somaliland.

2. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay si buuxda u taageerayaan dadaalka socda ee lagu midaynayo maamulka Khaatumo State iyo Somaliland, iyo heshiiskii hordhaca ahaa ee lagu gaaray magaalada Hargeysa 17 Juun 2017.

3. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay taageerayaan shirka wadatashiga ee maamulka Khaatumo iyo Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka dhaco magaalada Burco 10 Luulyo 2017.

4. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan bulshada reer Khaatumo inay maanta isku tashadaan oo Isim, aqoon yahan iyo shicib is garab taagaan maamulka keliya ee ay leeyihiin ee Khaatumo State, qof kastaana ka qeyb-qaato sidii loogu diyaar garoobi lahaa, loogana midho dhalin lahaa wada hadalka Khaatumo State kula jirto maamulka Somaliland.

Hogaanka Jaaliyadaha Khaatumo Diaspora Organisation (KDO)

5. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan maamulka Puntland inuu ka waantoobo oo si dhakhso leh u joojiyo faragelinta iyo hagardaamada uu ku hayo maamulku Khaatumo.

6. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay ugu baaqayaan dawlada Dhexe ee Soomaaliya inay taageerto midnimada waqooyiga Soomaaliya, kana digtoonaadaan inay Puntland garab ku siiso hagardaamada iyo carqalada ay ku wado bulshada iyo maamulka Khaatumo.

7. Jaalliyadaha Khaatumo Diaspora waxay soo dhaweynayaan inay walaalahooda Jaalliyadaha Somaliland Diaspora ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa dadaalka ay wadaan Khaatumo iyo Somaliland kaas oo ay ku doonayaan inay dhidibada ugu taagaan dowlad federal ah oo ay ku midoobayaan gobolada Waqooyi taas oo bulshada u horseedi doonta walaalnimo, horumar, wax wadaqabsi iyo hanaan reer Waqooyinimo.

Hogaanka sare ee Jaaliyadaha Khaatumo Diaspora Organization (KDO)

——————————————- Wabillaahi Tawdiiq ——————————————-

Waxaa warmurtiyeedkan si wadajir ah u saxeexay golaha Fulinta iyo golaha Sare ee Khaatumo Diaspora Organization (KDO):

Gudidda Fulinta KDO

  1. 1-  Eng Mohamed Jebril
  2. 2-  Amiir Ahmed Jama Gabalaax
  3. 3-  Abdirisaq Tallman.

Gudidda Sare ee KDO (Board)

  1. 1-  Mohamed Bulaale
  2. 2-  Abdikadir Aidid
  3. 3-  Mohamed Jebril
  4. 4-  Rashid Hambuuse
  5. 5-  Farah Jibaar
  6. 6-  Ubah Olol
  7. 7-  Kinsi abdi
  8. 8-  Abdi Issa
  9. 9-  Abdiqani Dabayl
  10. 10-  Abdalla Shafay

Hoggaanka Jaaliyadaha Khaatumo Diaspora Organisation (KDO)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.