Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Radio Wardheer
  • Slideshow
  • Warar

Wararkii ugu Dambeeyay Qaraxii Maanta ka dhacay Muqdisho

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa galinkii danbe ee maanta  ka dhacay maqaayad ku taal xerada Sheelare oo ka soo horjeedda Soomaali Fruit oo u dhow dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Inta la shaaciyay 8 Qof ayaa ku dhimatay oo ay ku jiraan Hooyo iyo wiilkeeda, 6 kalena way ku dhaawacmeen, Qaraxa ka dhacay derbiga Ddekada Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay isku bedeshay buuq iyo sawaxan, waxaana goobta soo buux dhaafiyay shacab fara badan kuwaasi oo eheladooda ku tuhmayay in ay ku jiraan dadka goobtaasi ay waxyeeladu ka soo gaartay.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydadka iyo dadkii ku dhaawacmay Qaraxan.

Ciidanka ammaanka oo gobtaasi tagay ayaa xannibay socodka dadka iyo gadiidka nawaaxiga maqaayadda uu qaraxa ka,dhacay iyaga oo dadka ku amrayay in ay ka fogaadaan goobta.

Dhanka kale Shabaab ayaa lagu edeeyay in ay ka danbeyeen weerarkii casar liqii ka dhacay nawaaxiga dakadda Muqdisho,

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.