Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • InterView
  • Maqaallo
  • Slideshow

Waraysi: Xuseen Cabdi Xalane (Xalane)

Odhaahda Tifaftirka: Waxaa noo suurta gashay in aan waraysi taabanaya dhinacyo badan oo Suugaanta ah in aanu la yeelano Mudane Xuseen Cabdi Xalane, oo ah Abwaan gabayaa ah, si aad ah-na loogu qadariyo Suugaanta Soomaalida. Abwaan Xalane waxa uu in badan ka soo shaqeeyay ha’addaha samafalka. Waxa kale oo uu Xalane horey u noqday Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya wakhtigii KMG  ee sanadkii 2010 iyo ka gadaal DFS ee  sanadkii 2014. Waraysiga waxa u qaaday WardheerNews Cabdikariim C/raxmaan X. Xasan.
_________________

WardheerNews (WDN): Md. Xuseen Cabdi Xalane:, marka hore ku soo dhawow WardheerNews, marka xiga inta aanaanu u gelin waraysiga, maadaama aad in badan ku soo dhex jirtay howlaha samafalka, gurmadka iyo taakuleynta danyarta, kana soo shaqaysay ha’addo caalami, mas’uulna ka soo noqotay, maxaad nooga sheegi kartaa abaarta ka jirta guud ahaan Bariga Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya iyo sidii looga hor tegi lahaa mustaqalka?

Xuseen Cabdi Xalane (Xalane)

Xuseen Cabdi Xalane (Xalane):  Marka hore Cabdikariim waxaan halkan salaan qiimo badan uga gudbinayaa bahda tifaftirka wardheerNews, sida wacan  ee aad iskugu taxalujisaan haqabtirka  dhinaca Suugaanta, fikradaha iyo wararka guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Haddii aan u soo noqdo su’aasha Abaarta, runtii Abaaro badan oo magacyo la baxay baa soo maray Soomaalida, laakiin middan hadda ka taagan ama ku habsatay guud ahaan Bariga Afrika, Yemen iyo Nayjeeriya iyo gaar ahaan Soomaaliya, waxay ku soo aaddey xilli xun oo dalku kala qaybsan yahay oo ayan jirin hal dawlad ah oo gacanta ku wada haysa dalka. Tani waxay keentay in uu adkaado isku socodka gaadiidka iyo dadka, laakiin isgaarsiin xagga sancadaha oo cusub baa jirta oo durba wararka la isugu tabiyo, oo goobtii aad u liidata la ogaan karo si loo taakuleeyo ama gargaar loola gaadho. Xooluhu si aad ah bay u leedeen, dad baddanna waxay u dhinteen sababo Abaarta la xidhiidha. U diyaargarowga Abaarta ee Samafalka caalamiga ahna wuu liitay.

Hase yeeshee dadka Soomaalidu way isku gurmadeen inta tabartood ah gudo iyo dibadba, taasna ilaa xad waxbay badbaadisey.

WDN: Waxaad tahay gabayaa lagu qadariyo dhinaca suugaanta iyo taariikhda gabayada, bal si kooban noogu guud mar taariikhdaada dhinaca suugaanta, gabayadii ugu horeeyay ee aad tirisay iyo duruufaha aad ka tirisay, tix-na nooga sheeg gabayadaasi?

Xalane: Ba’yadi aan ku soo korey Gabaygu wuxuu ahaa xirfad miisaan leh aadna loo qiimeeyo. Anoo aad u yar baan gabayga bilaabay, hase yeeshee Aabahay Cabdi Xalane (Alle naxariistii jano haka waraabiyee) ma jecleysan isagoo iiga baqay il dad iyo inuu dakano ii keeno. Si kastaba ha ahaatee Misanaha Dhaantada inta badan gabdhaha lagu raajiciyo ayaan bilaabay anoo aad u yar. Gabayadii aan yaraanti tiriyey lume, oo anigu ma hayo laakiin gobolada Bakool, Shabeelle iyo Afdheer haddii laga raadiyo waa la heli karaa. Waxaan xusuustaa dhawr bayd ka xusuustaa gabay aan tiriyey doorashadi 1968 oo adeerkey Cilmooge Jacuur u tartamayey, waxaana ka tirshay Qudhac-joome oo ka trisan Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool. Waaxana ka mid ahaa:

Dalkoo idil durbaankiyo waxaa laysku dabayaaci
Waa darajo doon uumiyuhu deyr la joogaba e
Aniguna dadaalkiyo waxaan xoogga ugu duubtey
Doorashada Cilmoogaan rabaa maanta dibitaade

Si kastaba ha ahaatee markaan ka imid deegaanki reerkayaga, ayaan dib u billaabay gabayadi oo qaar badan hadda la daabacay.

WDN: Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, waxa jira in Suugaanta iyo guud ahaan Afka Soomaaligu uu aad u wiiqmay, iyada oo dhalinta hadda ku barbaartay burburkaasi Qurbojoog iyo Dal joog-ba uu Afka Soomaaligu ku liito, maxaad ka odhan laheyd xaaladda guud ee dhinaca Suugaanta iyo Afka Soomaaliga ee jiika hadda soo kacay iyo guud ahaan Soomaalida maanta ?

Xalane: Waa muran ma doonto in Af Soomaaliga oo ah aqoonsiga dhabta ah ee yaa Soomaali ah uu qar ka laadlaado. Hadalkaa ahaa Tix iyo Tiraab, wuxuu noqdey Tabaqle iyo isku tuurtuur. Hase yeeshee waxaa la qorey buugaag badan oo Suugaanta ah. Waxaa kaloo samaysmay websiteyo qabiilaysan laakiin lagu keydiyo gabayo badan. Marka laga yaabo in Suugaanta siiba gabaygu in muddo ah sii wiswisleeyo, haddana caqligii iyo xigmaddii odayaasha wuu dabargo’ayaa. Taasaa ka dhigeysa websiteyada koboca ah sida Wardheernews inay xoog saaraan ururinta iyo kaydinta murti Soomaaliyeedka: – Maanso iyo Maahmaahba.

WDN: Waxaya jirta in aad qortay dhowr buuug oo ka hadlaya Suugaanta Soomaalida, gaar ahaan gabayada, bal si kooban noogu guud mar buugaag-taasi nuxurka ay xambaarsan yihiin iyo sababaha aad uga gol laheyd qoristooda? 

Xalane:  Buugga 1aad: Far-Guri: 2003; Gundhaca gabayga: Guddoonka, Geela, Gulufka, Gabadha

Waxaan ugu talagalay inuu hordhac mug leh u noqodo fahamka hab-dhaqanka Soomaalida anigoo adeegsanaya Gabayga oo aan odhan karo inuu yahay daaqad laga gali karo raadinta taariikhda Soomaalida. Buuggan aad baa loo buunbuuniyey siiba ardayda iyo dadkii akhriyeyba.

Fadlan halkan ka akhriso warayisga oo dhan: Waraysi Abwaan Xalane- WardheerNews

WardheerNews
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.