Wednesday, May 24, 2017
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Warbixinta Machadka CDRC-Itoobiya iyo Doorashada Soomaaliya

W/Q Jibriil Sheekh Cali Aw Maxamed

Machadka CDRC ee dalka Itoobiya ayaa soo saaray warbixin dheer oo lagu falanqeeyay arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada Soomaaliya. Qoraalka oo u badnaa dacaayad ayaa ujeeddadiisu ahayd in la qaso hoosna loo dhigo heerka fekerka dadka Soomaaliyeed si qabyaaladdu saamayn weyn ugu yeelato natiijada doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, loona xoojiyo danta Itoobiya ee ah kala qoqobka Soomaaliya.

Haddaba, si dadka Soomaaliyeed u fahmaan, ugana gaashaantaan dibindaabyada iyo dabinnada loo dhigayo, waxaan halkan ku soo bandhigayaa dhowr qodob oo ka mid ah warbixinta oo cinwaankeedu ahaa “buuqa hareeyay kala-guurka Soomaaliya.”

1-Buunbuuninta Qabyaaladda:

Warbixinta waxaa laf dhabar u ah buunbuuninta sida qabyaaladdu lama huraan u tahay iyo weliba sida nidaamka 4.5 aysan Soomaaliya uga maarmi karin.  Hannaanka 4.5 ayaa lagu sheegay in uu yahay “qaacidada keliya ee keeni karta caddaalad iyo dowlad xalaal ah oo shacabka Soomaaliyeed aqbali karaan.” Waxaa warbixintu leedahay:

“Dadka Soomaaliyeed way il-baxeen waxayna barteen nidaam caddaalad ah oo ay siyaasadda si xirfadaysan ugu dhistaan.  Taas awgeed, isku day walba oo beesha caalamku ku doonayso in ay Soomaaliya ka hirgeliso dowladnimo ku dhisan nidaam aan qabiil ahayn wuu fashilmayaa. Dadka ku haminaya nidaam kale waa kuwo Soomaalida ka aamminsan in ay gaari karto heerka ay joogto mid ka wanaagsan. Haddii nidaamkan ka hirgalay heer qaran loo daadejiyo heer maamul goboleed, Soomaaliya waxay guulo la taaban karo ka gaaraysaa dedaalka ay ugu jirto dimuqraadiyadda iyo isbaddelka, arrintaasna waxay faa’iido wanaagsan u tahay horumarka dalalka deriska la ah.”

Ujeeddada ugu weyn ee warbixinta loo qoray akhristoow waa:

I-In muwaaddinka/xildhibaanka Soomaaliyeed laga soo dejiyo in uu u fekero Soomaalinimo iyo badbaadinta qaranka laguna khasbo in uu u fekero qabyaalad. Marka aad eegto sida warbixinta ka dib ay dadka qaar uga hadlayaan in beeshooda xukun loo diiddanyahay iyo in beeshooda lala rabo, waxaad mooddaa in hankeenna si dhaqso leh loo jebin karo.

II-In beesha caalamka iyo Soomaalidaba laga dhaadhiciyo in aan laga maarmi karin qabyaaladda iyo dowlad 4.5 ku dhisan. Arrintan waxaa loogu duur xulayaa dowlado uu Maraykanku ka mid yahay oo sheegay in ay Soomaaliya kala shaqayn doonaan in muwaaddin walba codkiisa dhiibto afar sano ka dib.

III- In la xaqiijiyo kala qoqobnaanta Soomaaliya oo weliba loo sii dejiyo heer walba iyada oo la adeegsanayo falsafadda ah been fakatay runi ma gaarto.

IV- In xuquuqda qabiilka laga hormariyo tan muwaaddinka si loo waayo wax walba oo Soomaali ka dhexeeya. Baarlamaanka, madaxweynaha, caasimadda, iyo guud ahaan kaabayaasha dalka ayaa loo sawiray in ay yihiin hanti qabiil si qabilka kale looga horkeeno hadba ciddii maamulka haysa.

2- Dacaayadaynta Baarlamaanka:

Warbixinta ayaa bogga ugu horreeyaba ku sheegtay in dhibaato weyn ay ka soo socoto baarlamaanka Soomaaliya oo sida ay warbixintu u dhigtay:

“intiisa badan ka kooban siyaasiyiin dhalliyaro ah oo xiriir la leh qurbejoogta, wasiirro ku xiran Damul Jadiid (Dhiigga Cusub) oo ka cabsi qaba in ay xilalka waayaan, iyo kuwo u danaaniya al Shabaab iyo kooxo kale. Isbahaysiyo is badbaddelaya oo u dhexeeya calmaaniyiinta iyo xildhibaannada diintu waddo, xildhibaannada qaniga ah iyo kuwa aan lacag haysan, ururrada diinta sida (Salafiyiinta, Suufiyiinta, iyo Wahaabiyiinta, “Islaaxa isbaddel doonka ah iyo Dam Jadiid” iyo Ictisaamka xag-jirka ah) iyo kuwo kale ayaa la filayaa in ay fadhiyada baarlamaanku ka shidaal qaataan mustaqbalka dhow.”

Sida cad, waxay warbixintu isku dayaysaa in ay sumcad disho golaha sharci dejinta Soomaaliyeed si rajada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamku ka qabaan dowladnimo Soomaaliyeed loo baabi’iyo.  Waxaa muuqata in Itoobiya ku guul darraysatay in ay saamayn muuqata ku yeelato baarlamaanka cusub sidaas awgeedna ay raadinayso hab ay ku maja-xaabiso hay’addan cusub inta aanay wax shaqo ah qabanba. Mar haddii hay’adihii sharci-dejinta Soomaaliya ay argagixiso qabsatay, waa in la helo cid kale oo la dagaallami karta argagixisada fahmina karta khatarta ka soo socota baarlamaanka ciddaasina waa Itoobiya.

3- Af-lagaaddada Caasimadda Soomaaliya Muqdisho:

Magaalada Muqdishu, caasimadda Soomaaliya ayay warbixintu ka tiri:

Waxaa muhiim ah in la fahmo dareenka ka jira Muqdisho ee ah in dadka aan u dhalan beesha Hawiye ay Muqdisho ku yihiin marti.”

Muqdisho waa caasimadda ummadda Soomaaliyeed. Waa magaalada keliya ee laga heli karo Soomaali ka kala timid Lawyacaddo, Raaskambooni, Wajeer, Dhagaxbuur, Negeyle, Ceerigaabo, Obokh, Herer iyo inta u dhexeysa.  In kastoo ay dhibaato badan oo dagaal beeleedyo ah ay ka soo kabanayso, haddana maanta waa magaalada ugu qabyaaladda yar Soomaaliya. Ma jiro qof Soomaaliyeed oo qabyaalad loogu dilo ama loogu ugaarsado Muqdisho.  Qofkii Muqdisho u aamminsan magaalo beeleed oo sidaas dad Soomaaliyeed ku fogeeya, ama isaguba uga fogaada, waa qof ay maskaxda ka haysato afkaarta Xabashidu. Muqdisho waa caasimadda Soomaali weyn, danta Itoobiyana waxay ku jirtaa in qolo is lahaysiiso qolooyin kalana ka caraysnaadaan. Waa in aan wax ka barano qaabka cadowgeennu u fekerayo oo aan danteenna iyo qarannimadeenna ka hormarinno arrimaha qabyaaladda ee gacmaha inaga xiray.

4- Awoodda al Shabaab iyo faham darrada beesha caalamka:

Warbixinta ayaa aad loogu buunbuuninayaa awoodda al Shabaab:

Al Shabaab waxay u noqotay asalkeedii ahaa in ay si qarsoodi ah falal argagixiso u fuliso. Marka la eego duruufta ka jirta Soomaaliya, iyo in al Shabaab ay hawlgalladeeda ku diyaarsato meelo aan la aqoon, waxaa muuqata in al Shabaab ay ku guulaysatay samaysiga dakhli ballaaran iyo awood buuxda oo ay ku fuliso hawlgallada ka dhanka ah ciidammada dowladda iyo AMISOM. Sidaas awgeed, dagaalka al Shabaab wuxuu galay weji cusub, oo ay lama huraan tahay in sirdoonka dalalka ku lugta leh Soomaaliya ay kaalin buuxda qaataan. Sidaas awgeed, dagaalku waa in uu ku salaysnaado awoodda sirdoonka ee lagula socon karo hab maamulka, hantida iyo abaabulka kooxda argagixisada ah.”

Halkan, waxay Itoobiya sheeganaysaa in ay si buuxda uga dheregsan tahay xaaladda amni ee Soomaaliya xalkuna gacanteeda ku jiro balse beesha caalamku ay la garan la’dahay arrintaas. Warbixinta oo arrintaas falanqaynaysa waxay leedahay:

Beesha caalamku waxay rabtaa in lagala tashado dhaqdhaqaaqyada, joogitaanka, iyo ujeeddada ciidanka Itoobiya ay ka rabaan Soomaaliya, halka dowladda Itoobiya mowqifkeedu yahay in joogintaankeeda iyo hawlgalladeeda Soomaaliya ay ku salaysan yihiin oggolaanshaha madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Xalku, sidaas awgeed, sida warbixintu sheegtay, waa in Soomaaliya laga hawlgeliyo ciidan sirdoonka Itoobiya ah oo ka awood badan AMISOM iyo ciidammo aan beesha caalamku ogeyn oo Itoobiya ka socda si looga adkaado al Shabaab.  Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Itoobiya waxay u soo jeedisay beesha caalamka in taageero lagu siiyo in 2000 oo askari ay geyso magaalada Muqdisho iyada oo ku salaynaysa taladaas in ay soo jeediyeen madaxda dowladda Federaalka inta la dhisayo ciidan qaran. Beesha caalamka oo arrintaas ku gacan sayrtay ayay Itoobiya qaybtan ku canaananaysaa.

Haddaba maxaa nala gudboon?

1-Xildhibaannada cusub waa in ay ogaadaan in ay kala dooranayaan rajada shacabka Soomaaliyeed iyo rabitaanka cadowga Soomaaliya. Haddii doorashada foodda nagu soo haysa ay doortaan madax ay ku soo xusheen laaluush, qabyaalad, iyo dal hebel baa wata, ha ogaadaan aakhiro iyo adduunba inay khasaareen. Rajada ugu badan waxay shacabku ka qabaan haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ku soo biirtay baarlamaanka iyo waddaniyiintii hore uga tirsanaa golaha shacabka. Xildhibaannadu ha u codeeyeen musharraxii ay ku qancaan barnaamijkiisa iyo hoggaankiisa sida Allaah ku ogyahay. Laaluushka, qabyaaladda iyo damaca xun ee Itoobiya iyo Kenya ha laga dhigo ciyi waa ka beryay qofkii cunay baa ka liita.

2-Shacabka Soomaaliyeed waa in ay ka digtoonaadaan dabinka cadowga iyo qoriga dabka leh ee lagula dhex wareegayo wixii ummadda Soomaaliyeed ka dhexeeyay. Waa in aan aragno in ay jiraan dowlado noo qaba cadaawad ka badan tartanka qabiilka ku salaysan. Innaga teennu waa waxa afka qalaad lagu yiraahdo ‘sibling rivalry’ ama walaalo murankood. Waa in murankaas hoose uusan naga qarin sida foosha xun ee dad aan ka fiican nahay dhan walba oo la eego ay u doonayaan in dalkeenna cagta ugu saaraan waddo qodxo badan si ay noogu kala gar qaadaan. Qof walbow la hadal xildhibaankaaga kuna adkee horumarinta danta guud iyo diidmada laaluushka iyo qabyaaladda waxna ka baro sida cadowgu doonayo in aynu u kala fogaanno.

3-Soomaalida qurbaha waxaa muuqata in cadowgu cabsi gaar ah ka qabo. Waa in aan la soconno dhibaatooyinka loo geysanayo qarannimada Soomaaliya oo aan u ololeyno sidii wax looga baddeli lahaa.

Soomaaliya oo wanaagsanaata ayaa dan u ah beel walba iyo qof walba oo Soomaali ah. Aynu wadajir uga shaqayno dib-u-dhiska dowladnimadeenna iyo hanashada qarannimadeenna baylahda ah. Fahamka dabinnada cadowgu waa in ay noo horseedaan in aan ka shaqayno midnimo iyo difaaca qarannimadii ay u dhinteen Axmed Gurey, Sayid Maxamed, Xaawo Taako, Dhagaxtuur, Maxamed Cabdulle Xalane iyo kumanyaal halyey oo kale. Haddii taas aan diidno, cadwgeennu waa siduu rabay, xaalkeennuna wuxuu sii ahaanayaa dawarsato dariiqay ku collowdaa.

Jibriil Sheekh Cali Aw Maxamed
——
Jibriil Sheekh Cali Aw Maxamed waa bare sare oo ka tirsan waaxda culuumta Afrika ee Jaamacadda Ohio State University. Waxaa lagala xiriiri karaa Mohamed.196@osu.edu.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2017 WardheerNews, All rights reserved