Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Camels and Poets
  • History
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Talk of the town

Wareysi: Dr. Georgi Kapchits

Odhaahda Tifaftirka: Waxaanu akhristayaasha WardheerNews la wadaagaynaa waraysi xiise badan oo aanu la yeelanay Dr. Georgi Kapchits oo ah khabiir aad isugu taxalujiya ururinta iyo baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu ka waramayaa suugaanta iyo maahamaahyada Soomaalida iyo barashadiisii Afka Soomaaliga. Waraysigani waxa uu horey ugu soo baxay WardheerNews bishii Janaayo sandkii 2006. Waraysigan waxa u qaaday WardheerNews Khaliil C/raxmaan X. Xasan.

_________________

Waxaa jirta maahmaah tidhaahda “waayeel afkaaga fur, ilkahaaga aan tiriyee lama yidhaahdo”. Kaftan weeye nin furfuran baan ahay. Dr. Georgi Kapchits

Dr. Georgi Kapchits waxaa uu ka mid yahay aqoonyhanada sida gaarka ah isugu taxalujiya ururinta iyo baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee Radiyo Moosko, isagoo isla markaana Luqadda Soomaaliga ka dhigi jiray Jaamacado ku yaal magaalada Moosko.

Aqoonyahanku waxaa uu qoray buugaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaalida. Waxuu shahaadada sare ee Ph.D ku diyaariayay naxwaha Afka Soomaaliga. Dr. Kapchits waxaa kale oo uu aqoon durugsan u leeyahay Afka Amxaariga. Waa xaas waxaanu leeyahay laba gabdhood iyo seddex carruur ah oo ay sii dhaleen.

Haddaba waxa uu Dr. Georgi Kapchits dhawaan soo saaray buug cusub oo ku saabsan sheeko xariirta Soomaaliyeed oo uu ugu magacdaray Faaliyihihii la bilkayday.

Waxa hadaba shabakadda WardheerNews u suuro gashay in ay aqoonyahanka wax ka weyddiiso taariikhdiisa iyo waxqabadkiisa. Waraysigaas oo uu qaadday Ismaaciil C. Xasan (Khaliil) waxa uu u dhacay sidan:

WardheerNews (WDN): Dr. Kapchits marka hore waad salaaman tahay. Marka xiga waxaanu kaaga mahad celinaynaa fursadda aad noo siisay inaanu wareysigan kaa qaadno, kuna soo dhawaw WardheerNews.com

Dr. Kapchits: Idinkaa mudan. Inkastoo la yidhi ‘Af daboolani waa dahab’, haddana waxaa jira maahmaaho kale oo ii toosinaya wareysigan. Waxa ka mid ah ‘Nin aan hadlin, habartiina wax ma siiso!

WDN: Guud ahaan waxaad marka hore nooga warantaa waqtiga aad bilawday barashada afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, maxaadse arrintaas ku dooratay?

Dr. Kapchits: Barashada af Soomaaliga waxaan bilaabay intii aan ardayga ka ahaa Jaamacadda Moosko. Afartan sano ayaa ka soo wareegay waqtigaas, hase ahaate weli kama aan sal gaarin afkiinna la yaabka leh oo u eg mergi u jiidma hadba dhankii loo jiido. Awrba awrka ka horreeya buu saanqaadkiisa leeyahay, baa la yidhi. Anigu waxaan ka daba socday macallinkayga Alexander Zholkovsky ee Midowga Soofiyeeti  u horseeday baaritaanka af-Soomaaliga. Waxaa nasiib darro ah in uu muddo ka dib ka fogaaday arrimaha Soomaaliyeed. Intii uu u guuray dalka Mareykanka ayaa wuxuu noqday barafesoor Jaamacad ka dhiga suugaanta Ruushka.

WDN: Maxay ahaayeen dhibaatooyinkii aad kala kulantay barashada Af Soomaaliga?

Dr. Kapchits: Ina Cali Qablax oo indhoole ahaa markii uu taabtay dundumo ayaa wuxuu yidhi: ‘Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkii, halna waa ammankaag. Dundumada inteer le’eg aboor baa sameeya, waa yaab! Habeynkii buu sameeyaa. Waa yaabka yaabkii! Candhuuftiisuu ku sameeyaana, waa ammankaag! Aniguna waa sidaa oo kale. Markii aan dhadhamiyey af-Soomaaliga ayaa waxaan is idhi: ‘Tolow, erey bixinta af-Soomaaligu waa yaab! Dhawaaqa af-Soomaaligu waa yaabka yaabkii! Naxwaha af-Soomaaliguna waa ammankaag! Af Soomaaligu hodon weeye, dhan kasta oo laga eego. Wax cir ka soo dhac leh ma aha, in uu udub dhexaad u noqday maansada Soomaalidu ay ku caan baxeen, ayna ku faani karaan. Shaki ma leh in afka caynkaas ah barashadiisu shaqo fudud aysan ahayn. Waxaase la ogsoon yahay in dhib walba ay dheefi ka dambeyso.

WDN: Yaa wax kaala qabtay arrintaas?

Dr. Kapchits: Nasiibwanaag waxaa ah in waagii aan isku tuxallujiyey barashada afkiinna, dhaqankiinna iyo suugaantiinaba ay Moosko joogeen ardo badan oo Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah waa aan la saaxiibay. Inkastoo la yidhi ‘Saaxiibkaa mar waa kuu sahan, marna waa kuu sabab’, haddana saaxiibtinnimadaasi khayr mooyaane wax kale ma ay dhalin. Ardadaas oo ka kala socday miyi iyo magaalo, aadna u tiigsanayey tacliinta wax badan ayaan ka bartay, gaar ahaan sidii af Soomaaliga loogu hadli lahaa. Si ay mahadi ku jirto ayaan u xusuustaa kulligood, gaar ahaan Axmed Cartan Xaange iyo Shire Jaamac Axmed, Ilaah ha u naxariistee. Labadoodu waxtar aan la soo koobi karin bay ku kordhiyeen horumarinta afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

WDN: Intii aanad bilaabin barashada dhaqanka iyo Afka Soomaaliga wax fikrad ah ma ka haysatay Soomaalida?

Dr. Kapchits: Haa, waa aan ka haystay, mar haddii aan Jaamacadda ku baraneyey afka Amxaariga ee looga hadlo dalka ay Soomaaliya deriska la tahay. Laakiin fikraddaasi mid xad leh bay ahayd. Soomaaliya aad bay iiga fogeyd, sida runta ah. Ood kaa fogina kuma dhaxan tirto.

WDN: Wax ma iska bedeleen fikraddaadii ka dib markii aad dhex gashay barashada iyo baadhitaanka Afka iyo dhaqanka Soomaalida?

Dr. Kapchits: Aqoonla’aani waa iftiinla’aan, sow ma aha? Intii ay sare u kacaysey aqoontii aan u lahaan jirey arrimaha Soomaaliyeed indhahayga, qalbigayga iyo maankayguba waxay u leexanayeen Geeska Afrika. Muddo yar ka dib waxa aan jecleystay Soomaaliya dhulkeeda iyo dadkeedaba. Waxaad jeceshahay walaalkaana la jeclow, baa la yidhi. Inta itaalkayga ah baan ku dadaalayaa in dad badan oo aan isku dal nahay iyo dad shisheeya ahi in ay ila jeclaadaan afkiinna, dhaqankiinna iyo suugaantiinna hiddaha ahba.

WDN: Soomaalida maxaad ku tilmaami lahayd ama ku sifayn lahayd?

Dr. Kapchits: Soomaalida waxaan u qaataa dad sare oo ku sifoobay caqli dheeri, deeqsinnimo iyo marti-jecli xad dhaaf ah.

WDN: Ma jiraan waxyaabo si gaar ah kuu soo jiitay oo ka mid ah dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida oo saamayn kugu yeeshay?

Dr Kapchits: Sifooyinka aan kor ku xusay si buuxda bay uga muuqdaan dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, aad iyo aad bayna ii soo jiitaan. Bal eega:Nin baa nin u soo hoyday habeen. Markaasaa ninkii loo soo hoyday si wanaagsan u sooray ninkii ku soo hoyday. Markaasna waxaa jirtay abaar xun. Ninkii loo soo hoyday meel wanaagsan ayuu seexshay ninkii ku soo hoyday. Waagii markuu beryay ayuu ninkii loo soo hoyday haddana u keenay sahay iyo biyo uu ku dhul maro. Markaasaa ninkii martida ahaa ku yiri ninkii uu soo martiyey: ‘Ninyohow! Si wanaagsan ayaad ii gashay, marka maxaad jeceshahay in aan kuugu abaalgudo? Ma shan jeer baan kuu abaalgudaa, mase shan goobood baan kaa sheegaa?’ Markaasaa ninkii la soo martiyey yiri: ‘Waxaad iga sheegtaa shan goobood.’ Sheekadanui mid faallo u baahan ma aha.

WDN: Maxay yihiin meelaha aad dhaliisha uga soo jeedin karto dhaqanka Soomaalida?

Dr. Kapchits: Hadal waayeel waa guudmar. Soomaalida, meel ay joogaanba, waxaan xasuusinayaa murtida leh: ‘Walaalo is jeceli waa xoolo bataan oo xabaalo yaraystaan, walaalo is necebina waa xoolo yaraystaan oo xabaalo bataan.’

Halkan ka kahriso: Wareysiga_Dr. Kapchits

WardheerNews

———-

Dr. Georgi Kapchits waxaa uu ka mid yahay aqoonyhanada sida gaarka ah isugu taxalujiya ururinta iyo baadhista afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxa uuna qoraaladiisa ku soo bandhigaa degelka WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.