Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • News
  • Warar

Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo galabta hoygiisa Muqdisho lagu dilay

Nayroobi, Abril 21, 2013 (WDN)-ALLAHA u Raxmadee waxaa gabal dhicii maanta lagu diley degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir wariye Maxamed Ibraahim Raage, oo ka mid ahaa wariyayashii ka shaqeynayay idaacadda afka dowladda ku hadasha ee Radio Muqdisho.

Dilka wariye Raage, waxa fuliyay rag looga shakisan yahay inay Shabaab yihiin, kuwaas oo ku beegsaday wariyaha iridka hore ee hoygiisa Muqdisho xilli uu shaqadii ka soo laabtay, sida ay dadka deegaanka sheegeen.

Waxa la sheegay inay baxsadeen niman dhalin yaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo dhowr xabbadood wariyaha qeybta sare ee jirkiisa uga dhuftay.

Isla goobta, ayuu ku dhintey Maxamed Ibraahim Raage. Booliska, ayaa sheegay inay baaritaanno hayaan.

Maxamed Ibraahim Raage waxa uu ifka kaga tagay laba caruur ah iyo xaas.

Waxa uu dhawaan ka soo laabtay dalka Uganda, oo uu in muddo ah ku noolaa, kadib markii uu dalka, gaar ahaan Muqdisho ka cararay sanadkii 2008-ddii markii ay bateen ugaarsiga wariyayaasha, xilligaas oo aan iskala howl gali jirney idaacadda Shabelle ee Muqdisho.

Intii uu Uganda joogay, ayuu Raage waxaa uu ka howl billaabay TV-ga qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, oo uu uga soo hadlayay Uganda, waxana dabayaaqadii sanadkii hore dib uu ugu laabtay magaalada Muqdisho, markaas oo uu ka howl billaabay xarrunta Radio Muqdisho iyo Tv-ga qaranka Soomaaliyeed.

Innaa lillaah wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Jamaal A. Osman

WardheerNews.com

Nayroobi, Keenya

 

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.