Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warsaxaafadeed: Xarrunta Xuquuqal Insaanka

HRC

Ujeedo: Warsaxaafadeed Deg-deg ah

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Guuleed Ahmed Jama oo shalay sifo sharci daro ah loogu xidhay Xarunta C.I.D. ee magaalada Hargeisa ayaa waxaa loo gudbiyay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeisa. Guleid waxaa lagu xidhay qol gaara. Waxaa loogu gaystay Saldhiga Gudihiisa, Jugayn, Hanjabaad, iyo Handidaad xoog leh siduu u xaqiijiyay qof subaxnimadii hore ee saaka u helay fursad. Waxaa loo diiday inay la kulmaan eheladiisa, Hawl wadeenada Xarunta Xuquuqal Insaanka iyo dhamaanba dadkii soo bookhanayay.

Maxkamada Gobolku waxay maanta damaanad kusii daysay Guleid. Amarkaa maxkamada waa la diiday waxaana joojiyay fulintiisa Taliya C.I.D oo sheegay inuu Guleid u xidhanyahay Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Isla maanta Xeer-Ilaalinta Gobolka Maroodi Jeex waxay u samaysay Guleid Ahmed Jama eedo ka duwan kuwii shalay ay soo qoreen Maxkamada Gobolka Hargeisa.

Eedahaas oo ay ugu horayso Xarunta Xuquuqal Insaanku in aanay haysan shahaado sharci ah oo ay ku shaqayso iyo eedaha kale ee u gaar ah Guleid Ahmed Jama, xaruntu waxay Cadaynaysaa inay yihiin waxba kama jiraan been abuur ah. Eedaha is khilaafsan ee kasoo baxaya hay’adaha kala duwan ee Garsoorka xaruntu waxay cod dheer ku sheegaysaa inay yihiin qaar aan waxba ka jirin oo ceeb ku ah Garsoorka Dalka.

Xarunta xuquuqal Insaanku waxay walaac wayn ka qabtaa goobta uu hada ku xidhanyahay Guleid. Xaruntu waxay dhaleecaynaysaa Tacadiyada loo gaystay Gudoomiye Guleid iyo sidoo kale in loo diiday inay cidi la kulanto. Xaruntu waxay dhaleecaynaysaa Eedaha iyo Go’aanada iska hor imanaya ee kasoo baxaya Hayadaha Garsoorka Somaliland.

Gebogabadii Xaruntu waxay ugu baaqaysaa Dawlada Somaliland iyo Hay’adaha ay khusayso inaan lagu xad-gudbin xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay Guleid Ahmed Jama oo Xoriyadiisa Sifo Sharci daro ah ku waaayay.

Ahmed Hussein Abdi
Human Rights Centre


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.