Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warsaxafaddeed: Puntland Focus Group

Warsaxaafaddeed (Press Release – for immediate release)

Ka dib markii ay Puntland Focus Group ka soo gaartey qaybo ka mid ah waxgaradka Puntland in ay jirto isku dayo lagu doonayo in dib loo dhigo xiliga doorashada Puntland waxaan goosanay in aan ogaysiino Dawladda Puntland, Shacabka reer Puntland, Nabadoonada reer Puntland, Isimadda reer Puntland iyo weliba Bulshadda Caalamka arimaha soo socda.Puntland Focus Group waxaa ay aaminsan tahay in doorashada soo socota dhacdo, wakhtiga Dastuurku qabo ee ku astaysan 8da January 2019.

1) Waxaan uga digeynaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa in ayan isku dayi xili kororsi sharcidaro ah oo baalmarsan Dastuurka Puntland.

2) Xildhibaanada Dawladda Puntland xil gooni ah ayaa ka saran ilaalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Dawladda Puntland iyo habsami u socodka hab dhaqanka dawladnimo iyo habraaca dastuuriga ah ee door‐ ashooyinka Puntland. Waxaan Parlamaanka Puntland ka fileynaa in ay meel mariyaan himilooyinka shacabka Puntland dhowraana Dastuurka Dawladda Puntland.

3) Isku daygan wakhti kororsigu waa mid wiiqi kara dadaalka ay dadka Puntland ugu jiraan in Gobolka Sool gacanta Puntland lagu soo celiyo, wuxuuna shaki gelinkaraa dadaalka aan kala harka lahayn ee ay wadaan dhamaan dadweynaha reer Puntland. Sidaas darteed waxaan soo jeedineynaa in aan waddanka loo horseedin khilaaf siyaasadeed oo aan loo baahnayn oo Puntland gudeheeda ka bilaaba fadqalalooyin.

4) Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxaan xas‐ uusineynaa muuhimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo shuruucda Puntland. Dagaal ayaa lagu jiraana marna cudurdaar uma noqon karto in Dastuurka iyo shuruucda dalka la laalo amaba la baalmaro.

5) Isimadda, nabadoonadda, wax garadka iyo ururadda bulshadu waa in ay ka qayb qaatan in Xukuumadda Puntland aaney baal marin Dastuurka Puntland, oo aan Puntland loo horseedin fadqalala siyaasadeed oo gudeheeda ka bilowdo, wakhti lagu jiro difaaca dalka. Sidaas oo kale, shacabka Puntland waa in ay gacana kaga qayb qaataan difaac, gacanta kalena ku hasytaan shurrucda Puntland ku dhisan tahay.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janogale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

Warar dheeraad ah la xiriir;
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Af-Hayeenka Puntland Focus Group,
Email: [email protected]
Tel:+61416547736


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.