Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Weerrar Ismiidaamin ah oo Lagu Qaaday Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare

Muqdisho, Abril 14, 2015 (WDN)- Ciiddanka Dowladda Soomaaliya, ayaa la wareegan gacan ku haynta Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumada Federaalka oo saacada ka hor ay gudaha u galeen dabley la sheegay in ay ka tirsanaayeen urrurka xagjirka ah ee Al Shabaabd.

Wararka ilaa hadda laga helayo dhacdadan, ayaa sheegaya in goobta lagu dilay maleeshiyaadkii halkaasi weerrarka ku soo qaaday ee Al Shabaabka, waxaana sidoo kale jira qasaara ka dhashay iska horimaadka muddada kooban u dhaxeeyay labada dhinac.

Weerrarka, ayaa ahaa mid ismiidaamin ah, waxaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana ugu horreyn weerrar lagu qaaday iridka hore ee wasaaradda,  waxaana markaasi ka dib xigay weerrar toos ah oo ay gudaha ugu galeen Shabaab rag ka tirsanaa wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka.

Xaaladda, ayaa hadda ah mid deggan, waxaana la sheegayaa in qasaaraha uu yahay mid aad ugu yar intii loo lameeyay iyadoo dadka dhintay ay ka mid yihiin 4 ruux oo la sheegay in ay weerrarka soo qadeen.

Urrurka Alshbaab, ayaa bilihii ugu dambeeyay kordhiyay weerrarada noocan ah ee ay la beegsanayaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho sida Hoteelada iyadoo hay’adaha ammaankuna ay ku fashilmeen ka hortagga weerrada noocan ah ee soo noqnoqonaya.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.