Tuesday, April 16, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Weerrar Lagu qaadday Hotelka Naasa Hablood ee magaalada Muqdisho

Muqdisho, Juun 25, 2016 (WDN)- Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay Hotelka Nasa Hablood ee ku yaalo degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dib ayaa waxaa la sheegayaa in ay  Hotelka gudha u galeen dabley hubeysay kuwaasi oo ay warar iskhilaafsani ka soo baxayaan tiadooda balse dad goobtaasi Joogay oo u warramay Wardheernews ay ku sheegeen in ilaa 6 ruux ay dhammaayeen dableyda weerrarka ku qaadday Hotelku.

Ciiddanka ammaanka dowlada Soomaaliya ayaa Gaaray goobta uu Hotelka la weerraray ku yaal, waxaana la xiray waddooyinka soo galo iyadoo rasaas xooggani ay wali ka dhacayso Hotelka gudihiisa mana jirto cid ilaa hadda sheegi karta Khasaaraha ka dhashay weerrarka.

Weerrarkaan ayaa wuxuu ka mid ah noqonaya weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayeen dhawaanahan magaalada Muqdisho, inkastoo aysan jirin cid weli Sheegatay in ay mas’uul ka tahay weerrarka maanta.

Wixii war ah ee ku soo Kordha wararkeena dambe ayaad kula socon doontaan insha alaah

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.