Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xabaallaha Nasashada!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

xab1Waxay dhex fadhiyaan xabaallo. Haa, xabaallo gaboobay oo ay quruumo waa hore dhintay ku duuganyihiin ayaa dhan walba kaga hareeraysan. Haseyeeshee kama muuqato dareen ah in ay xabaallo dhex joogaan.

Badh kuraasta lagu nasto ee hareeraha waddolugeedda xabaallaha dhexmarta ayay fadhiyaan iyagoo aad u faraxsan, sheekaysanaya ama talefoonnadooda gacanta ku foorara islamarkaana wax cunaya, halka kuwa kale ka taagtaaganyihiin iyagoo ay ka muuqato farxad, qosol iyo raynrayn.

Goob aan ka durugsanayn oo isla xabaallaha dhexdooda ah oo uu ku goglanyahay doog si fiican looga shaqeeyay waxaa iyana kubbad ku dheelaya carruur aad u yaryar iyadoo ay ku hareeraysanyihiin dad tiro badan oo qaarkood fadhfadhiyaan dhulka amaba ay dhacdiid u jiifaan iyagoo ku raaxaysanay fallaaraha qorraxda ee sida tooska ah uga imanaya cirka aan daruur iyo caad midna lagu ogeyn.

Daaraha dhaadheer ee dhinacyada kaga gadaaman qubuuraha waxaa iyana baalkanigooda fadhiya dad qorraxaysanaya, sheeddana ka bidhaansanaya dhaqdhaqaaqa ka socda xabbaalaha dhexdooda.

Ma ahan siyaaro iyo sab in goobtan loo yimid, mana aha goob geerida lagu xuso ee waa xabaallo lagu nasto.

Xilli aan u socday meel aan ballan ku lahaa oo xabaallaha dhanka kale ka xigtay ayaan is idhi bal toobiyaha xabaallaha dhexmara ka dhex bax ka dibna waxaan aad ula yaabay oo indhahayga soo jiitay reer aakhireedkan lagu dul nasanayo.

Waxaa maskaxdayda markiiba ku soo dhacday qubuuraheenii in la dhex fadhiisto oo lagu haasaawo iska daaye marka aad dhinac marayso ay cabsida dhimashadu kugu soo duxaysay, ducada iyo faataxadana sida dhakhsha ah ugu deeqaysay.

Waa badhtamaha magaalada London, goob ay ku yaallaan xafiisyada shirkado badan islamrkaana ay u soo shaqo tagaan dad kala geddisan.

Cimilada oo ahayd mid aad u kulul, lagana nastay maalmahan roobkii iyo qabawgii ayay xilligii qadada shaqaale badani iskaga huleeleen xafiisyadooda si ay uga yara nafisaan diiqadda shaqada, uguna raaxaystaan jawigan wanaagsan.

Iyagoo badankoodu baco iyo baakado ay cunto ugu jirto wata ayay xabaallaha imanayaan.

xab2Xabbaalahan Bunhill Field oo aan imika cidna lagu aasin waxa markii ugu horreysay mayti la bud-dhigay sannadkii 1660nadii, mana aha kuwa barakaysan oo ay kiniisaddu maamusho maadaama lagu aasi jiray dad ay ka mid yihihiin kuwa caana oo aragtiyahooda muran badan xilligaas ka oognaa.

Waa indheergarato ka horyimid Kiniisadda oo iyadu xilligaas lahayd awood aad u weyn, gacansaar dhawna lalahayd boqortooyooyinkii waagaas ka arrimin jiray badiba waddamada Yurub.

Dadkan waxaa loo diidday in lagu aaso xabaallaha barakaysan ee Kiniisaddu maamusho sidaadarteed goobtan ayaa maytida noocaas ah hoy u noqotay.

Dadka xabbaalahan ku duuggan waxaa ka mid ah John Bunyan oo ahaa qoraaga buugga Pilgrim’s Progress iyo ninka aan filayo in Soomaali badan garan karto Daniel Dafoe ee qoray sheekada Robinson Crusoe.

Waxaa muuqata sida ay dadka qubuuraha ku duuggan u ahaayeen aakhiro-moog ka horyimid Kiniisadda in kuwa ku dul raaxaysanaya hadda laftoodu aanay dhaadanayn arrintaas.

Xabaallahan waxaa maamusha hay’adda City of London Corporation, waanad kiraysan kartaa si aad arrimahaaga ugu fushato.

Xabaallaha Nasashada. Allaylahe waa if iyo aakhiro aan iska warhayni meel ay ku kulmeen.

W.Q. Khaliil C. Xasan
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.