Sunday, April 28, 2024
Wardheer News
  • News
  • Warar

Xaflad lagu taageerayo maamulka Jubaland oo ka dhacday magaalada Washington DC

xaflad_jubaland_DC
xaflad Jubaland, Washington DC

Washington DC. Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu taageerayo maamul goboleedka deggaanada  Jubadda Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa ka dhacday magaalada Washington DC ee dalka  Maraykanka  habeenkii Sabtida ee bishan April 13, 2013.

Waxaa xafladan ka soo qaybgalay dad boqolaal kor u dhaafay oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool agagaarka gobollada Washington, Maryland iyo Virginia.  Xafladda ( Halkan ka fiirso Sawirada Xaflada)  oo si habsami ah loo soo agaasimay waxaa furay  Cabdiqani X Xuseen Hirad  oo si kooban uga hadlay ujeedadda xafladan laga leeyahay, wuxuuna u mahad celiyey soona dhoweeyey martidi ka soo qaybgashey xaflada.

kadibna wuxuu Cabdiqani mikrofaanka ku soo dhoweeyey Sheekh Khaliif Raabi  oo ayaado Quraan ah ka akhriyey furitaankii xaflada.

Ka dib casha sharaf loogu talagay dadkii yimid madasha markay dhamaatay, ayaa waxaa bilaabmay barnaamijkii xaflada.  Waxaa la qaaday heesta astaanta qaranka Soomaaliya iyo heesta maamul goboleedka cusub ee Jubbaland.  Ka dib, waxaa  khudbado ku saabsan taarikhda Jubbaland State, laga soo bilaabo qarnigii sagaal iyo tobnaad, u jeediyey ka soo qaybgalayaasha aqooniyahanno u dhashay goboladan iyo qaar ka soo shaqeeyeyba.Waxaa xaflada xiriiranaya Cabdiqani X. Xuseen iyo Saahid Maxamed Yuusuf. Waxaa ka mid ahaa aqonyahankii ka hadlay xaflada Cabirahman Daahir Waamo, Cabdi Nasir Garjeex, Xaaji Cabdi Xasan, Nabadoon Cabdulaahi Ciid, Iyo Ismaaciil CAli Ismaaciil.

Halkan ka fiirso Sawirada Xaflada

Gudiga Qabanqaabada
Washington, DC

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.