Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News
  • Warar

Xildhibaannada Baarlamaanka oo ka aqbalay Ra’iisalwasaaraha inuu dib u habayn ku soo sameeyo Xukuumaddiisa

Baarlamaanka

Muqdisho, Jan. 17, 2015 (WDN)- Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta la filayay in ay u coddeeyaan kalsoonida xukuumadda cusub, ayaa ka aqbalay codsi uu ra’iisalwasaaruhu u soo gudbiyay in uu dib ugu noqdo magacaabista xubnaha wasiirrada, lana siiyo muddo 14 beri ah oo uu arrintaas ku soo dhammaystiro.

xildhibaannada ayaa loo qaybiyay qoraal uu ra’iisawlwasaaruhu kaga codsanayo dib u dhigista codaynta iyo inuu gole wasiirro cusub ku soo dhiso muddo 14 cisho guddahood.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad kooban ka jeediyey furitaankii kulanka Baarlamaanka ee maanta, ayaa Xildhibaannada u akhriyey qoraalka uu u soo gudbiyey xalay ra’isulwasaare  Sharma’arke ee dib ula noqoshada magacaabidda xubnaha golaha wasiirrada cusub islamarkaana uu ku codsanayey in la siiyo fursad 14 cisho ah oo uu ku sameeyo la tashiyo ku aaddan soo dhisidda gole wasiirro oo kasban kara kalsoonida Golaha Shacabka.

Xildhibaannada oo u coddeeyey cosiga ra’iisalwasaaraha, ayaa wararku aanu helaynaa sheegeyaan in lagu ansixiyay sidan: haa 190 cod, maya 8 iyo laba ka aamusay.

Arrintan dib ula noqoshada xukuumadda, ayaa ka dambeysay ka dib markii ay xildhibaannadu si aad ah uga soo horjeesteen xukuumadda cusub iyo qaar ka mid ah xubnaha uu u soo xushay ra’iisalwasaaruhu ka mid noqoshada xukuumadda, ayna u caddaatay Ra’iisalwasaaraha in aanu kasban karin in xildhibaannadu ansixiyaan xukuumaddan lagu muransanaa.

Haddaba arrinta, ayaa wajigabax ku noqonaysa ra’iisalwasaaraha ka sokow madaxweyne Xasan Sheekh oo si aad ah ugu adkaysanayay ka mid noqoshadaa xukuumadda xubnaha ay xildhibaannada iyo shacabkuba ka biyo diideen oo ah saaxiibbada ay madaxweynaha aadka isugu dhowyihiin.

Inkastoo dhacdadani ra’iisalwasaaraha siinayso fursad uu mar kale dib ugu qaabeeyo xukuumaddiisa haddana lama saadaalin karo sida uu u qancin karo dhinacyada isku hirdiyaya sidii ay saamayn weyn ugu yeelan lahaayeen dhismaha xukuumadda cusub.

Xildhibaannada diiddanaa xukuumada oo tiradoodu isa soo taraysay, ayaa isugu jira xildhibaanadii taageersanaa ra’iisalwasaarihii ay baarlamaanku eryeen Md. Cabdiweli Sheekh Axmed iyo koox aad u taageersanaa madaxweynaha kaalin weyna ka qaadatay ridistii xukuumaddi hore oo iyagu ka cadhooday ballanqaadyadii uu madaxweynuhu u sameeyay oo aanu fulin ka dib markii ay iska dhex waayeen xubnaha xukuumadda cusub.

Si kastaba ha ahaatee xaaladda waddanka oo xilligan maraysa meel xasaasi ah, ayaa murrannadan siyaasaddeed ee aloosani dib u dhac weyn ku keenayaan habsami u socodkii hawlaha dawladda iyo rajadii laga qabay in Soomaaliya mar kale cagaheeda isku taagto.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisalwasaaraha ayaa lagu sheegay in ra’iisalwasaaruhu si aad ah u soo dhaweeyay go’aanka ay maanta gaadheen baarlamaanku. Qoraalka ra’iisalwasaaraha ayaa u qornaa sidan;

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ku aqbaleen codsigiisii 16/01/2015 ee dib ula noqshada magacaabidda Xubnaha Gollaha Wasiirada cusub, isagoo qadarinaya dareenka iyo shucuubta Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo talooyinka guud ee ka soo gaaray bulshada Soomaaliyeed.

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu dib ula noqonayo magaacabista golaha wasiirada, isagoona timaalmay in uu ahaa go’aan geesinimo leh, oo ka turjumaya danta qaranka iyo muujinta xasilooni siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Cumar, ayaa sheegay in uu go’aansaday in dib-u-eegis ku sameeyo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay 12-kii Januray 2015. Isagoo dareensan muhiimadda ay leedahay in tixgalin gaar ah la siiyo afkaarta kala duwan ee Xildhibaanada kadibna uu soo bandhigi doono Xukuumad hanan karta kalsoonida baarlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan tixgelin siiyay talada Xildhibaanda ee ku aaddan golihii aan soo magacaabay, waxaan ku sameeyay dib-u-eegis go’aankii aan ku magacaabay xubnaha golaha wasiirada. Waxaan soo dhisayaa xukuumad aan wadatashi ballaaran kala sameeyn doono madaxda qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaan mudnaanta siinayaa danta guud ee qaranka, waana midda kaliya ee lagu xaqiijin karo in dalka la gaariisyo hiigsiga 2016” ayuu yiri R/Wasaare Sharma’arke.

“Xukuumada aan soo dhisayo waa mid looga fadhiyo in ay gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed adeegyada waxbarashada, caafimaadka, sugidda amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo xasilinta dhaqaalaha dalka. Waxaa shaqada sii wadaya golihii hore inta lasoo dhisayo Xukuumad badasha si howlihii socday hakad u gelin” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid waxaa uu muddada 14-ka maalmood ee baarlamanku ay ka aqbaleen uu ku dhaqaaqi doonaa wadatashiyada si loo dhiso Xukuumad kasban karta taageerada iyo kalsoonida Golaha Shacabka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.