Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xiisadda Siyaasadeed iyo xasaasiyadaha ka dhashay Dhismaha Galmudug-ta Cusub

W/Q Bashir Maxemed Xuseen

Hordhac

Tan iyo markii uu bilowday shirka maamul u samaynta gobollada dhexe, gaar ahaan wixii ka dambeeyey dayrtii ama dhammaadkii 2013kii, waxaa soo shaac-baxayey khilaafyo cusub oo siyaasadeed oo hareereeyey qorshihii geedi-socodka maamul usamaynta Gobollada Dhexe.

Khilaafyadaas qaar waxay u dhexeeyeen dhinacyadii kala duwanaa ee maamulka dhisanayey (ama loo dhisayey), qaarna waxay u dhexeeyeen mabaadii’da (ama mabaadii’ la’aanta) lagu salaynayey dhismaha maamulka cusub iyo maamullada la dariska ah, sida Puntland. Labada nooc ee khilaafba waxaa la dhihi karaa Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ahayd dhufsane-yaraha ka dhexeeya labada iyo weliba “isir weynaha ay wadaagaan” haddii luuqadda xisaabta lagu cabbiro.

Shirka_Maamulka_Galmudug
Shirkii Caddaado

DFS ayaa cayaaraysay siyaasad dad badan jaahwareerisay, gaar ahaan marka xagga sharciga iyo Dastuurka Kumeel-gaarka (KMG) ee dalka u yaal laga eego iyo weliba dhawrkii af ee kala duwanaa ee ay kula kala hadlaysay Cadaado, Dhuusamarreeb iyo Garoowe, oo la dhihi karo waxay ku suntantahay oraahdii soo caan baxday xilligii dagaalladii sokeeye ee Muqdisho ee “Calina gar leh Caydiidna gar leh”. Carrabka dalabta leh ee DFS wuxuu daweeyaa ha joogtee, waxaa la dhihi karaa waxaa ka dhalan kara, haddana ifafaaleheedii muuqdaa haddaan dadka mandaqaddu caqli ku maarayn, colaad ka dhex curata dad ilaa hadda nabad iyo wanaag ku wada noolaa, iyadoo aysanna jirin wax la taabankaro oo aan ka ahyn siyaasad la qalloociyey oo dadka iska horkeenaysa.

Dibuheshiisiin qabyo ah iyo hay’adihii Qaranka oo aan la dhisin

25 sano oo dagaal ahli ah kaddib dadkii qabaa’ilka u dagaallamay iyagoo aan si dhab ah u heshiin, islamarkaasna si buuxda iskaga shaafin wixii dhacay, heer Gobol ama heer Qaran, way adagtahay in la yiraahdo “hilbaha inoo qaybiya” ama aynu maamul wadaagno. Sababta ugu weynna waxaa weeye waxaa meesha ka maqan is-aamminaad dhab ah oo buuxda. Sideedabana waxa ay Dawladnimada Soomaalidu la hanaqaadi la’dahay oo fadhiidka u tahay waxaa weeye in mar kasta laga wada hadlo see xukunka loo qaybsadaa ama yaa madax noqonaya iyadoo aan si buuxda looga heshiin dagaalladii sokeeye iyo gabood-falkii ay keeneen. Siyaasiyiinta sidaas u dhaqmaya oo Soomaali oo dhan isugu jira ma danaynayaan baa la dhihi karaa danta ummadda iyo in xal waara la helo.

Dhanka kale, DFS waxay ku fashilantay (ama iska indhasaabtay) inay meel-mariso waqtigii loobaahnaa ama ay wax tari karayeen oo ay dhisto hay’adihii Federaalka ee dibuheshiisiinta heer Qaran ambaqaadi lahaa, Hay’adahaasi oo ay ka mid yihiin, Guddigii dib u eegidda Dastuurka, Maxkamaddii Dastuuriga ahayd, Guddiga Xallinta xudduudaha Gobollada.
Waxa markaasi inoo caddaanaysa in lagu turaanturroonayo hannaanka ceeriin ee dibuheshiisiinta iyo dhisidda maamul goboleedyada qabyada ah, iyadoo aan gunta si fiican loogu adkayn ee si qar-qarsi-lakac ah loo abbaarayo.

Tani waxay ka dhigantahay in faraska hortiisa la dhigo gaarigii uu jiidi lahaa (putting the cart before the horse) oo deedna maanta oo dhan jeedal lagu wado faras aan dhaqaaqi Karin (beating dead horse).

Maamulka Cusub ee G/Dhexe: Hiiraan mise Woqooyiga Mudug?

Dhab ahaan taariikhda dadaallada la doonayey in maamul loogu sameeyo gobollada dhexe way ka fac weyntahay shirka Cadaado ee dhawaan lasoo gaba-gabeeyey, waxayna bilaabantay xilli sii horreeyey oo muddo dheeri imminka kasoo wareegtay. Waxay ahayd arrin la wada rabey oo Soomaalida oo dhami taageersantahay in gobollada dhexe maamul loo sameeyo, si ay ula jaanqaadaan maamullada horey u jirey. Laakiin, waxaa dad badani illowsanyihiin, qaarna kalana is illowsiiyaan, in fikradda maamulka la rabay in loo sameeyo Gobollada Dhexe ay asalkii hore ahayd laba gobol iyo bar (2.5) kana koobnayd :

1. Koofurta Mudug (0.5 gobol) oo markaas Galmudug-tii hore maamulaysay – marka laga reebo Xarardheere oo Alshabaab haysatay islamarkaasna ay dhinaceeda ka sheeganaysay koox la baxday Xarardheere State iyo Hobyo oo ay Ximan iyo Xeeb isku maandhaafsanaayeen Galmudug cidda maamulaysa);

2. Galgaduud (1 gobol) oo ASWJ oo dhawr garab ah, Ximan iyo xeeb iyo DFS oo Guddoomiye Gobol soo magacaabi jirtey ay xukumi jireen – marka laga tago Alshabaab oo qaybo gobolka ka mid ah xukuntay (sida Ceelbuur), iyo

3. Hiiraan (1 gobol) oo DFS ay maamulaysay ama Guddoomiye Gobol usoo magacaabaysay, inkastoo qaybo ka mid ah bulshada reer Hiiraan u arkaysay Guddoomiyaha Gobolka laga soo magacaabayo Muqdisho, faragalin ay DFS Gobolka ku hayso. Sidoo kale degmooyinka Hiiraan qaar waxaa ka talinayey Alshabaab.

Halkan ka akhri Xiisadda Siyaasadeed ee Dhismaha Galmudug

W/Q Bashir Maxemed Xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

6 Responses to “Xiisadda Siyaasadeed iyo xasaasiyadaha ka dhashay Dhismaha Galmudug-ta Cusub”


    Fatal error: Uncaught Error: Class 'Roots_Walker_Comment' not found in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php:11 Stack trace: #0 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/comment-template.php(1554): require() #1 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/content-single.php(46): comments_template('/templates/comm...') #2 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(772): require('/home/forge/war...') #3 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template.php(716): load_template('/home/forge/war...', false, Array) #4 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/general-template.php(204): locate_template(Array, true, false, Array) #5 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/single.php(1): get_template_part('templates/conte...', 'single') #6 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/base.php(23): include('/home/forge/war...') #7 /home/forge/wardheernews.com/public/wp-includes/template-loade in /home/forge/wardheernews.com/public/wp-content/themes/roots/templates/comments.php on line 11
    WordPress › Error

    There has been a critical error on this website.

    Learn more about troubleshooting WordPress.