Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xil ka degidda Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hadaljeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya

Mudaneyaal, Assalaamu Calaykum wa RaxmatuLlaahi wa Barakaatuh Sida uu qabo Qodobka 9 (b) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya haddii uu xil-haynta Xafiiska Guddooonka uu ka degayo waa in uu Golaha ku wargeliya qoraal ahaan ama uu usoo mariya warbaahinta.

Maanta oo bisha Abriil tahay 12, 2018 waxaan Golahan sharafta leh hortiina u imid in aan rasmi ahaan idinku wargeliyo inaan xilkii ammaanada ahaa ee Allahu swt ka sokow aad idinku igu ammaansateen idinkoo wada fadhiya aan idin soo celiyo. Waxaan idinka codsanaya inaad xil-hayntii Guddoonka aad iga cafisaan istaqqaleydana iga oggolaataan. Waajibkeyga ayaan ka hoos maraya haddii aan go’aankeygan tafaasiil idinka siinin.

Waxaa kaloo ay ila tahay inaan dow u leeyahay idinkana codsanaya inaad fursad ii siisaan inaan si kooban wax uga sheego arrimaha ugu muhiimsan ee Golahan usoo qabsoomay muddadii labada madal ee xilhaynta aan qaranka ugu soo adeegay Baarlamaankii 9aad iyo madashan 10aad ee Golaha Shacabka aan hadda ku jirno.

Maalmahan dambe waxaa jiray in kuwo Allah-ka-cabsiga ku yaryahay ay baraha bulshadaku ku tebinayeen in lacago malaayiin ah layga siistay istiqaalada xil-ka-degidda. Hadaba anigoo ku taagan nuxurka dhaartaas aan horey usoo maray, waxaan si Alla-ogaan ah u rabaa inaan hortiina ka caddeeyo in aysan jirin wax dhaqaale ah oo laygaga iibsaday isqaaladda dhiibideeda, laa Dawladdeena walaa dawlad shisheeye.

Ayadoo markhaati iyo goobjoog ahaayeen markii Aniga iyo Madaxweynaha arrinka ka wada xajooneynay waxay ahaayeen
arrimo muhiim u ah qarannimada iyo jiritaanka dawladnimada dalkeena, kuwo u dan ah xasaanadda xubnaha iyo xurmada xarunta Golaha Shacabka. Waxaan ku heshiinay inaan si dhow uga wada shaqayno danaha iyo wanaagga guud ee dalka iyo xasillinta siyaasadda dalka. Wuxuuna ii ballanqaaday in uu igala tashan doona igana tixgelin doono arrimaha
masiiri u ah dalkeena iyo inaan iska kaashano arrimaha sharcidejinta anigoo xildhibaan ah.

Ma jiro wax kale oo maaddi ah. Wixii intaa ka duwan oo aad baraha bulshada ka aragtaan waa haraaga dhaqan xumadii hore oo lagu baabi’iayo sharafta iyo sumcadda mas’uuliyiinta qaranka iyo culumaa’udiinta. Waxaan soo jeedinayaa in arrinkaasi fiirro u yeelano marxaladda dib-u-eegista Xeerka Saxaafadda.

Halkan ka akhri: Xil ka degidda Guddoomiyaha Golaha Shacabka

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.