Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Xildhibaannada Soomaaliya oo goor dhow Kalsoonida kala noqonaya Ra’iisal Wasaare Cabdiwali

Muqdishu (WDN) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdishu, ayaa sheegaya in xildhibaano tiradoodu ku dhawdahay 165 oo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh, ay diyaar u yihiin in ay kalsoonida kala nqodaan xukuumada Cabdiwali Sh. Axmed, iyaga oo sheegay in aynan rabin wax waanwaan ah oo ka baxsan in cod kalsooni ah loo qaado xukuumada maanta.

saaci_Cabdiwali
Saacid & Cabdiwali

Xildhibaanadan oo lagu eedaynayo in laga soo abbaabulay islamarkaana laaluush lagaga qarqiyay madaxtooyada, ayaa iyagu haysta tirada codkii lagaga qaadi lahaa xukunka dawlada uu hogaamiyo Cabdiwali Sheekh Axmed . Afhayeenka Baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa isagu xaqiijiyay in uu maanta dhacayo kalfadhiga lagu ridayo xukuumada Cabdiwali Sh. Axmed.

Md Jawaari, ayaa dad badani ku eedaynayaan in uu kala danbeyntii iyo nidaamkii Baarlamaanka lumiyay, iyada oo la sheegay in xildhibaabo ay Baarlamaanka hortiisa ka sheegeen hadalo ah in ay qaadan karaan laaluush iyo wax kasta oo ay rabaan si loo rido xukuumada Cabdiwali, iyada oo uu Jawaari wax ka hor imanaya ama dacwado ka dhan ah cidda lagu sheego laaluush aan haba yaraatee aanu ka hadlin. Taasi oo dhiirigalinaysa fawdada iyo buuqa ka jira Baarlamaanka.

Md Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa noqonaya ra’iisal wasaarihii labaad ee uu xafiiska ka eryo madaxweyne Xasan Culusow muddo laba sano ah gudahood, iyada oo horey Md Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo ay isku beel ka soo jeedaan Cabdiwali sanad ka hor isla si la mid ah lagu eryay.Waxaa la fliyaa in xildhibaanada taageersan Cabdiwali ay iyana mar kale buuq iyo is maqal la’aan madasha shirka ka abuuraan, si aanu shirku u qabsoomin.

Waxaa kale oo wararku sheegayaan in shakhsiyaad badani ay dhawanahan soo buuxsheen liiska is qorista ra’iisal wasaaraha cusub, kuwaasi oo u badan kuwo ka soo jeeda beesha Cabdiwali iyo beelo kale oo ah deegaanada Puntland iyo ilaa Itoobiya, iyaga oo aan dan ka lahayn habe yaraatee wax xisaabtan iyo sharci ku lug leh oo aan is weydiin “ Maxaa lagu eryay kuwii hore”. Balse aad u caashaqsan kursi in mar uun ay ku qurxistaan liiskooda,  darajo sare oo ah ah in ay ra’iisal wasaare mar noqdeen. Isla wararkaasi ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Culusow xushay qofkii uu ka dhigan lahaa ra’iisal wasaaraha.

Dunida Caalamka ee gargaarka siisa Soomaaliya, ayaa ka walaacsan dhacdooyinka ka socda Soomaaliya, iyada oo lagu wado in ay dhimaan ama gebi ahaanba hakiyaan gargaarka ay u fidiyaan Soomaaliya.

Wararka dambe ayaanu idinkula socodsiin doonaa wxii soo kordha.

WardheerNews

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.