Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Xildhibaannada Barlamaanka ee Sharafta Mudan: Ilaaliya Sarraynta Sharciga, maya Sarraynta Madaxweynaha

Siciid Faarax

Waxaa la yiri xilligii khilaafadii Cali binu Abii Daalib, ayaa waxaa amiirku waayey diric uu lahaa oo uu hubka cadawga kaga gaashaaman jirey. Maalintii dambe ayuu diriciisii mid la mid ah wuxuu ku arkay nin yahuudi ah oo ku lebisan. Kuma fasaxin ilaaladiisii si ay xoog ugu soo celiyaan amiirka diriciisa la helay siday  yeelaan madaxdeena ama hoggaamiye kooxeedyadeenu ba e, ee maxkamad ayuu la tiigsadey kadib markuu dacwo ka gudiyey ninkaas. Qaaligii magiciisa la oran jirey Shureyx oo aaminsan ilaalinta sarraynta sharciga marka loo garnaqayo ummadda dhexdeeda iyadoo aan loo eegayn madax iyo minjo ama muslin jyo gaal toona, ayaa amiirka oo ahaa dacwad oogaha weyddiiyey inuu wax markhaati ah u haysto lahaanshaha dirican laakiin nasiib darro Imaamku ma helin markhaati fur dhammaystiran oo dhaafsiisan wiilkiisa Xasan-naxariisi korkiisa ha ahaatee. Ugu dambayn qaaligii, ayaa dacwad lagu oogihii u xukumay diricii kaddib markuu dhaar qalaf kaga siiyey inuu maalkiisa yahay! Intaas dabadeed yuhuudigii oo aad ugu qanacsan hannaanka caddaaladda ee ay u dhacday dacwadii u dhexeysey isaga iyo Amiir-ul-muminiinku, ayaa isagoo ilmeynaya isla markaana ashahaadanaya u celiyey Cali diriciisii.

Sidaas ayey ku hanaqaaday dawladdii islaamku ilaa xilligii khilaafadii toosnayd.

Innaga Soomaali ahaan, intaynu magaca dawladnimada qaadanay marna maynaan xurmayn sarraynta sharciga. Madaxdeenu laga billaabo kuwii xukuumadihii ugu horreeyey ee rayidka, dawladdii kacaanka iyo kuwii burburkii dhashayba midna ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta mayan tixgelin marka laga reebo isku dayo dhinacyada amniga, taasoo loola jeeddo oo keliya in awoodda haysashada xukunka lagu ilaashado.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ma ummul baa, illowshiiyo dhowaa. Haddaynu ku burburiney qarankeennii tixgelin la’aanta sharciga 25 sano ka hor, suurto gal ma tahay inaynu mar labaad hananno qaranimadeenii inagoo ku tumanayna weli sharciga? Jawaabtu waa maya.

presid Hassan and PM AbdiwaliWaxaynu haatan la wada soconnaa in dawladda federaalka qalalaaso weyn oo dhanka siyaasadda ah uu ka taagan yahay. Waxay isku qabsadeen Madaxweynaha iyo Raiisul wasaarahu isku shaandhayn kooban ee lagu sameeyey golaha wasiirrada 25 Okt 2014.

Nasiibdarro, isla markiiba waxaa soo boodey mooshin kalsoonida lagala noqonayo raiisul wasaaraha. Su’aashu waxay tahay maxaa isku beegay mooshinka kalsooni kala noqoshada iyo khilaafka iskushaandhaynta wasiirrada? Waxaa madaxweynaha laftigiisu ku qiray khudbaddiisii habeen hore inay xukumadani hawl weyn ka qabatay dhinacayo badan sida amniga, adeegga bulshada iwm. Marka maxaa keenay kalsooni kala noqosho xilligan? Maxaase  golaha wasiirrada qaarkood soo dhexgeliyey muranka imminka jira? Baroortu orgiga ka weyn!

Intaa waxa sii raaca, rag kale oo siyaasiyiin iyo culumo isugu jiraa, waxay ku doodayaan maadaama madaxweynuhu ra’iisul wasaaraha soo magacaabay, waa inuu fuliyo waxa uu rabo, siyaasaddiisana uu fuliyo! Waa yaab xaggay ku qoran tahay! Waxay qaarkood ku darayaan wax meel lagu qoray (dastuurka ayey ula jeedaan) muxuu u eegayaa ra’iisal wasaaruhu? Madaxweynahaa magacaabay si hadal la’aan ah ha ula shaqeeyo! Isana waa yaabka yaabkiis!

Walaalayaal waddanku dastuur ayuu leeyahay, ninna nin kale marti uguma aha gurigiisa. Ninkii aysan cajabin ama ku qancin awoodaha ugu qoran dastuurka, ha iska tago, hebel lama shaqayn karo arrintu maahan.

Midda kale madaxweynuhu waa ilaaliyaha dastuurka, iyo astaanta midnimada qaranka. Waxa iskhilaafayana waa hay’adaha dawladda ugu sarreeya, weli kama hayno Madaxweynaha isagoo ku baaqaya in wadahadal iyo wada xaajood khilaafka jira lagu dhammeeyo. Waxaad mooddaa in madaxweynuhu si xilkasnimo la’aani ka muuqato uu ula tacaalayo muranka imminka jira. Xalku ilaa hadda waa mar ay xubno barlaamaanka ku jira keenayaan mooshin shaki keeni kara dhinaca madaxbannaanidiisa iyo wakhtiga lagu beegayba, ama mar kale oo tiro wasiirro ah ay u soo jeedinayaan iscasilaad wasiirka kowaad iyagoo dhiirri gelin ka haysta dhanka madaxweynaha. Xal kale ma jiro miyaa? Maxaa diidey inuu Madaxweynuhu geesinimo muujiyo oo maxkamadda sare u gudbiyo kala caddaynta awoodaha ra’iisulwasaaraha, iyo tan madaxweynaha? Arrintaasi waa mid yididiilo weyn shacabka Soomaliyeed ku abuuri lahayd. Waana mid uu shacabka Soomaliyeed xasuus uu ku faano ku reebi lahay inta uu ifka joogo sida gartii uu naqay qaaligii Shurayx ee u dhexaysey Cali Bin Abu-Daalib iyo ninkii yahuudiga ahaa, oo ah mid la soo aroorinayo ilaa maanta.

Waxaan warka ku soo gabagabaynayaa Soomaaliyey aynu barano sida ugu wanaagsan oo khilaafka loo xalliyo. Adna bax, anna waa joogayaa xal maahan. Isqabqabsiga jira sharci baa inooka yaal ee haloo celiyo fasiraadiisa Maxkamada sare. Arrinta hadda mooshinka ku qoran waxay la mid tahay “ amniga dalka yaa sugaya?, ma booliska mise saraakiisha cashuurta?maahee mooshin keena oo cod ha loo qaado”

Aynu muranka jira u bandhigno hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka iyaga ayaa xal ka gaaraysa. Sarraynta sharcigana aan dhowrno. Musuqa iyo laaluushkana aan iska deyno, adduun iyo aakhiroba aayatiin xumo ayuu leeyahay, si aynu u soo celinno qaranimadeenii luntay.

W.Q. Siciid Faarax
Email: [email protected]

Qoraagu waa guddoomiyaha urur siyaasadeedka UDAD.. Waxaa lagala xiriir karaa [email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.