Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Xukuumadda Siilaanyo Iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Iskaashanaya oo Xayiray Website-kii Wargeyska Haatuf

Hargeysa, (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee Somtel, Telesom iyo Africanonline oo iskaashanaya, ayaa Website-kii Haatuf  ka xidhay dadweynihii ka booqan jiray Somaliland gudihiisa.

Waa markii u horraysay ee tallaabo noocan ah shirkadaha isgaadhsiintu ku dhaqmaan iyagoo fulinaya amar xukuumadeed oo lagu faafreebayo warbaahinta dalka.

Xarunta Wargeyska Haatuf, ayaa madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisu albaabada u laabeen toddobadii bishan (7/Abril /2014) kadib markii ay ku qoonsadeen warar ku saabsan musuqmaasuq ka dhex dillaacay qaar ka mid ah hay’adaha dawladda siiba wasaaradda Macdanta oo uu wargeysku soo daabacay toddobaadyadii ina soo dhaafay.

Waxa xayiraada la saaray wargeyska iyo website-kiisa loo tirinayaa inuu abaabulkeeda door weyn ka qaatay  Baashe Cawil  (xidid- ku- xoolow) oo uu soddog u yahay madaxweynaha Somaliland ee Siilaanyo .

Xigasho: Haatuf.net

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.