Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Yaa u maqan dumarka iyo hooyada Soomaaliyeed?

W/Q Ubax Cabdulaahi Aden

Bilowgii Oktoober ee sannadkan, 2017 ayaa fursad aanan filaneyn, marnana ku xisaabtameyn, Ilaah ii sahley. Sidaan la soconno muddo dheer ayaa laga soo shaqeynayay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurkeena Federaalka. Dhameystirka howshaa soo dheeraatey, waxey u egtahey in ay dowladdani ku guuleysan doonto.

Maalin barqo ah, anigoo xafiiskeyga ka dhex shaqeysanaya, ayaa si kedis ah casuumad uga heley Wasaaradda Dastuurka. Jaaniskaa waxaan u qaatey, in uu ahaa waajib muwaadanimo. Balse waxaa taa igala cuslaadey cabsida aan ka qabey magaalada Moqdisho. Magaaladan ku dhashey, oo iigu dambeysey, 1991. Wel-wel aan la qiyaasi karin iyo rabitaan, bal mar dhulkii soo arag- waa igu habsadeen. Baaritaano iyo is diyaarin balaadhan ka dib, afar beri oo fasax ah baan soo qaatey, oo waa soo baxey. Jaceylkaan dareemey, wanaagaan la kulmey, quluubta is badashey, waa wax aan la qiyaasi karin, oo aan idinla wadaagi doono hadii Rabi idmo.

Waxaan sameystey jadwal. Waxaan qaban lahaa afartaa berri, oo ka baxsan hawsha la isugu yeerey. Waxyaalihii aan qortay, waxaa ugu cuslaa in aan soo booqdo gurigeenii xaafadda Madiino, ka wardoono deriskii, yaa nool – yaa dhintey. Dugsigii  quraanka, iskuulkii Cali Xuseen iyo bacaadkiisii, maxaa ka harey. Waa ii suurta gashay in aan gurigeenii tago, nasiib xumase waa ka shalaayay.

Intaan bixin waxaan akhriyay Dastuurka, qaasatan cutubyada aan is lahaa aqoontooda waad leedahey sida cutubka qoyska, waxbarashada, carruurta, shaqada iyo xaquuqda muwaadinka. Waxaan kaloo akhriyay Dastuurkii hore oo aan aad ugu bogay luqada lagu qorey. Waa lagama huraan, in Dastuurkan iyo sharciyada jira oo dhan meel la isugu soo aruuriyo. Loona sahlo shacabka helitaanka iyo isticmaalka sharciyadaa. Waxaa kaloo muhiim ah in dadka la baro xaquuqda iyo waajibkooda muwaadanimo waxa uu yahey.

Waxaan Dastuurka ka waayay ama ka maqan jawaabaha ku saleysan xaquuqda hawwenka, tusaale ahaan:

b) Haddii ama marka la kufsado gabadh ama haweenay, xaquuqdeeda daryeel iyo xaqeeda cadaalad waxay noqon karaan?

t) Dambiilaha dembiga geysta, ciqaabtiisa waxey noqon karto?

j) Sidee bulshada looga wacyi gelin karaa dhaqamadaa xun ee dagaalka laga dhaxley, sida guurka xawuushnimada ku saleysan?

x) Odayaasha caruurta guursanaya. Waa maxey da`da guurka? Guur qasab ah haduu dhaco, maxuu sharciga ka sheegayaa. Gudniinka waa in la dembiyeeyaa. Oo qofkii ficilkaa geysto, dembi xarig ah muteystaa.

Kh) Dhowrida xaquuqda muwaadinka maxey tahey, markii tacadiyad ama faquuq (discriminiation) ku saleysan diin, qabiil, jinsiyad, ama muuqaal loo geysto?

Daryeelka carruurta waa muhiim. Waxaa loo baahan yahey tarbiyad dhisi karta jismiga iyo qalbiga carruurteena. Waxaa loo baahan yahay guryo iyo waalid soo saari kara jiilalkii hannan lahaa mustaqbalka dalka iyo dadka. Aqoontaa waa in uu shacabku helaa. Dastuurkuna waa in uu la jaan qaadi karaa Soomaalida cusub iyo baahida kala gedisan ee jirta.

Si arimahaa loo darso, awooddana loogu soo dhaweeyo shacabka qurbaha ayaan sameyney dood aqoomeed oo arimaha Dastuur, nidaamka doorashooyinka 2020 iyo ka hortaga tahriibka, looga wada hadli doono. Dooddahaa waxey ka dhici doonaan magaalada Oslo. Waana labo dooddood, mid Af Soomaali ku bixi doonta iyo mid luuqada ingiriis, si ummaddan aan la nool nahey, nooga qeyb qaataan howshan.

Qodobadan hoos ku xusan ee Dastuurka, waxaan u arkaa, in ay u baahan yihiin oo lagu sameeyo dib u eegis balaadhan:

Qodobka 15aad. Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada

Qodobka 15aad ee xorriyadda iyo nabadgelinta qofnimada, nambarka afaraad, waxuu sheegayaa:-  in gudninka uu dhaqan xun yahey. Reeban yaheyna.

Qodobkan xad-gudub weyn iyo dhayalsi ayuu soo gaarsiiyay gabdhaha la dhibaateeyay, oo la gudey. Ma dhawrin xaquuqda gabadha la gudey, mana ilaalin xaquuqda gabadha la dhibaateyn doono oo la gudi doono. Waxaan talo ku bixin: In qodobkan la caddeeyaa. Lana xoojiyo. In gudniinka la dambiyeeyo. Dambiilaha ficilkaa geystana, ugu yaraan shan sano oo XARIG AH lagu xukumo. Waa in wacyi gelin, nidaamsan laga bixiyaa gudniinka iyo dhibaatooyinkiisa. Wacyi gelintaa waa in ay ka mid noqotaa manhajka waxbarashooyinka.

Qodobka 28aad. Daryeelka Qoyska

Qodobka 28aad ee daryeelka qoyska, nambarka shanaad waxuu sheegayaa:- In guurku ansaxayo marka uu jiro rabitaan iyo xoriyad labada qof ah. Waxaan ku talin in lagu soo daro labo qodob oo cusub. Qodob ka hadlaya guurka qasabka. Waxaa kaloo loo baahan yahey qodob ilaalinaya, dhowaraya xaquuqda qoyska, marka uu dhib yimaado. Sida wada wadaaga mas`uuliyada iyo koriimada caruurta.

Qodobka 29aad. Caruurta

Waa in qodobka lagu soo daraa xaquuqda caruurta iyo ixtiraamka ay mudan yihiin, waxa uu yahey, si tarbiyada dilka ku saleysan looga gudbo.

Macnaha caruur ama ubad waa inta inta u dhaxeysa 0-18 jir, ayuu sharcigu sheegayaa, laakiin waa in la helaa sharaxad sii qeexaysa qodobkan. Tusaale ahaan, waa maxey da`da qaan gaarka. Da`da dembiga. Da`da shaqada ku bilaabida. Da`da go`aan keligii uu gaari karo ilmaha. Da`da uu maxkamad ka qeyb geli karo iwm.

Qodobka 30aad. Waxabarashada

Qodobkan waxaan ku soo dari lahaa in siyaasada waxbarashada ay tahey nidaam ka wada dhaxeeya dowlada, ardeyda iyo waalidiinta. Waa in laga tagaa nidaamkii hore oo dowlada keliya awooda waxbarashada laheyd. Waa in lagu soo daraa da` lagu bilaabi karo waxbarashada, laguna dhameyn karo. Nidaamka waxbarashada waa in lagu soo daraa tarbiyada iyo waajibka waalidka. Waa in la helaa sharci waxbarasho oo waajib iyo xaquuq kaamilaya.

Qodobka 35aad. Xuquuqda Eedaysanaha

Waxaa tvga qaranka layska tusaa eedeysanayaal dembi lagu soo oogey oo maxkamad la hor keeney. Dambiilayaashaa wejiyadooda lama qariyo, oo waa la soo bandhigaa. Eedeysanahaa miyuusan xaq u  laheyn in dadnimadiisa la dhowro, tacadiyad laga ilaaliyo ilmihiisa, sharafta ehelkiisana la dhawro. Waxaan ku soo dari qodob sheegaya in aqoonsiga eedaysanaha aan la soo bandhigi karin, ilaa ay jiraan daruufooyin qaas ah.

Ubax Cabdulaahi Aden
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.