Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Yasiin Toojle (Q. 1aad)

W.Q. Guuleed Cismaan Cigaal

Ilaahay baa ku abuurtay. Qof aan la garanayn baa weedhaas khad guduud ah ku qoray dhinaca doonta yar oo dabayshu afgambisay maalin ka hor. Dadkii doontaas fuulay Yasiin kaligiis baa ka badbaaday in uu ku dhinto badda u dhexeysa Waqooyiga Liibiya iyo Koofurta Talyaaniga. Saacado badan buu Yasiin ku dhegganaa alwaax dhuuban oo dabayl xooggani ay ka fujisay doonta uu laba maalmood ka hor soo fuulay. Qiyaas ahaan sagaashan qof oo isugu jirta rag, haween, iyo carruur oo ka soo jeeda dalal kala duwan baa soo fuushay doonta maalintaas. Yasiin oo bestiis la ah harraad oo ku dhow in uu suuxo waxaa naftiisa badbaadiyay, oo biyaha badda ka soo bixiyay askar si gaar ah loo tababaray oo ka mid ah ciiddamada badda ay leedahay waddanka Deenmaark.

Yasiin wuxuu jeebka ku sitay taleefon gacmeed oo toojle ah markii ay badda kasoo saareen askarta Daanishka ah. Taleefonkaas na meel uu ka soo raacay dharkiisa Yasiin waa garan waayay. Alaabtiisa kale badda baa liqday. Yasiin waxaa la siiyay busto midabkiisu yahay dahabi oo loogu talogalay in oogadiisa si degdeg ah kulaylka ugu soo noqdo markii badda laga soo saaray. Kadib haweenay dhaqtar ah iyo askar ku wada hadlaaya luuqad uusan Yasiin garanayn baa loo keenay. Dhaqtaradda waxay ninkaan dhalinta yar oo Soomaaliga ah ku samaysay baaritaan caafimaad oo si boobsiis ah ay u fulisay: shan iyo toban diqiiqo kadib na way iska baxday. Waxaa Yasiin loo keenay shaah kulul oo sonkor iyo milix lagu daray. Ma uu jeclaysan shaaha laakiin wuu iska cabbay.

Kadib waxaa u yimid nin cad oo Af Carabi ku hadlaaya. Dhowr su’aalood buu ninkii weydiiyay Yasiin sida: magacaaga maxaa weeye, iyo waddankee u dhalatay? Marka uu su’aalahaas ka jawaabay kadib waxaa loo keenay cunno yar. Kadib waxaa la siyay qol sariir leh. Waxaa loo sheegay Yasiin in la gayn doono meel ay joogaan hay’addaha u adeega dadka la badbaadiyay sidiisa oo kale. Dhar cusub oo u eg iskujoog farsameyaqaan baa loo keenay. Taleefonkii toojlaha ahaa oo boqshad balaastig ah ku dhex jira baa loo soo celiyay. Miis yar oo sariirtiisa u dhow buu kor saaray boqshaddaas.

Daal aan caadi ahayn buu Yasiin dareemay. Nalka inta uu iskadamiyay buu sariirta isdhexdhigay sida nin da’ ah camal, isaga oo sagaal iyo toban sanno u buuxsantay toddobaadkii hore. Markab weyn maalintaas ka hor ma uu san raacin. Taas waxay keentay in uu Yasiin si fiican u seexanwaayay. Madax xanuun baa qabtay. Dhowr saacadood buu ku qiyaasay waqtiga ay ku qaadatay in uu gam’o. Markabka badda korkeed buu ku ruxmaayay waqtigaas oo dhan.

Yasiin oo si khafiif ah u hurda baa hal mar ka naxay dhawaaqa taleefon gacmeedka ku dhexjiray boqshadda balaastiga ah uu miiska dul saaray. Wareer iyo madax xanuun labadaba ayaa qabtay. Islamarkiiba sariirta ka kac buu damcay. Yasiin waqtigaas waa hubay in batariga uu ka dhammaaday taleefonkaas. Micnaha waxaan maxaa weeye? Qolka mugdigiisa waxaa iftiimiyay nalka yar oo ka baxa wejiga taleefon gacmeedka. Yaabka yaabkiis, SMS baa ku soo dhacday taleefonka markabkii oo badweynta sii maraaya. Yasiin wuxuu dhex istaagay qolka. In waxa ku dhacaaya waqtigaas uu ka fekero buu damcay laakiin daalka hayay baa ka gacan sarreeya wax walba oo kale. Yasiin sariirta buu ku noqday. Wuxuu gam’ay mar labaad.

Shanqanta ka yeeraysa garaaca albaabka qolkiisa baa Yasiin hurdada ka kicisay. Askari sida koob shah iyo saxan rooti ah buu ka furay. Kadib markii uu quraacday waxaa albaabka ku soo garaacay kabtanka markabka iyo ninkii af carabiga ku hadlaayay oo markaan ah turjubaanka kabtanka markabka. Barqadii bay ahayd markii kabtanku Yasiin u sheegay in ay gaaridoonaan xeebta talyaaniga waqtiga qorraxdu dhacdo.

Waxa aad tahay nin nasiib badan buu kabtanku ku yidhi Yasiin. Waa runtiis. Dad badan baa ku geeriyooday meeshii ay ku rogmatay doontii yarayd oo liibiya Yasiin ka soo fuulay. Si sahlan bay badda u liqi kartay wiilkaan haddii uu san Eebbe u keenin markabka Daanishka ah. Qof walba waqtigiisa waa qoranyahay, buu ku jawaabay Yasiin.

Laakiin hadalka ka yeeray kabtanka qalbi xanuun bay ku ridday wiilkaan tahriibka ah. Maxaa isbedelay? Khaladka maxaa keenay? Cabbaar kadib markii ay labada nin ka baxeen qolkiisa yar, taleefon gacmeedkii baa mar kale dhawaaqay. SMS baa mar labaad ku soo dhacday. Boqshadda balaastiga ah buu Yasiin kala soo baxay taleefon toojlaha. SMS-tii marka hore u soo dhacday buu soo saaray: YASIIN. ILLAAHII KU ABUURTAY SOO KUMA KARAAMAYN? Middii dambe iyada waxaa ku qornayd: MA GARANAYSAA MEESHA AAD U CARARAYSID, HASE AHAATE, MA GARANAYSAA WAXA AAD KA CARARAYSID?

Wadnahaa istaagi rabay Yasiin xilligaas. Maxaa weeye waxaan? Xaggee baan u cararaayaa? Su’aalo badan baa madaxiisa ku soo dhacaayay waqtigaas. Yasiin ilaa hadda isu ma arkin qof meel u cararaaya. Wuxuu doonaayay in waddamada Yurub oo qaniga ah in uu tacliintiisa midkood ku dhammaysto kadib na uu shaqo fiican ka helo. Markaana uu awoodo in uu lacag u diro hooyadiis oo dalkii weli joogta. Khalad miyaa in sidaas oo kale la sameeyo? Ragganimo soo ma’aha?

Cabbaar kadib, Yasiin wuxuu ku fekeray in lugu ciyaarayo. In farriinta ku soo dhacday taleefon gacmeedka aysan ahayn mid dhab ah. Sariirtii buu ku jiifsaday asaga oo aan faraxsanayn, laakiin alxamdulilla naftiisa iyo maskaxdiisa midna ma uu san xoorin.

Fiidkaas markabku wuxuu ku soo xirtay xeebta jasiiradda siishali (Siciliy) ee dhulka Talyaaniga. Askarta Daanishka ah tobaneeyo ka mid ah baa gacanta ka salaamtay Yasiin inta markabka xarbiga uu san ka degan. Waxaa la keenay deked milateri. Dad aan tiro yarayn oo tuute wada qaba baa ku sugaayay dhulka. Maskaraati baa wijiga u wada saarnaa dadka Yasiin la kulmay xiligaas. Yasiin isla markiiba waa gartay in ay cudur ka baqayaan. Maxay ka walwalsanyihiin? Yasiin waa nin yar oo caafimaad qaba. Kabtankii Daanishka ahaa baa ka soo degay markabka weyn oo Yasiin meeshaan keenay. Asaga oo aan xita eegin wiilka Afrikaanka ah buu waraaqo u dhiibay nin tuute ku labisan oo xoog ka muuqdo. Cabbaar buu kabtanku la hadlaayay ninkaas xoogga weyn oo talyaaniga ah. Way isa salaameen labada nin kadib markii ay kala dhammaysteen howshooda. Kabtanka Daanishka ah wuxuu dib ugu laabtay markabkiisa. Wuxuu koray buundo yar. Yasiin wuu daawanayay waxaas oo dhan asaga oo ay ula muuqatay sidii filimka la daawado oo kale.

Yasiin oo ku wareersan waxa meeshaan ka socda waxaa u yimid ninkii xoogga weynaa oo gacmaha gashaday golofyo balaastig ah oo cad cad. Kadib waxaa loo kaxeeyay aqal dhowr dabaq ah. Mar kale baa caafimadkiisa la cabbiray. Waxaa loo keenay qof luuqaddiisa ku hadli kara oo u turjumi kara waxa ay sheegaan dadka Talyaaniga ah. Yasiin wuxuu bartay af talyaani aan sidaas u badnayn inta uu dalkiisa joogay laakiin wuxuu doortay in afkiisa hooyo uu  kula hadlo dadka meeshaas ugu yimid.

Yasiin waxaa loo sheegay in xoog weynaha talyaaniga ah uu yahay sargaal booliis oo ka socda wasaaradda daakhiliga. Sargaalkaan wuxuu Yasiin ku wargeliyay in isla habeenkaas loo kaxayn doono xero lugu soo dhaweeyo dadka sida sharci la’aanta ah ku soo gala dhulka Talyaaniga. Waxaa loo diyaariyay warqad ku socota maamuleyaasha xerada loo kaxayn lahaa. Saacad iyo bar kadib Yasiin wuxuu koray baabuur weyn oo nooca baska raaxada ah.

Labaatan iyo afar qof oo sidiisa sharci la’aan ku soo galay dhulka Talyaaniga baa baska lugu kaxeeyay. Cabbaar dhan bay u sii socdeen goobta xerada. Waxaa la geeyay meel horay u ahaan jirtay hoteel dadka ay ku raaxaystaan laakiin dhowaan laga dhigay meel lugu xareeyo dadka qaxootiga ah.

Meel xafiis ah baa basku keenay labaatan iyo afartii qof oo uu kamid yahay Yasiin. Dadka intooda badan waxay ka yimaadeen qaaradda Afrika. Carab, iyo dad kale oo uu Yasiin u maleeyay Hindi in ay yihiin, oo aan tiro badnayn, baa baska ka degtay.

Xafiiska la geeyay waxaa dadka qaxootiga ah loogu sameeyay kaarar aqoonsi oo ay ku galaan xerada. Waxaa la waydiiyay dadkaas in ay doonayaan in ay iska diwaan galiyaan Talyaaniga. Dowladda talyaaniga waxay ogoshahay in qofka qaxootiga ah uu isdiwaangeliyo kadibna meel la dajiyo inta uu sharciga talyaaniga sugaayo. Kuli way diideen dadka meeshaas la geeyay. Waxay horay u ogaayeen hadii aad ka diwaangasho Talyaaniga in aadan u gudbi karin dhulka Faransiiska ama meel kale. Yasiin laftirkiisa wuxuu doonayay in uu jarmalka u gudbo. Nin abtigiisa ah baa ku nool jarmalka. Sababtaas awgeed asna wuu diiday in uu is diwaangeliyo.

MA GARANAYSAA MEESHA AAD U CARARAYSID, HA SE AHAATE, MA GARANAYSAA WAXA AAD KA CARARAYSID? Yasiin wuxuu soo xasuustay su’aashii taleefonka ugu soo dhacday. Runta haddii uu sheego, Yasiin xiligaas ma garanayn waxa uu la kulmidoono haddii uu dhulka jarmalka gaaro. Sawirro magaalooyin jarmal ah laga qaaday buu Internetka ka arkay bes. Wax badan ma uusan ka garanayn dhaqanka Jarmalka. Xitaa Yasiin waqtigaas kuma kalsoonayn in wax dhab ah ay dhaqan ahaan ku kala duwanyihiin waddamada Yurub.

Jaakad cusub iyo boorso yar baa la siiyay Yasiin. Taleefonkii toojlaha ahaa boorsada buu gashaday. Waxaa la siiyay sariir ka mid ah sariiro badan oo nooca milateriga ah. Qolka la siiyay Yasiin waxaa la seexanaysay toddoba qof oo kale. Dhowr joodari baa qaar kamid ah dadkaas dhulka loo dhigay. “Berrito Ilaahay kheyr ha ka dhigo,” asaga oo leh, buu habeenkaas si fiican u seexday Yasiin.

Waa socotaa…

W.Q.Guuleed Cismaan Cigaal
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.