Tuesday, March 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

YURUB IYO FACA JIHAAD-DOONKA AH

W/Tarjumay Cabdicasiis Maxamed Shidane

Wuxuu ka yimid Aljeeriya, isaga oo raadinaya nolal aad u wacan, filayana in uu ka soo cararay saboolkii, cabburintii iyo quusashadii. Baariis gudaheeda ayuu shaqo ka helay, aan u baahnayn aqoon iyo farsamo sareysa, ka dib caruur ayuu yeeshay iyo kuwa uu awoowe u yahay, waxay xaq u yeesheen waxbarasho iyo daryeel caafimaad, sababtoo ah waa muwaadiniin Faransiis ah, hase ahaatee waxay ku soo koreen xaafadaha dadka laga tirada badan yahay ay dagaan ee saboolka ah, is ku rarankana ah, taas oo ku hareereysan magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska. Waxaa daris la ahaa ama ku hareereysanaa qoysas la mid ah iyaga, waxay ku noolaayeen nolal ka baxsan midda bulshada Faransiiska, inkastoo ay ka tabar dhigeen in ay si buuxda u dhex galaan bulshada, haddana aad ayey u yareyd fursadda ay u haysteen in ay xaqiijiyaan horumar dhaqaale, sidaas ayey ku burburtay riyadii Jannadii Fardowsa (Yurub) ee ay ku riyoonaayeen. Dhab ahaantii arrintaani waxay ku soo noqnoqotay malaayiin jeer waddamada Yurubta Galbeed, taas oo xaalka dadkii barakacay ku soo afjarmay saboolnimo iyo in la fogeeyay. Xaaladaha ugu xun marka ay ku suganyihiin qoysaskaasi, kooxaha xagjirka ah ayaa askar u qorata ilmaha, sida in arrinku u muuqda in kooxahaasi u soo gudbinayaan qoysaskaas wixii ay heli waayeen, oo ay ka mid tahay; dareenka nisbo-sheegashada, heybta, sharafta. Ka dib nolol ku dhisan faquuq, waxay u muuqatay ka qaybgalidda qaddiyadeed arrin istaahila wax kasta oo loo baahdo, la is kuna soo afjaro, beenna la is dhexgaliyo, shaqsiyadda la burburiyo ilaa heer dhimasho.

Parish suburb gethos
Deegaanada danyarta Carabta & Afrika

Ka dib weerarkii lagu qaaday wargaysii Faransiiska ahaa ee ka soo bixi jiray Baariis Charlie Hebdo iyo fashilintii weerarkii kale ee Biljamka, waxaa u habbooneed Yurub in ay si qoto dheer is ku eegto, waxaa waajib ku ah in ay ogaato in jiilka labaad iyo kan saddexaad oo ka mid ah qaxootiga in ay halis ugu jiraan sirsirashada ururrada argagixisada ah ee hadda jira, maxaa yeelay muwaadinnimadii Yurub loo ma baddalin is-dhexgal bulsho, iyo mid dhaqaale oo dhab ah. Shaki kuma jiro in kala tagsanaanta u dhexeysa bulshada sii ballaaranayso, taas oo cirka ku sii shareereeysa dhibaatada, sababta sannadaha dhibku jiro, mushkiladdana sii calwinaysa. Dadku waxay u baahanyihiin himilo, waxay u baahanyihiin in ay rummeeyaan aragti, waxay u baahanyihiin mashruuc u yaboohaya aayatiin u wacan iyaga iyo bulshooyinkooda. Maalin ayey dawladaha Yurubtu u soo bandhigi jireen dadyowgaas dareen ah rajadan, balse dhibku waa markii ay si rasmiya u aqbali maageen rajadaasna oo natiijadii is ku baddashay niyad jab iyo rajo xumo gashay booskii rajada.

Niyad jabkani wuxuu abuuray jawi nugul, oo ey si siman uga faa’iidaystaan kuwa dareenka dadka kiciya, shisheeyahana la colleytama iyo argagixisada Islaamiyiinta ah. In ka baddan 1200 oo muwaadiniin Faransiis ah ayaa ku biiray qaddiyadda Jihaadka ee Suuriya ka socda, sida ay tilmaamayaan qiyaasyadu, is kaba daaye 600 oo muwaadiniin ah oo ka soo jeeddaan UK, 550 oo Jarmal ah, iyo 400 oo Biljam ah. Xaaladdaas oo kale waxaa ku sugan Isbeyn. Dhab ahaantii muwaadiniinta Yurub qaar ka mid ah waxay ku dhex geysteen falalkooda foosha xun gudaha dalalkooda, sida gacan ku dhiiglayaashii dhacdadii Charlie Hebdo, inkastoo ay jireen laamaha sirdoonka iyo xooggaga booliska, oo ay ahayd in ay is ku hawliyaan ka hortagga weerarradan, haddana dajinta Istaraatiijiyad wax ku ool ah oo looga hortagayo dhaqdhaqaaqyadan xagjirka ah, waxay u baahantahay in la gaaro fahan cad oo lagu ogaanayo waxyaabaha gadaal ka riixaya dhaqdhaqaaqyadan. Waxaa waajib ku ah waddammada Yurub in ay beegsadaan meel ka fog keliyah in ay difaacaan xurriyadda hadalka iyo aragti muujinta. Waa in ay dib u hagaajiyaan isku daba rididdan booliska, si loo dajiyo xal raaga, oo ku filan daaweynta faquuqa dhaqaale iyo kan bulsho, oo ay ku noolyihiin kuwa taabacsan dhaqdhaqaaqyadan, iyada oo laga fogaanayo is ka hor-imaadyo dhaqameed iyo in cabburin oo keliya la miciin bido.

Arrinka ugu muhiimsan ayaa ah in xalka nuucan oo kale ah u baahanyahay in la is kaga tago kala qaybsanaanta been abuurka ah, ee u dhexeysa xurriyadda iyo nabadgelyada, haddii ay ka awood badiso cabsida la xiriira nabadgelyada xuquuqda iyo xurriyadaha asaasiga ah, casabiyadda ayaa guul cad gaaraysa, isla waxaan hadda dhacayna wey dhici doonaan, haddii ay sii kororto isbaddalladaan sida; ka cabsashada Islaamka iyo kahashada shisheeyaha. Ka dib todobaad markii ay dhaceen weerarradii Bariis, waxay ku nuuxnuuxsatay marwada ka talisa Jarmalka Angela Merkel dareen uu horay u muujiyey madaxweynihii hore ee Jarmalka Christian Wulff 2010-kii, marwo Merkel waxay ku dhawaaqday iyada oo garab taaggan Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Axmed Dawuud Gule, in Islaamku yahay qayb ka mid ah Jarmalka, sida Diinta Yahuudda iyo Masiixiyadda. Warbixintaasi waa tubta saxan ee horey loogu socon karo. Waa lagama maarmaan in Muhaajiriinta Muslimiinta ah haddii ay ahaan lahaayeen jiilka koowaad, kan labaad ama kan saddexaadba, in ay si buuxda u dhexgalaan bulshada, oo ay helaan fursado la mid ah kuwa dadka kale ay helaan, sida muwaadiniita Yurub iyo kuwa ku dhex noolba. Sidoo kale waxaa habboon in mabda’aas uu u dhaqan-galo si heer Caalamiya, taas oo ah in la dajiyo qaabab guud oo xoojinaya kobaca, dhiirrana galiya ku gacan-seyridda casabiyadda.

Dhab ahaantii asal-raacnimada cadawtooyada ku dhisan iyo qaababka is dilka gudaha ah ee naafeysay bulshooyinkii Masiixiga ahayd boqollaal sano waxay noqotay wax tagay, oo la xasuusto, waana in uu sidaas ahaado. Diintu ma ahan nidaam ku dhisan aaminaad oo kaliyah, ee waa hay’ad iyo luqad, waa dhinac wax ku ool u ah suuqa, si uun, wuxuu tartan ugu jiraa hanashada dad taabacsan iyo taageerayaasha, kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ahna waxay dhidibbada u taaggayaan koobbi foolxun oo ay ka samaynayaan Islaamka dhabta ah, sida in ay ka dhiganyihiin hay’adda rasmiga ah ee Islaamka laga la tashto, waxay soo bandhigayaan luqaddooda, si ey suuq ugu helaan. Maanta waxaa ku soo biiray suuqa kooxo, sida; ururka dawladda Islaamka, Boko Xaraamta Naayjeeriya, ilaa ururka Al-Qaacidda, waxay legdan ugu jiraan si ey u soo jiidan lahaayeen Muslimiinta ku kala sugan daafaha dunida, waxaa xigta taas, kooxahaani waxay aaminsanyihiin in ay hoggaanka u hayaan Jihaadka Caalamiga ah, sidoo kale waxay ka faa’iidaysanayaan beyadaas ay ku suganyihiin, ee wax kasta u ogalaaneysa, iyo hay’adaha dawladeed ee liita, ama burbursan, ee ka jira beyadaas, si ay u helaan meel ey cagta dhigaan.

Dhab ahaantii kala guurkii fashilmay ee ka dhacay Suuriya, Liibiya, Yaman, ka dib gu’gii Carbeed ayaa ogalaaday soo if-bixidda ururka dawladda Islaamiga ah, malaayiin dhallinyara ah wey ku dhiirradeen in ay ku biiraan, ka dib niyad jab ay ku sugnaayeen sanado fara badan, oo ay ka qaadeen curyaaminta bulsho, shaqo la’aanta iyo nidaamyada kaligood taliyaasha ah ee wuxuushta ah, waxayna ugu biireen in ay helaan wax dhaamma waxa ay ku suganyihiin, inkastoo dadka reer Tuunis ay sammeeyeen xoogaa horumar ah, balse dadka kale oo ka mid ah isla kuwa deggan mandiqadda rajadoodii wey burburtay, sida ay u burburtay rajadii ay qabeen qaxooti fara badan oo Yurub soo galay. Aragtida Jihaadku waxay la mid tahay sida aragtida siyaasadeed ee la soo xulo, laguna marin habaabin karo dad fara badan, dadkaas oo is ku wada summad ah, kana siman baahi iyo ujeeddo. Waxaa waajib ku ah Yurub, in ay ogaato in loolanka ka socda Carabta iyo kan ka socoda Afqaanistaan in aysan suurtagal ahayn in faragalin miletari ee shisheeye xal u noqoneyn. Habka keliya ee nidaamka lagu soo celin karo iyo dhiirrigelinta horumarka mandiqadda waa u suurtagalinta xukunka kooxaha Islaamiyiinta qunyar socodka ah, taas oo suurta gelinaysa in ay ka guulaystaan xooggagga xagjirka ah iyo kuwa gacan qaadka aamminsan, kaalinta waddammada Reer-Galbeedkuna waa in ay ku ekaataa aqoonsiga kooxaha qunyarsocodka ah, oo la aqbalo, lana taageero, waxaana habboon in sidaa lagu dabbaqo gudaha iyo dibaddaba.

Waxaa tarjumay: Cabdicasiis Maxamed Shidane

Email: [email protected]

——-

Waxaa qoray qormadaan, uqaabilsanhii hor ee siyaasadda arrimaha dibadda iyo nabadgalyada ee Midawga Yurub, mudane#Javier_Solana

Tixraac

http://www.project-syndicate.org/commentary/european-muslim-immigrants-exclusion-by-javier-solana-2015-01. http://www.aljazeera.net/knowledgegate/opinions/2015/2/24/جيلجهاديفيأوروبا


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.