Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Delidhac (sheeko Gaaban)

W.Q. Cabdullaahi Janno

Isagoon kabaha ka tirin dhooqada barafkii da’ayay, ayuu Qasaaye gudaha u galay hoolkii arooska lagu dhigayay. selfieWuxuu durbadiiba la soo baxay teleefankiisii. Intuu hadba gacanta horey u fidiyo oo isku aaddiyo isha kaamirada teleefankiisa, ayuu sawir iska qaadayay, marna fannaaniinta ka qaadayay, marna gabdhaha joogay xafladda arooska. Wuxuu xirnaa labbis qurxoon: jaakad iyo surwaal madow, shaati cad, iyo taay madow.

Mar danbe ayay waxay ishiisu qabatay caruusaddii oo sawir la galeysa haweeney caddaan aheyd oo ay isku meel ka shaqeyn jireen. Intay haweenaydii caddaanka ahayd la soo baxday teleefankeedii ayay kaamiradii isku aaddisay, waxayna sawir la gashay caruusaddii iyadoo dhabanka dhabanka u saareysa. Qasaaye talo, ayaa ku soo dhacday. Wuxuuna sugay inay haweenaydii dhammeysato sawirkii. Saa markii ay haweenaydii caddaanka ahayd dhaqaaqday, ayay caruusaddiina u jeesatay dhankii caruuska oo iyada u qoslayay. Qasaaye inta dhexda u istaagay caruusaddii, ayuu teleefankiisii la soo baxay. Oo garabka garabka u saaray caruusaddii. Saa ishii kaamirada teleefankiisii inta ku aaddiyay wejiyadooda ayuu yiri, “Naa bal cheese dheh!”

Caruusaddii waxay isugu dartay haruuf iyo habaar. oo ay isagii doc isaga riixday. Wuxuu Qasaaye dareemay awood xooggan oo isaga qadaadka ku dhegtay, dib dibna u jiidanaysa. Qasaaye oo isleh tolow ma jin baa ku dafay, ayaa isyiri gadaal eeg. Haddii uu soo jeestayna wuxuu la kulmay bahal feer ah oo sanbuuqadiisii wejiga ku malaasay. Hillaac, ayaa labada indhood ka kacay. Dhiig yarna tiririg ka soo yiri. “Dulliyahow xaaskayga soo ajnabi kaama ahan?” ayuu yiri caruuskii oo ciil la dubaaxinayaa.

Qasaaye wuu gagabay sidii ruux sarqaansan. Intuu indhaha ka biligbilig siiyay oo isgoday, ayuu feer duubtay, yirina: “Oo taas caddaanka ahba soo ajnabi ma ahan?” Saa isagoo sidii feerku ugu duuban yahay ayay ishiisu qabatay baaf xalwo kulul oo jarjaran oo markaas illinka laga soo geliyay. Ma uusan sugin jawaab danbe ee dhankii baafka intuu isku maqiiqay, ayuu labada gacmood ku cantoobsaday xalwadii—oo afka ka buuxsaday. Iriddii ayuu ka baxay isagoo sanka dhiig ku leh.

Qasaaye wuxuu joogay carwo dugaagta lagu hayo oo loo soo daawasho tago. Siduu hadba xayawaan shabaq ku jiro u hor istaagayay, ayuu aakhirkii ka soo dul dhacay shabaq uu libaax ku jiray. Waxaa af-Ingiriis ku qorneyd: “Cunno ha siin. Oo madaxa ha u salaaxin libaaxa.”

Qasaaye intuu teleefankiisii la soo baxay, ayuu furay bar-kulankiisii Facebook. Hal su’aal ayuu qoray: “Weligiin maqal ma ahane nolosha ma ku aragteen ina libaax-san-ka-taabte?”

Isla durbadiiba dhallinyaro kale, ayaa u soo jawaabtay iyagoo soo gelinaya sawirro rag caddaan ahaa oo libaaxyo la ciyaaraya. “Ajnabi idinma oran,” ayuu qoray Qasaaye, “—waxaan idin weydiiyay qof Soomaali ah ee car i tusa.” Looma soo jawaabin. Qasaaye wuu dhiirranaaday. Inta il isaga eegay shaqaalihii carwada, ayuu libaaxii seynta u salaaxay. Libaaxii indhihii ayuu kala furay. Oo misana soo fariistay. Inta miciyihiisii muujiyay ayuu leefleefay shaarabkiisa. Saa wuxuu libaaxii u soo tallaabsaday dhankii uu Qasaaye joogay. Markaasuu libaaxii dhinac dhinac u seexday, indhahana isku qabsaday.

lion1Waa siduu rabay Qasaaye’e intuu isaguna salka dhulka dhigay, dhabarkana ku tiirshay shabaqii, ayuu billaabay inuu sawirkii teleefankiisii isku toostoosiyo isaga iyo libaaxii ka danbeeyay. Wuxuuna Qasaaye go’aansaday inuu libaaxa sanka ka taabto. Wuxuu gacan ku haayay kaamiradii teleefanka, gacanna wuxuu geliyay gudihii shabaqa. Saa intii uu ku mashquulsanaa inuu kaamiradii teleefanka ku aaddiyo wejigiisa iyo kii libaaxa. ayuu bahalkii indhaha kala furay oo arkay gacan madow oo sankiisa haahaabaneysa. Libaaxii inta afka kala qaaday ayuu gacantii Qasaaye qaniinyo la aaday. Qasaaye wuxuu ka war helay isagii oo la jiitay, oo labada lugood lagu dheggan yahay. Sas iyo anfariir, ayuu wadnaha la joogsan gaaray. Wuxuu il cabsi ah ku eegay bal waxa jiidanaya. Mise waa shaqaalihii carwada oo u jiidaya meel shabaqii ka duruqsan. Wuxuu shaqaalihii oo qeylinayaa lahaa, “Gacantuu ku goosan lahaa! Af-Ingiriis ma taqaaniyad miyaa? Ma akhrisay digniinta?”

Qasaaye wuxuu dib u jalleecay shabaqii uu libaaxu ku jiray. Bahalku indhaha, ayuu ku hayay Qasaaye. “War na dhig waxyahow falan,” ayuu yiri Qasaaye oo canaanaya shaqaalihii carwada. “Sharqantaaduu libaaxu la sasay.” Shaqaalihii markuu ogaaday in uu Qasaaye af-Ingiriis ku hadli karo ayuu halaw-halawgii riixay, una yeeray askar. Isla daqiiqadiiba waxaa garbaha laga galay Qasaaye oo lagu dacweeyay inuu qalqal geliyay xayawaankii iyo xasilloonadii carwada.

Wuxuu Qasaaye safar ku joogay Soomaaliya. Wuxuuna mehersaday gabar reer tolkii ahayd. Waxaa ayaamahaas socotay isku shaandheyn wasiirrada dawladda. Odaygii dhalay gabartii uu Qasaaaye mehersaday, ayaa loo magacaabay xubin ka mid ah wasiirradii cusbaa. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa wasiirkii kormeer ku tegay gobolkii uu ka soo jeeday. Markuu diyaaradda ka soo degtayna gabar dhowr iyo toban jir ahayd ayaa ubax qoorta u surtay.

Qasaaye oo xilligaas caruus ku ahaa gobolka, ayaa wasiirkii garabka ku dhegay si uu sawir isaga qaado. “Bal cheese dheh!” ayuu ayuu yiri Qasaaye oo isku aaddinaya kaamiradii teleefankiisa. Hayeeshee odaygii oo aan hadlin, ayaa waxaa qeylisay gabartii ubaxa qoorta u surtay wasiirka, oo tiri: “Ha nuuxsan! Ubaxu waa bambo. Allaahu akbar!”

Qasaaye calooshaa ismajiirtay. Wadnihii baa afka yimid. Teleefankii uu isku sawirayayna wuu xajin waayay, oo dhulka ayuu uga dhacay. Gacantii u saarneyd garabka wasiirka ayuu damcay inuu dejiyo. Hayeeshee gabartii ayaa qeylisay, “Ha nuuxsan! Murtad iyo murtad-kalkaalba way isla basayaan maanta.”

“Naa anigu dawladda uma shaqeeyo,” ayuu ku calaacalay Qasaaye. “Odayga haddaad rabtid qarxi. Aniguse maxaan galabsaday? Toddobada xitaa weli kamaan bixin!”

Wasiirkii waxaa ka yimid dhidid dhibco waaweyn. “War ma sidaas ayaan soddog kuugu ahaa?” ayuu cod hoose ku yiri wasiirkii oo calyada liqi la’, dhulkana eegaya.

“Adeer maanta waa nin walboo naftaa,” ayuu yiri Qasaaye oo cod hoose ku hadlayaa. “Oodkac iyo caano geel iyo yicib iyo hohob, ayaa miiska ii saarnaa—ee fadlan ha i sheegan yeysan habaar qabtadaan i qarxine.”

“Aamusa!” ayay ku qeylisay iyadoo suulka ku dul haysa batoonka wax laga qarxiyo. “Mar horaan idin qaarijin lahaa ee taleefan ayaan sugayaa si murtadkaan loola hadlo.”

Markuu xaalku halkaas marayo, ayuu nin dhar cad ahaa doc gees ah ka soo baxay, oo gabadhii la hadlay. Wuxuu dhar cadkii yiri, “Teleefan kuuma soo dhacayo.”

“Wuu ii soo dhacayaa,” ayay ku murantay. “Waxaana wasiirka madaxfurasho looga dhigi doonaa sarkaalkii aad bishii hore naga xirateen.”

“Gabaryahay is dhiib,” ayuu yiri sarkaalkii dhar cadka ahaa. “Bamka annagaa kuu soo dhiibnay si loo ogaado inaad nabad-diidka ka tirsan tahay iyo in kale.”

Markii ay intaas maqashay ayay gabartii tuujisay batoonkii ay suulka ku heysay. Saa Qasaaye maba suginee wuxuu isku tuuray dhulka—wasiirkiina wuxuu cabsi darteed isgashtay madaxa iyo garbaha isagoo doc isku dadbaya. Ubaxii markuu qarxi waayay ayaa askar dumar ahaa garbo-duub u xireen gabartii. Qasaayena inta dhulka ka kacay oo boorka iska jafay, ayuu teleefankiisa dhulka ka qaaday. Wasiirkii oo dhidid ka da’ayo, ayaa askar hareeraysay si ay u sii gelbiyaan. Qasaaye inta taleefankiisii la soo kala baxay ayuu soo dhex jibaaxay askartii, oo intuu wasiirkii garabka garabka u saaruu yiri, “Halkeedii inooga sii wad. Bal cheese dheh!”

~Dhammaad~

Cabdullaahi Janno

Email: [email protected]
facebook.com/Cabdullaahijanno


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.