Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Everyday People
  • Featured
  • Global News & Politics
  • Maqaallo
  • Market Bazaar
  • Opinion
  • Slideshow

Lacagta hawada marta (mobile money)

W.q. Maxamed Dalmar

Waxaan xusuustaa sanadkii 2013 horrantiisii in dawladda Soomaaliyeed, oo markaas cusbayd, ay soo foodsaartay dhibaato dhaqaale oo kaga imaaneysey xagga sarrifka doollarka iyo shilin Soomaaliga. Waxaa xilligaas aad hoos ugu dhacay qiimaha doollarka Maraykanka markii loo fiiriyo qiimaha shilin Soomaaliga oo aad sare ugu kacay. Waxaan xusuustaa xiisaddii arrintaasi abuurtay iyo dhaliishii kululayd ee madaxda dawladda dusha looga tuuray, iyadoo lagu eedeeynayey inay ka gaabiyeen waajibkoodii ahaa inay dalka u sameeyaan hab lacageed oo wax ku ool ah. Waxaan xusuustaa madaxweeyne Xasan oo adduunweynaha ka codsanaya in raashin lala soo gaaro si arrintaan wax looga qabto iyo Puntland oo sababaha ay dawladda federaalka ah xariga ugu jartay ku dartay shilinka suuqa ku yaraaday.

Mobile banking
Mobile Banking

Anigoo arrintaas si gaar ah ula socday, una daneynayey, waxaa iga yaabiyey sida mar keliya buuqii iyo xiisaddii sarrifka shilinku u dantay, dhaliishii iyo canaantii dawladda loo soo jeedinayeyna u joogsatay. Waxaan is weeydiiyey tolow sidee xal loogu helay  dhibaatadii lacag yaraanta ee gilgishay dawladda Soomaaliyeed.Jawaabtii waxaan u maleeynayaa inaan helay. Waxa xalliyey arrintaas ma ahayn dadaal dheeri ah oo dawladdu qaaday, ama lacag cusub oo la soo daabacay, ama deeq shisheeye oo la helay. Waxa dhibaatadii sarrifka xaliyey oo jawiga beddeley waa lacagta hawada marta ama lacagta teleefonka lagu shubo,(hadda ka dib waxaan ugu yeeri doonaa lacagta teleefonka). Arrintaasna waxaan si fiican ugu baraarugay ka dib markaan booqasho ku imid Soomaaliya, waana mawduuca aan kaga hadalayo maqaalkaan.

Waa lacag sideeya?

Shirkadda isgaarsiinta ee habkaan fulisa ayaad u tageysaa. Waad isdiiwaangelineysaa. Waxaad ka furaneysaa xisaab. Waxaad u dhiibeysaa lacagtaadii xaashida ahayd oo doollarka Maraykanka ah. Daqiiqado ka dib, waxaad heleysaa farriin (text message) kugu wargelineysa  inaad dhigatay lacag tiradeedu intaas iyo intaas le’eg tahay. Lacagtaadii xaashida ahayd oo aad arkeysey ayaa hawada gashay oo ku libirtay. Ma arkeysid waase lacag dhab ah, oo weliba ka karti badan lacagtii xaashida ahayd.

Waa ka fududahay.  Adigoo kursi-jiif ku fadhiya oo gurigaaga jooga,oo teleefonkaaga adeegsanaya, ayaad lacagtaadii waxaad rabtid ku iibsan kartaa, ciddaad rabtid u diri kartaa, wixii ku harayna u ogaan kartaa. Waxay ku sii fiican tahay, waxay yareyneysaa kharshka la xiriira hawsha wax-isdhaafsiga (transaction cost). Awal, bil matal, qofkii Gaalkacyo jooga oo raba inuu Boosaaso wax ka soo iibsado, wuxuu ku khasbanaa inuu jawaan lacag ah la safro, maalin iyo habeen la sii dhaxo, lacagta ilaalinteeda ka walwalo, tirinteeda muran kala kulmo, kharash ku galo jogitaankiisa Boosaaso, iwm. Hadda, daqiiqad gudaheed ayuu teleefonka lacagta ku dirayaa, waqtigii iyo kharashkii u dhaqaaloobayna wuxuu ugaga faa’iideysanayaa horumarinta ganacsigiisa iyo waxsoosaarkiisa, guudahaana waxaa sidaas ku kobcaya dhaqaalaha dalka.

Lacagta teleefonka waxaa lagu tilmaamay kacaan maaliyadeed.(financial revolution) oo dalalka soo koraya sameeyeen, siiba kuwa qaaradda Afrika. Waa kacaan u horseedaya dalalkaas inay u gudbaan bulsho aan isticmaalin lacagta caddaanka ah (cashless society) oo ah heer dalalka horumaray ay weli tiigsanayaan.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan: Lacagta hawada marta

Maxamed Dalmar
Email:[email protected]
Garoowe,

——————–
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed. Dalmar  waxa uuu degelkan WardheerNews kaga  faaloodaa arimaha dhaqaalaha .


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.