Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • News
  • Slideshow
  • Warar

Mudane labaad oo ka mid ahaa Barlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho maanta lagu Dilay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu dilay xildhibaan Cabdi Casiis Isaaq Mursal, oo  ka mid ahaa Mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya.

Marxuum Cabdi Casiis Isaaq Mursal waxaa dilkiisa geystay koox dabley ah oo  watay Baskoolado, waxaana la sheegay in ay goobtii ay dilka ku geysteen  isaga baxsadeen ka gadaal dilka markii ay fuliyeen .

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalay degmada Dharkenley ee gobalka Banaadir , waxaana goobta uu falkaasi ka dhacay gaaray laamaha Amaanka ee Dowlada oo sameeyay baaritaano lagu ogaanaayo cidii dilkaasi fulisay.

Muda 48 saac gudohood waa mudanihii labaad ee lagu dilo magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaana shalay ay aheed markii gaari uu lahaa mudane isana ka mid ahaa baarlamaanka Miino lala beegsaday gaari uu watay laguna dilay degmada Xamar Weyne ee isla Muqdisho.

Madaxda dowlada ayaana ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cabdi Casiis Isaaq Mursal, waxa ayna sheegeen in ay dawlada wax ka qaban doonto amaanka mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya xili maanta la filayo in uu barlamanka tago wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya kaasi oo wax laga weydiin doono xaalada Amni ee dalka. Waxaana sidoo kale maalintii sadaxaad galay shir looga hadlaayo amaanka dalka Soomaaliya oo ka socda Muqdishu.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews
Muqdisho

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.