Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Qoraal ka Jawaabaya “An Open Letter to the Speaker of Parliament”.

W.Q. Cabdullaahi Xasan Maxamuud (Spanish)

Maqaalkan gaabani waa jawaab ku socota “Alias” Mohsin oo mareegta Wardheernews.com iyo mareego kale oo badan ku soo saaray qoraal Af qalaad ku qoran oo cinawaankiisu yahay  “An Open Letter to Speaker of Parliament”. Waxaan haddii Alle idmo ku dadaalayaa in aan jawaabtayda ku saleeyo laba arrimood oo tan hore tahay mudnaanta afka ummadi leedahay, tan kalena jawaab u tahay qoraalka “Alias” Mohsin.

  • Afka ummadi ku abtirsato iyo mudnaanta uu leeyahay

Waxaa beryahan dambe muuqata in dadka Soomaaliyeed ay illaaween in raasamaalka rasmiga ah iyo sumadda koowaad oo ay caalamka intiisa kale kaga duwan yihiin ay tahay afka oo ay isaga ku ladhan yihiin; Taarikhda, hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta, murtida iyo dhammaan aqoonta soo jireenka ah ee ummaddaasi gaarka u leedahay (tusaale: daaweyn, xiddigis, cimilada, dhiqista xoolaha, beeraha, xirfadaha kale iwm). Waxaa kale oo afka hooyo ka dhasha: (i) sida loo fekero (ii) habka xidhiidhka loo sameeyo (iii) barashada naxwaha oo aan ilmuhu u baahnayn in uu dugsi u tago (iv) fududaynta barashada afafka kale.

Dhanka diinta haddaynu ka eegno, waxaynu soo qaadannaynaa aayadda 13aad ee suurta al Xujurat oo Eebbe dadka leeyahay “waxaanu idinka abuurnay lab iyo dheddig, waxanuna idinka dhignay shucuub iyo qabaail si aad isu barataan”. Waxa iyana si weyn u tilmaamaysa qiimaha afka hooyo, aayadda 22aad ee surat a room oo Ilaaha ina abuurtay mar kale leeyahay “waxa ka mid ah calaamaadka ama awoodaha Eebbe oo lagu cibro qaadan karo abuurista samada iyo dhulka iyo kala duwanaanta afafkiina iyo midabbadiina”.

Dib haddaynu u milicsano qaybaha aynu aayadahaas ka soo qaadanay, tan hore waxay muujinaysaa in Ilaah innaga dhigay ummaddo kala duwan (dhaqan iyo dhalanba). Tan labaadna waxay ina tusaysaa in waxyaalaha muhiimka ah oo kala duwanaantu ku salaysan tahay ay ka mid yihiin afka iyo midabka. Aayadda hore iyo tan labaad waxay isugu imanayaan in shucuubtii iyo qabaailkii tan hore lagu sheegay waxyaalaha ay ku kal duwan yihiin uu ugu muhiimsan yahay afku. Aayadda labaad ma sheegayso oo keliya in ummad waliba Af leedahay ka duwan kuwa kale ee waxay kale oo sheegaysaa in aan qof qof la cod ah 100% jirin, cilmiga casriga ahina taas ayuu xaqiijey. Waxaba sii dheer oo waqtiyadan dambe la ogaadey in ilmaha uurka ku jiraa bilaha u dambeeya uu codka hooyadiis maqlo, halkaana barashada afka hooyo ka soo bilowdo. Waxa kale oo cilmigu xaqiijey in ilmaha dhashay oo maalmaha yar jirey oohintiisu ay afka hooyo xidhiidh toos ah la leedahay oo aan labada ilme oo hooyooyinkood kala afka yihiin oohintoodu isku cod ahayn ee mid kasta tiisu afkiisa hooyo xidhiidh toos ah la leedahay.

Waxaynu ka war qabnaa in maanta adduunka ay ka jiraan 200 oo dawladood, laakiin waxa xusid gaara mudan, tirada afafka adduunka maanta ka jiraa in ay ka badan yihiin 6000 oo Af. Haddii labadaa tiro la isu qaybin lahaa dawlad kasta ugu yaraan 30 Af baa ku soo hagaagi lahaa. Laakiin marka xaqiiqda laga hadlayo, waxa jira dawlado 200 oo Af ama ka badan leh iyo kuwo aad u tiro yar oo nasiib wanaag Soomaaliya ka mid tahay, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna ku weheliso oo hal Af leh.

Waqtigan casriga ah, waxa aad loo maqlaa, xayawaan iyo dhir la leeyahay waa dabar-go’ayaan. Laakiin dabargo’a runta ah oo aan cidina ka digini wuxu ku socdaa afafka. Saadaasha khubarada afafku waxay sheegaysaa in dhawr sano gudohood ay adduunka ka tirmayaan in ka badan 500 oo Af oo maanta nool. Waxa kale oo jirta in 40% dadka ku nool adduunka ay ku hadlaan mid ka mida siddeedda Af ee soo socda: Mandarin, Hindi, Isbaanish, Ingiriisi, Bengaali, Portuqiis, Carabi iyo Ruush. Halka 2% keliyihi ay ku hadlaan 4000 oo Af, keenuna ka mid yahay kuwan dambe. Isla markaa 90% afafka adduunka ee maanta jira waxa la qiyaasayaa in ay muddo 100 sano ka yar ku tirmaan, Af Soomaaliguna xisaabta halkaas ayuu kaga jiraa, kuwa ugu hor tirma ayuuna noqonayaa Ilaah kama dhigee, haddii aan loo guntan oo dadkiisu dhaqaalayn, ku dhaqankiisana la isku boorrin.

Waxanan jeclaan lahaa in aan cid kasta oo ilowdey dib u xusuusiyo in Ummadda Soomaaliyeed ay 1972 ka xorowdey in ay Af kale wax isugu qorto. Waana waajib ina wada saaran in aynu ku dadaalo waarinta afkeenna haddii Alle idmo, ilaa maalinta adduunka la duubayo.

Carabta ayaa waxay tiraahdaa: إذا كـــان ربُ البيتِ بالدفِ ضاربٌ فشيمـةٌ أهلِ البيتِ الرقصُ

Haddii ninka reerka u weyni dafka tumo, wixii inta kale laga sugaaba waa in ay durbaanka ku dheelaan. Haatan, haddii waayeelkii Af Soomaaliga u dhashay, garashadoodu siisay in ay Af kale naaxiyaan, maxaa laga sugayaa dhalinyarada, siiba tan burburkii ka dib kacday oo dhul qalaad ku kortay, Af kale iyo dhaqan kalena ku dhex nool?

  • Dacwadda “Alias” Mohsin

Aan ku hor maree qoraalka waxad ku bilowday First, my profound respects are due to you. You deserve it. People who know you, or meet you, often find you warm, modest, receptive and a man of substance. This contrasts with most of the charlatans that dominate the political scene in Somalia today”. Halkaa markaan marayey baa waxa igu dhashay saddex su’aalood:

  • Waa tan hore e, qoladiina garab raratada ah ee khaatumo sheegataa, Soomaali oo dhan ma waxaad u qaadateen in ay la mid yihiin maatada aad sabti ama axad walba shirka u qabateen oo shilimada kaga gurataan 2000 oo ciidan khaatumo ah baa diyaar ah, shalayna dagaal baa dhacay oo 50 baanu diley, 7 gaadhina waa ka gubney cadowga, 150 maxaabiis ahna waa haynaa.

War ma guddoomiyaha baalamaanka Soomaaliya, baad moodeen in sida masaakiintaa loo khiyaamayn karo?

  • Ereyga “charlatans” oo aad ku sifaysay siyaasiyiinta Soomaaliyeed badidooda, laakiin aad guddoomiyaha baarlamaanka oo aad dan ka lahayd ka reebtay, afafka qalaad oo uu ka soo jeedo ereyo badan buu u dhigmaa. Laakiin, dhammaantood waxay ku soo ururaan been la iibsho ama sheegasho la sheegto wax aan la ahayn (aqoon, derejo, maamul iwm).
  • Hadaba, waa iga su’aale, qoladiina magacan aad u doodaysi (khaatumo) oo weliba “state” aad ku sheegtay ku maxaafsata, idinkuma jiro miyaa qof isaga oo aan caytamin wax qori karaa?

Aan ku soo laabto ereyga “Charlatan” e, marka qiiq isku qarinta laga yimaado oo runta loo gudbo, dadka reer SSC oo aan aniguna ka mid ahay, Cali Khaliif iyaga oo miyir qaba iska daaye, iyaga oo waalanna madaxweyne uma doorteen, Khaatumo waxa aad ku sheegteenna dhulka iyo dayaxa midna kama aha “State”, balse aan taada raacee hal tuulo oo ay ka taliso sheeg.¡¡¡ Mise waxad ileedahay xagarka Sallax Erigoo oo gudaha Ehtiopia ku jira weeye dalka ay xukuntaa? Alias Mohsinow, bal dib isugu noqo, “Charlatan” yaa noqonaya, ma siyasiyiinta Soomaaliyeed oo wax walba leh, dhammaantoodna doorasho ama xulis ku yimi, mise Khaatumo iyo inta ku maxaafsata oo wax aanay ahayn sheegta oo habeen iyo maalin been iibinaya? Maxaase waayeel baad tahay e ku kalifaya, dhalinyarada afkuxuublaha ah oo Cali Kahlif in ay cadaabta 100$ ugu galaan diyaarka u ah baanu cayda ku ogayne, ma waxaad if iyo aakhiroba u seegaysaa oo ummad dhan u canjarafaynaysaa in Cali Khalif ku yiraahdo: “Bravo” abti? Allaylehe waad ku sugtay Puntland.

Aan runta kuu sheegee, Cali Khaliif madaxweynenimada uu sheegtaa waxay la mid tahay tii Cabdinur Darmaan oo cudurka uga horreeyey ka dibse miyirsadey iyo tan Duruje Dirir oo iyadu weli taagan.

War Saado Cali Warsame Ilaah Naxariistii janoo ha ka waraabiyo oo aad laba sano ka hor markay shilka gashayna qolyihiina khaatumo sheegtaa suuq ka lahaayeen ilaahow ha ka kicin, sanadkan markii gacan ka xaqdarani dishey oo dadkii jeclaa tacsida iyo baroordiiqda ku jireyna aad damaashaadka ku jirteen. Bal noo sheeg wajiga aad maanta kursigii laga diley ku doonaysaan, xagiinaaba la soo eegayey e.

Waxa ka sii daran, waxad doodaada udub dhexaad uga dhigtay, isimka saxeexay oo aad weliba calooshiisa u shaqayste ku sheegtay qabiilka Saado ma aha. Dee haddaan indhaha la iska ridayn, aduguba ma tihid qoyska Saado Alla haw naxariistee, e bal ka warran.

Aan kuu soo ururiyee, haddaad xaq ku dooddaysaan oo sheegashadiinu run tahay, sida soo socota uma aydaan dhaqanteen:

  • Idinka oo sheeganaya “State”, magacaana diloote e, sumaddiina gaarka ahi cay ma noqoteen oo weliba adiga oo da’daa jooga isma tiraahdeen sidii carruurta dhagaxa tuur oo gacantana qari.
  • Dacwa ku sheegga aad masuul Soomaaliyeed u gudbinayso Af qalaad kuma qorteen, mise waxad istiri waa Eelay oo ku fahmi maayo?.
  • Adiga oo Xamar jooga oo xafiiskiinu isu muuqda warqad hawada uma mariseen, si ay dhawr jeer adduunka ugu soo wareegto e intaad ballan qaadatid baad xafiiska ugu tegi lahayd.
  • Xalaal iftin baa la cunaaye, qofka huba in uu xaq ku doodayo magaciisa ma qariyo oo “Alias” ma sheegto.
  • Tan kale, waxad qortay waraaq laba bog ka kooban, aadna ku doonaysaan kursigii Baarlamaanka ee xildhiban Saado Cali Warsame ka geeryootey, laakiin sida aydaan uga xumaan geerideeda waxa u daliila, hal marna ha noqotee waxad u quudhiweydey, Alla haw naxariisto.

Waxaan kaga baxayaa, maqaal aan waqti aan sidaa u fogayn ka akhriyey mareegta wardheerNews ayaa cinwaankiisu wuxu la macne ahaa: Soomaalida afka qalaad wax isugu qortaa ma isqaadqaad bay uga jeedaan (faan iyo afkaas baan aqaan), mise waa basaasnimo (ajinebi baa la gaadhsiinayaa)?. Inkasta oo aanan hadda magacii ninkii qoraalkaas lahaa xasuusan, waxan hawada u marinayaa salaan iyo mahadnaq. Waxana u raacinayaa, su’aashaas jawaabteedu basaasnimo iyo isqaadqaad labadaba waa tahay.

W.Q. Dr. Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.