Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Camels and Poets
  • History
  • Maqaallo
  • Opinion
  • Slideshow

Tol Waa Nin Qumman Qabanqaabadiis iyo Nin Qalloocan Qabanqaabadiis

W/Q Georgi Kapchits

Si xiise leh, ayaan u akhristay maqaal uu qoray Ibraahim M. Deeq uuna magac uga dhigay “Kala Miirka Maahmaah iyo Odhaah, Gabay iyo Hees”, waxayna ila noqotay in maqaalku uu mudan yahay in laga faalloodo, siiba qaybtiisa ku saabsan maahmaahyada iyo odhaahyada. Qoraagu aad buu uga welwelsan yahay in si qumman loo kala garan waayo laba shay oo kala ah Maahmaah iyo Odhaah. Waxaase nasiibdarro ah in maqaalkiisu intuu toosin lahaa arrinta uu khuseeyo uu sii qalloocinayo. Tol waa nin qumman qabanqaabadiis iyo nin qalloocan qabanqaabadiis! 

GeorgiQoraagu, tusaale ahaan, wuxuu yidhi: “Odhaahdu waa hadal kooban”. Markaa haddii sidaa uu sheegay aan u qaadano, waxaad mooddaa in maahmaahduna ay tahay hadal ballaadhan. Wuxuu kaloo yidhi: “Mahmaahdu waa murti”. Miyaanay odhaahduba murti ahayn? Wuxuu haddana yidhi: “Maahmaahdu xaraf bay ku socotaa”. Nin daad qaaday xumbo cuskay, oo aan xaraf ku dhisnayni sow maahmaah ma aha? Taa waxaa weliba u sii dheer in Waari mayside war ha kaa hadho ee uu qoraagu uu u haysto odhaah ay xaraf ku dhisan tahay. “Odhaahda qiso baa ka dambaysa”, ayuu mar kale yidhi qoraagu. Aabbe, kan yar iga celiyoo kan weyn igu sii daa ee la wada yaqaanno, qisana ay ka dambeyso ma odhaah baa mise waa maahmaah? Ratigu rar-xumadii reeryo-cun buu ku darsaday! 

Noocyada ay murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed u kala baxaan (proverbial clichés) 

Waxay dad badani u qabaan in murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed ay u kala baxaan laba nooc oo kala ah: maahmaah (proverb) iyo odhaah (saying). Runtuse waxay tahay in ay u kala baxaan ugu yaraan laba iyo toban jaad. Dhinaca naxwaha haddii laga eego murti-maahmaaheedka Soomaaliyeed waxay u kala baxaan kuwo ka kooban weedh qudha (one-phrase clichés) iyo kuwo ka kooban weedho dhowr ah (supra-phrase clichés).

Isla markaasna murti-maahmaaheedka ka kooban weedh qudha waxaa loo kala qaybin karaa kuwo xidhan (kuwaasoo aan waxba laga beddeli karin) sida Awr awr wado iyo nin naagi waddo midna kaama baydho iyo kuwo furan (kuwaasoo wax laga beddeli karo ama wax lagu dari karo) sida Hal bacaad lagu lisay (waxaa la odhan karaa: Hal bacaad baad ku listay…Hal bacaad buu ku lisay ku wad). Kuwa hore waxaaa loo bixin karaa maahmaahyo, kuwa dambana – odhaahyo.

Murti-maahmaaheedka oo ka kooban weedho dhowr ah, ayaguna waxay u kala baxaan kuwo hal jile uu ku jiro[1] (Shabeel baa beri libaax ku yiri: “Libaaxow, bal ama boqol nin la xoog noqo, ama boqol nin la xirrib noqo.”) iyo kuwa ay ku jiraan laba jile (–Daayeerow, qadhaab ka warran? – Tunkayga iyo tagooggayga ka eeg) .

[1] Afka qalaad waxaa la yidhaahdaa wellerisms ee loogu magacdaray Sam Weller oo jile ka ah qisada la yidhaahdo “Warqadaha Pickwick” ee uu qoray Charlis Dikens.

Halkan ka akhriso: Tol waa nin qumman – Georgi Kapchits

George Kapchits
E-mail:[email protected]
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko
—————

Dr. Kapchits waa khabiir ku takhasusay luqada Af Soomaaliga. Waxa uu qoray buuggaag iyo qoraalo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu aad isugu taxalujiyaa baadhista iyo ururinta Afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu wax ku qoraa degalka WardheerNews. 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.