Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Xasan Sheekh ma muddan yahay in mar kale la soo doorto?

W/Q: Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan

Soomaaliya waa inay heshaa dowlad shaqayneysa, wax badan baa ii kordhay intii aan madaxweynaha ahaa  – Xasan Sheekh.

Burburkii dawladdii dhexe iyo dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya horaantii 1991, waxa ay sababeen barakaca dad lagu qiyaasay 2 milyan oo Soomaali ah oo maanta ku kala baahsan dhammaan caalamka. Barakacaasi ma ahayn mid qorsheysan oo shacbiga Soomaaliyeed ay si xor ah uga baxeen hoygoodii iyo hantidoodii. Balse waxa uu ahaa mid ay sababtay ammaan darro, colaad, dhac, burbur iyo in ay halaan goob markaasi ay ugu negaan karaan si nabad ah.

xasan-sheekh_culusow
Xasan Sheekh

Barakaca dadka guud ahaan caalamka ay saameeyeen dagaalada, colaadda, iyo cadaadiska, ayaa lagu qiyaasay in ay gaadhayaan 65 milyan. Tiradan oo ka badan 6 milyan tirakoobkii la qaaday sanadkii 2015 (UNCR 2105 report).

Waxa aynu la soconaa in dagaalkii labaad ee adduunka ka dib Qaramada Midoobay, bishii Desember 14, 1950 ay aasaastay hay’dda u gaarka ah arimaha qaxootiga ee loo yaqaan UNHCR.

Soomaaliya ayaa kaga jirta kaalinta sadexaad dalalka ugu horeeya ee caalamka saldhiga ama soo saarka qaxootiga u ah. Waxaa kaalinta koowaad ku jira Siiriya oo dad lagu qiyaasay 5 milyan ay ka barakaceen, halka Afgaanistaan ay haysato kaalinta 3-xaad, iyada oo ay ka barkaceen dad ku dhow 3 milyan. Maanta Soomaaliya 5-tii qof, hal qof ayaa qaxooti ah, ama dad lagu qiyaasay ku dhawaad 20% shabciga Soomaalida, ayaa dalka dibada uga maqan.

Qaxootiga Soomaalyeed ayaa kuwa ugu badani ay joogaan wadamada Kenya, Itoobiya, Yeman( intii aanu dagaalku ka dhicin), Yurub, Ameerika, Kanada, Koonfur Afrika iyo dalal kale oo badan.

Waxa iyana jira barakac kale oo xoggan oo ka dhacay Soomaaliya, balse ay dadku aynan ka talaabin xudduudka ee ay ku yiihin dalka gudihiisa qaxooti (IDP). Tirada barakacayaashaasi ku sugan gudaha Soomaaliya, ayaa lagu qiyaasay 1.1 milyan (IDMC report).

Barakacayaasha ku sugan gudaha Soomaaliya oo ay xaaladdoodu aad u liidato, ayaa warbixin ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqal Insaanka ee loo yaqaan “ (Human Rights Watch), oo loogu magac daray “ Xoogga ay Raggaan Nagu Hestaan – Sept 2014” ayaa lagu sheegay in ay ka soo gaadheen Kufsi iyo bah’dil ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya jooga.

Dawladda Xasan Sheekh ayaan faraxumada dadkaasi loogu geysto gudaha dalkoodii, habayaraatee wax qorshe ama la xisaabtan ah arimahaasi kala samayn ciidamada AMISOM.

qaxootiga_tirakoobka-soomaalida
Tirakoobka Qaxootiga Soomaaliya ee dibada ku noo

Barakacayshaasi oo xero ka mid ahi ay ku taalo goob aan Madaxtooyada “Villa Soomaaliya” ka fogeyn, ayaanu Xasan Sheekh, mar keliya booqan dadkaasi,  balse uu sii dhaafaa oo soo dhaafaa marka uu u baxayo safarrada tirada ka batay ee uu ku tago dibaddaha.

Barakacayaashaas kuwii nasiibka u helay in ay lugta dhigaan wadamada dhaqaalahoodu sareeyo sida kuwa reer galbeedka, iyo dalal kaleba, ayaa maanta u noqday Soomaaliya kaabiga ugu weyn ee dhaqaalaha dalka.

Qurbajoogtasi ayaa Soomaaliya dhaqaale lagu qiyaasay $ 1.3 bilyan soo geliya sanadkii. Taasi oo u dhiganta 40% kaabiga dhaqaale ee guud ahaan dalka Soomaaliya soo gala.

Dowladaha adduunku iyaga oo ka warqaba muhiihimada iyo kaalinta Qurbajoogta, ayaa ay u abuureen adeeg gaar ah ama Wasaarado iyo Ha’addo si gaar ah ugu adeegga Qurbajoogta, oo ku xidha dalkooda hooyo, si ay uga qeyb qaataan maalgeshiga iyo harumarinta dalalka ay ka soo jeedaan.

Haddaba waxaa dhawaan weerar waxash nimo ah (erratic) ku qaaday dadkaas Qurbajoogta ah, ee sida aan kor ku xusnay kaailinta mugga leh kaga jira dhaqaalaha dalka, Madaxwynaha Soomaaliya Xasan sheekh, isaga oo ku tilmaanay in ay dalka ka carareen!

Waxa yaab leh maanta xukuumadiisa hadda uu wakhtigu ka dhamaaday, in dhamaan Ra’iisal Wasaaraha, tiro xoog leh oo Wasiiro ah iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay yihiin Qurbojoogtaasi uu ku sheegay in ay dalka ka carareen.

Waxa iyana jirta in Xasan Sheekh uu deggen yahay dalka Turkiga oo qoys u joogo, inkasta oo reerkiisa la dejiyay dalkaasi Turkiga ka gadaal markii uu noqday madaxweynaha, taasi oo ka duwan duruufaha adag ee ay soo mareen Qarbajoogtu.

Waxa iyana taa ka daran in bishan Desember 09-dii mar wax laga wediiyay Xasan Sheekh, hadaladda foosha xun ee ka soo yeera Maxaweynaha hadda la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, oo uu ku sheegay Soomaalida dad argagixiso ah oo aanay hoboonayn in firsad loo siiyo in ay Maraykan soo galaan. Xasan Sheekh, ayaa si qabow ugu jawaabay Soomaalida Ameerika joogta in uunan mas’uul ka hayn! (halka ka daawo waraysiga).

refugees_major-countries
Dalalka ugu badan ee qaxootigu ka soo jeedaan

Tani waxa ay ku tusaysaa Xasan Sheekh in uu gabay kaalintii iyo mansabkii Madaxweyneha ee loo doortay ee ahaa in uu yahay hogaamiyaha Soomaaliya, ama ilaa hadda uusan fahamsanayn mas’uuliyada madaxtinimada iyo xilka ka saaran dhamaan dadka Soomaaliyeed dibad iyo gudahaba.  Waxa taas ka sii daran in Qurbajoogtu Soomaalyeed, meel kasta oo uu tago ay gacmo furan ku soo dhaweysay.

Dhinac kale Soomaaliya oo ay abaaro ba’ani ka jiraan oo saameysey dad kor u dhaafay badan 1.2 miyan (OCHA report) , ayaa Xasan sheekh codsaday in dadka Soomaaliyeed loo soo gurmaddo, balse ka gaabiyay oo  aan la iman wax qorshe ah oo dowladdiisu ugu talo gashay dadkaasi oo lagu taageero. Isaga oo hantidii dalka gashaday sidii dib loogu soo dooran lahaa.

Waxyaalaha lala yaabo ee Xasan Sheekh marka kasta sheego, waxa ka mid “ Soomaaliya waa inay heshaa dowlad shaqayneysa”!  Miyaanu isagu dalka hogaamin afartii sano ee la soo dhaafay! Waxaad moodaa afartaasi sano in aanay uba tirsanayn.

Waxa aan cidna caad ka saaryneyn musumaasuqa baahsan ee hadheeyay Soomaaliya tan iyo intii uu Xasan madaxtinimada qabsaday, iyada oo uu hadda isugu biyo shubtay urur-siga iyo boobka hantida dalka.

Waxa jira warar sheegaya in uu lacag kor u dhaaftay 5 milyan kaga baxday doorashooyinka golaha Baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo u xusul duubbtay iibsiga kuraasta Baarlamaanka si markaasi loo soo doorto mar kale.

Xasan oo horey u ahaa macalin una shaqeeya hay’addaha samafalka, waxa iswediin muddan, sidee ayay ku dhacday in lacag xadigaas leeg uu ku helo muddo kooban intii uu hayay xukunka!

Waxa cad in hantida Xasan Sheekh uu ku takri falayaa ay tahay tii dalka oo uu lunsaday.

Waxa iyana cad in Xasan ku fashilmay dhisida Ciidan Soomaaliyeed, sugida ammaanka dalka, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo doorashooyin xor ah oo shacabku ku doortaan ciddii hoggaamin lahayd.

Aniga oo ku raacsan Xasan Abuukar gundhiga maqaalkiisa, in Xasan Sheekh u eeg tahay mar kale in uu soo baxo, haddana su’aashu waxa ay tahay:

Xasan Sheekh ma muddan yahay in mar kale loo doorto madaxtinimada Soomaaliya?

Cabdikarim C/raxmaan X. Xasan
WardheerNews
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.